Saturday, July 19, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Shir ku saabsan dhismaha Gole deegaan oo ay yeeshaan Baydhabo iyo Baraawe oo la daah furay

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
December 18, 2017
in Wararka
0
Maamulka Degmada Baraawe oo codsaday in laga caawiyo arrimaha caafimaadka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Daahfurka Masharuuca Maamul dhisidda Degmooyinka Baraawe iyo Baydhabo waxaa ka qeybgaley Guddoomiyaha Baarlamanka Koonfur Galbeed, Wasiirka Arrimha Gudaha Koonfur Galbeed, Xogayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Arrmaha Gudaha Federaalka, Guddoomiye Ku-xigeenka Guddiga Doorashooyinka madaxa banaan iyo marti saharaf kale.

Cabdullaahi Cali Watiin Guddoomiyaha Degmada Baydhabo iyo Guddoomiyaha Ururada Bulshada rayidka Koonfur Galbeed Cabdiqaadir Sheekh Cali iyo Malaaq Deeraw Yacquub oo ah Afhayeenka odiyaasha Dhaqanka ayaa waxaa si wadajir ah ay u soo dhaweeyeen in ladhiso Gole deegaan oo ay soo dooranayaan shacabka.

Related posts

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

July 18, 2025
Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

July 18, 2025

Xoghayaha joogtada ah ee Wasaarada Arimaha Gudaha iyo Dawladaha Hoose ee Fadaraalka Cabdullaahi Ashaari iyo Wasiirka arrimaha Gudaha Koonfur Galbeed Cabdaladhiif Madoobe Nuunow Maxamed ayaa sharaxay habraaca doorashooyinka Golaha Deegaanka.

“Wasaaradda Arrimaha gudaha, dowladaha Hoose iyo dib u heshiisiinta ee Koonfurgalbeed, iyada oo la kaashaneysa Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Federaalka waxa ay la tashi la yeelatay qeybaha kala duwan ee bulshada, waxaana la sameeyay sharuucda dowladaha Hoose, hadaba ujeedka laga leeyahay waa sameynta iyo dhameystirka Gole deegaan oo ay horey u soo yeelatay Degmada Xudur, si taa la mid ah ayaan rabnaa inaan halkan ka sameyno nidaamkaas” ayuu yiri Wasiirka arrimaha gudaha ee Koonfur Galbeed.

Guddoomiyah Baarlamanka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya Cabduqaadir Shariif Sheekhuna Maye oo gabagabadii ka hadlay Daahfurka munaasabadda waxaa uu sheegay in shacabka iyo Dawladda oo wada shaqeeya ay keeni karto Maamul wanaag, loona baahanyahay in qof waliba   kaalintiisa uu ka qaato sidii loo dhisi lahaa Maamulkan.

“Sidii dadku jecelyihiin ee 100% ma la heli karo, balse waxaan ku dadaaleynaa oo aan ka codsaneyna Wasiirka in wixii sharciga qabo la sameeyo oo la dhiso maamul ay shacabku soo doorteen, laga bilaabo shirka waa inoo furanyahay ee ku aadan dhismaha Gole deegaan oo ay yeeshaan Degmooyinka Baydhabo iyo Baraawe” ayuu yiri Guddoomiyaha Baarlamaanka Koonfur Galbeed.

Mashruucsn Maaul dhisidda Degemooyinka Baydhabo iyo Baraawe oo ay iska kaashanayaan Wasaaradaha Arrimaha Gudaha Heer Federaal tan Koonfur galbed iyo Waliba Hay ada Soomaali one ayaa waa uu qorshuhuu uu yahay in Gole deegaan oo dadku soo doorteen laga hirgeliyo  Degmooyinka Baraawe iyo Baydhabo.

Previous Post

Wasiirka Warfaafinta oo shaaciyay in dabayaaqada bishan uu furmi doono shir muhiim u ah Afka Soomaaliga

Next Post

Xulka Kubadda Cagta ee Puntland oo u soo gudbay kama dambeysta tartanka

Next Post
Cayaartoyda Xulka G/Benaadir oo guul ka gaaray dhigooda Jubbaland “SAWIRRO”

Xulka Kubadda Cagta ee Puntland oo u soo gudbay kama dambeysta tartanka

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

July 18, 2025
0

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Amniga ee Xukuumadda Federaalka, Maxamed Cali Xagaa iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa ka qeybgalay xaflad ka dhacday...

Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

July 18, 2025
0

Soomaaliya ayaa heshay Diyaarado aan duuliyaha laheyn, iyo kuwa Qumaatiga u kaca ee Helicopteriska ah, kuwaasi oo qeyb ka qaadan...

Turkiga oo sheegay in Israel ay wiiqayso dadaallada dib u dhiska ee Suuriya

Turkiga oo sheegay in Israel ay wiiqayso dadaallada dib u dhiska ee Suuriya

July 18, 2025
0

Ergayga Qaramada Midoobay ee Turkiga Ahmet Yildiz ayaa si kulul u cambaareeyay weerarrada joogtada ah ee Israa’iil ay ka geysanayso...

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud ee XFS oo la kulmay madaxda Safaaradda Soomaaliya ee Aljeria

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud ee XFS oo la kulmay madaxda Safaaradda Soomaaliya ee Aljeria

July 18, 2025
0

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS), Mudane Saciid Maxamed Maxamuud, ayaa booqasho shaqo ku tagay xarunta Safaaradda...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In