Thursday, April 2, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

R/wasaare Khayrre ”Waxaan xoogga saareynaa dib u dhiska iyo tayeynta ciidanka”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
8 years ago
in Wararka
0
R/wasaare Khayrre ”Waxaan xoogga saareynaa dib u dhiska iyo tayeynta ciidanka”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Guddiga doorashooyinka oo Galmudug ka bixinaya kaararka cod-bixiyaasha

Guddiga doorashooyinka oo Galmudug ka bixinaya kaararka cod-bixiyaasha

April 1, 2026
Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo booqday Isbitaalka Benaadir

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo booqday Isbitaalka Benaadir

April 1, 2026

Munaasabada ballaaran oo lagu soo geba gebeynayay xuska sand guuradii 74-aad ee aas aaska ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa xalay ka dhacday magaalada Muqdisho,taasi oo ay ka qeybgalen mas’uuliyiin kaladuwasn.

Waxaa kamid ahaa madaxdii ka qeybgashey Raiisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre xubno ka tirsan golayaasha kaladuwan ee Dowladda,saraakiil katirsan ciidanka qalabka sida ee Soomaaliyeed iyo marti sharaf kale.

Dhamaan madaxdii ka qeybgashey munaasabadaasi ayaa ku ammaanay ciidanka Booliska Soomaaliyeed waxqabadkooda iyo dowrka ay ku leeyihiin horumarka bulshada iyo sugidda amniga

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre oo hadal ka jeediyay munaasabadda ayaa ku dheeraaday ka hadalka ahmiyadda ay dalka u leeyihiin ciidanka booliska Soomaaliyeed iyo marxaladihii ay soo mareen.

Wuxuu raiisul wasaaraha uga Mahad Celiyay Saraakiisha Ciidamada Booliska sida ay ugu dhabar adeegayaal in dalka ammaankiisa la sugo,isagoo intaasi ku daray in dowladdu ay xooga saari doonto dib u dhiska iyo tayeynta ciidamada oo la filayo in ay amniga dalka kala wareegaan Amisom.

Ugu dambeyntii Mudane Xasan Cali Khayre wuxuu sheegay in Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka  Soomaaliya uu Gacan ka geysan doono wax u qabashada aagoontii Aabeyaashood ay ku dhinteen Qaraxii 14-kii Bishaan ka dhacay Xarunta Tababarada Ciidamada Booliska Ee Gen Kaahiye ee magaalada Muqdisho.

Ciidanka booliska Soomaaliyeed oo ah ciidankii ugu horeeyey oo uu dalku yeesho ayaa la aas aasey sanadka markuu ahaa 1943-dii,waxaana ay soo mareen xeerar iyo marxalado kaladuwan,waana laf dhabarta u adeegista bulshada.

Previous Post

Akhriso: Qaab dhismeedka ciidanka Booliiska Soomaaliyeed

Next Post

Wafdi uu hogaaminayay Wasiir Beyle oo kormeeray deegaanka Goob weyn+Sawirro

Next Post
Wafdi uu hogaaminayay Wasiir Beyle oo kormeeray deegaanka Goob weyn+Sawirro

Wafdi uu hogaaminayay Wasiir Beyle oo kormeeray deegaanka Goob weyn+Sawirro

Guddiga doorashooyinka oo Galmudug ka bixinaya kaararka cod-bixiyaasha

Guddiga doorashooyinka oo Galmudug ka bixinaya kaararka cod-bixiyaasha

April 1, 2026
0

Guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka Qaranka ayaa maanta magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Galmudug soo gaarsiiyey Kaararka codbixiyaasha hore loo diiwaangeliyey,...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo booqday Isbitaalka Benaadir

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo booqday Isbitaalka Benaadir

April 1, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa maanta booqday Isbitaalka Hooyada iyo Dhallaanka Banaadir ee...

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka oo Daah-furay madal lagu xoojinayo horumarinta beeraha Dalka

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka oo Daah-furay madal lagu xoojinayo horumarinta beeraha Dalka

April 1, 2026
0

Muqdisho, Arbaco, 01 Abriil 2026: Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa daah-furay madasha isku-duwidda qaybta...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo isbeddel ku sameeyay Agaasimayaasha Guud ee Wasaaradaha Dowladda

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo isbeddel ku sameeyay Agaasimayaasha Guud ee Wasaaradaha Dowladda

April 1, 2026
0

Muqdisho , 1-da April , 2026 : Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda JFS Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa magacaabis isweeydaarin ah ku...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In