Saturday, December 20, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Carruur baratay daruusta Diiniga ah oo abaalmarino lagu guddoonsiiyay dalka Koonfur Afrika “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
8 years ago
in Wararka
0
Carruur baratay daruusta Diiniga ah oo abaalmarino lagu guddoonsiiyay dalka Koonfur Afrika “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Munaasabadaan oo aheyd mid si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa waxaa ka qeybgalay mas’uuliyiin ka kala socotay Safaaradaha Soomaaliya iyo Sacuudiga ay ku leeyihiin dalka South Africa, Xubno ka socday Ururka Islaamka South Africa, marti sharaf kala duwan oo isugu jira Soomaali iyo Ajaanib, waaldiiinta ay carruurtooda wax ka bartaan Madrsada Imamu Bukhaari iyo qeybaha kala duwan ee Soomaalida ee ku nool magaalada Pretoria.

Maamulaha Madrasada Imamu Bukhaari Sheekh Maxamed Xakaar ayaa ugu horeyn ka hadlay madasha lagu qabtay xafladda, waxaana uu sheegay in ardayda wax ka barata madrasada loo dhigo ilaa sideed maado oo diini ah, isla markaana maanta ay ka qaadanayaan shahaadooyin kala duwan.

Related posts

Dadweynaha oo maanta oo Jimco ah fursad loo siiyay qaadashada kaarka codbixinta

Dadweynaha oo maanta oo Jimco ah fursad loo siiyay qaadashada kaarka codbixinta

December 19, 2025
Wasiirka Caafimaadka XFS oo booqday bukaanno loo qorsheeyay in loo qaado Masar

Wasiirka Caafimaadka XFS oo booqday bukaanno loo qorsheeyay in loo qaado Masar

December 19, 2025

Sheekh Maxamuud Adar oo ah Guddoomiyaha Golaha Fulinta Hey’adda Culimada Al-Bayaan ee gacanta ku heysa inta badan Masaajida iyo goobaha waxbarashada ee Soomaalida ku leeyihiin dalka South Africa ayaa waalidiinta ugu baaqay in ay kaalin weyn ka qaataan waxbarashada carruurtooda.

Sheekh Qorane Cabdi oo ka mid ah Aas aasayaasha Hey’ada Culimada Al-Bayaan oo goobta ka hadlay ayaa sheegay ku dhawaad 20 sano oo ay shaqeyneyso hey’adaan ay dalka South Africa ka sameeyeen in ku dhow 15 goobo waxbarasho, isla markaana ay dhigtaan ku dhawaad labo kun iyo shan boqol (2,500) arday oo isugu jira Soomaali iyo Ajaanib kale.

Uqaabilsanaha Arrimaha Diinta ee Safaarada Sacuudiga ay ku leedahay dalka South Africa Sheekh Cumar Axmed oo madasha hadal kooban ka jeediyay ayaa Soomaalida ku amaanay in ay yihiin dad ku wanaagsan fidinta Diinta Islaamka iyo xifdinta Qur’aanka Kariimka.

Xoghayaha kowaad ee Safaaradda Soomaaliya ay ku leedahay dalka South Africa Ismaaciil Cabdalle Soomane ayaa ugu baaqay waalidniinta Soomaalida iyo qeybaha bulshada in ay taageeraan Maamulka iyo Macalimiinta Madrasada si ay howsha ay hayaan uga soo baxaan si wanaagsan.

Mas’uuliyiinta madasha isugu timid ayaa si wadajir ah waxaa ay hadiyado u gudoon siiyeen ardayda kaalmaha hore ka galay imitxaanaadkii la qaaday iyo kuwa ugu wanaagsan ee fasalada, waxaa sido kale hadiyado la siiyay qaar ka mid ah Hooyooyinka Soomaalida ee magaaladaasi oo ka mid ah ardayda Qur’aanka iyo Axkaamta kale ee Diiniga ah la baro.

 

By C/laahi Maxamuud Amiin. C/laahi Qorshe

Johannesburg-South Africa.

Previous Post

Dhageyso Warka Habeen ee Radio Muqdisho

Next Post

Xukumadda Federaalka Soomaaliya oo Sheegtay inay la soo Waregeyso Hawada Soomaaliya

Next Post
Xukumadda Federaalka Soomaaliya oo Sheegtay inay la soo Waregeyso Hawada Soomaaliya

Xukumadda Federaalka Soomaaliya oo Sheegtay inay la soo Waregeyso Hawada Soomaaliya

Dadweynaha oo maanta oo Jimco ah fursad loo siiyay qaadashada kaarka codbixinta

Dadweynaha oo maanta oo Jimco ah fursad loo siiyay qaadashada kaarka codbixinta

December 19, 2025
0

Maanta oo Jimco ah waxaa dadweynaha  fursad loo siiyay in ay qaataan kaarka codeynta,kaas oo si habsami leh uga socda...

Wasiirka Caafimaadka XFS oo booqday bukaanno loo qorsheeyay in loo qaado Masar

Wasiirka Caafimaadka XFS oo booqday bukaanno loo qorsheeyay in loo qaado Masar

December 19, 2025
0

Wasiirka Caafimaadka XFS Dr.Cali Xaaji Aadan Abuubakar iyo mas’uuliyiin kale ayaa xalay Cisbitaalka Degfeer ku booqday qoysa Soomaali ah oo...

Ciidanka Boliiska oo isu diyaariyay Xuska 82-aad ee ka soo wareegatay aas aaska Ciidanka

Ciidanka Boliiska oo isu diyaariyay Xuska 82-aad ee ka soo wareegatay aas aaska Ciidanka

December 19, 2025
0

Muqdisho(SONNA):-Booliska Soomaaliya oo diyaargarow ugu jira Xuska Sanad Guurada 82-aad ee kasoo wareegatay Aas Aaska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Taliyaha Ciidanka...

Wasiirka Amniga Gudaha Federaalka oo tababar u soo xiray gabdho ka tirsan Ciidanka Boliiska.

Wasiirka Amniga Gudaha Federaalka oo tababar u soo xiray gabdho ka tirsan Ciidanka Boliiska.

December 18, 2025
0

Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa maanta tababar usoo xiray gabdho ka tirsan Ciidanka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In