Friday, May 22, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

War-murtiyeedka shirka Madasha Wasaaradaha Arrimaha Dastuurka

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
8 years ago
in Wararka
0
War-murtiyeedka shirka Madasha Wasaaradaha Arrimaha Dastuurka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Shirka Madasha Wasaaradaha Arrimaha Dastuurka kulankiisii sedexaad ayaa ku soo gebagaboobay magaalada Garoowe, waxaana laga soo saaray War-murtiyeed ka koobnaa 12 qodob.

Lataliyaha Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee XFS ee arrimaha Warfaafinta iyo Xiriirka, Cabdicasiis Cabdi Xaaji Gobdoon ayaa
Wadaxaajood iyo falanqayn dheer kadib warfidiyeenada u aqriyay qodobadan soo scoda oo ay madashu isku raacday:-

Related posts

Kulan looga hortagayo faafidda cudurka Ebola oo lagu qabtay Muqdisho

Kulan looga hortagayo faafidda cudurka Ebola oo lagu qabtay Muqdisho

May 22, 2026
Hay’adda SoDMA iyo Bisha Cas ee dowladda Qatar oo daahfuray mashruuca Udxiyada 1447H

Hay’adda SoDMA iyo Bisha Cas ee dowladda Qatar oo daahfuray mashruuca Udxiyada 1447H

May 22, 2026

1) Madashu waxa ay uga mahadcelisay Dawladda Puntland ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya martigelinta shirka sadexaad ee madasha.

2) Madashu waxa ay soo dhaweysay heshiiskii ay gaareen Wasaaradda Dastuurka ee XFS, Guddiga La-socodka Dib-u-eegista Dastuurka ee Baarlamaanka, iyo Guddiga Madaxanabnaan ee Dib-u-eegista iyo hirgelinta Dastuurka.

3) Madashu waxay ay ka mahadcelineysaa ammaanta ay u soo jeediyeen madaxdii ka qaybgashay shirkii Madasha Iskaashiga Soomaaliya ee ka dhacay Muqdisho 5tii November 2017.

4) Shirka Madasha waxaa lagu ansixiyay Istiraatiijiyadda Waxbarashada Madaniga iyo Wacyigelinta Dadweynaha ee Geedi-socodka dib-u-eegista Dastuurka ee labada sano ee soo socota.

5) Madasha waxaa lagu go’aamiyay daadejinta Waxbarashada Madaniga iyo Wacyigelinta Bulshada illaa heer gobol, degmo iyo tuulo, iyadoo kaalin lixaad leh ay ka ciyaarayaan Wasaaradaha Dastuurka ee Dawladaha Xubanaha ka ah Dawaladda Federaalka Soomaaliya iyo Maamulka Gobolka Banaadir iyagoo kaashanaya bulshada qaybaheeda kala duwan.

6) Madashu waxa ay soo dhaweeysay safar hawleedka wadajirka ah ee ay Wasaaradda Arrimaha Dastuurka XFS iyo labada Guddi ee ku shaqada leh arrimaha dib-u-eegista Dastuurka ay ku tagi doonaan Dawladaha Xubanaha ka ah Dawaladda Federaalka Soomaaliya si ay wadatashi ula sameeyaan madaxda sare iyo Wasaaradaha.

7) Madashu waxay soo dhaweyneysaa qabashada shirweynaha qaran ee daahfurka Ololaha Dib-u-Eegista Dastuurka, kaas oo ka dhici doono magaalada Muqdisho horaanta 2018.

8) Madashu waxa ay isku raacday in Guddiga Farsamada ee Golaha Iskaashiga Dawladaha Xubanaha ka ah Dawaladda Federaalka Soomaaliya lagu soo daro Madasha Wasaaradaha Arrimaha Dastuurka ee Dawladda Federaalka, Dawladaha Xubanaha ka ah Dawaladda Federaalka iyo Maamulka Gobolka Banaadir.

9) Madashu waxay isla garatay in kulanka afaraad ee madasha lagu qabto magaalada Baydhabo ee Caasimadda kumeel gaarka ah ee Dawladda Koonfur Galbeed Soomaaliya.

10) Wasaaradda Arrimaha Dastuurka XFS waxaa ka go’an xoojinta wadashaqaynta iyo wadajirka Wasaaradaha Arrimaha Dastuurka ee Dawladaha Xubanaha ka ah Dawaladda Federaalka Soomaaliya iyo Maamulka Gobolka Banaadir si looga guul gaaro Geedi-socodka dib-u-eegista Dastuurka.

11) Madashu waxay si weyn u bogaadinaysaa kaalinta madaxda sare ee Qaranka iyo sida ay ugu heelanyihiin dib-u-eegista iyo dhameystirka Dastuurka.

12) Madashu ugu dambayn waxay u mahadcelinaysaa Beesha Caalamka taageeradooda ku aadan hanaanka dib-u-eegista dastuurka iyo dhameystirkiisa.

—–DHAMAAD—–

Previous Post

Madaxweynaha oo Tababar u soo xirey dufcaddii ugu horreysay ee ka qalin jabiya Kulliyadda Tababarka Ciidamada Turky-Som “SAWIRRO”

Next Post

Dhageyso: Madaxweyne Farmaajo oo ku baaqay in laga wada shaqeeyo Dhismaha Qaranka

Next Post
Dhageyso: Madaxweyne Farmaajo oo ku baaqay in laga wada shaqeeyo Dhismaha Qaranka

Dhageyso: Madaxweyne Farmaajo oo ku baaqay in laga wada shaqeeyo Dhismaha Qaranka

Kulan looga hortagayo faafidda cudurka Ebola oo lagu qabtay Muqdisho

Kulan looga hortagayo faafidda cudurka Ebola oo lagu qabtay Muqdisho

May 22, 2026
0

Ku simaha Wasiirka ahna Wasir dowlaha wasaaradda caafimaadka XFS, Dr. Maryama Mohamed Hussein, ayaa shir gudoomisay kulan kadhacay Xarunta Hawlgallada...

Hay’adda SoDMA iyo Bisha Cas ee dowladda Qatar oo daahfuray mashruuca Udxiyada 1447H

Hay’adda SoDMA iyo Bisha Cas ee dowladda Qatar oo daahfuray mashruuca Udxiyada 1447H

May 22, 2026
0

Kaaliyaha Arrimaha Carabta Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed ee SoDMA, Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen iyo Safiir Ku-xigeenka Dowladda Qatar Raashid...

Shiinaha oo canshuurta kastamka ka dhaafay badeecooyinka uga yimaada Afrika

Shiinaha oo canshuurta kastamka ka dhaafay badeecooyinka uga yimaada Afrika

May 22, 2026
0

Siyaasadda China ee lagu baabi’inayo canshuuraha kastamka ee badeecadaha Afrika ayaa billowday inay natiijooyin muuqda dhaliso. Arrintan waxaa shaaciyay Liu...

Shirka golaha Wasiirrada Koofur Galbeed oo looga hadlay xaaladda guud ee deegaannada Koofur Galbeed

Shirka golaha Wasiirrada Koofur Galbeed oo looga hadlay xaaladda guud ee deegaannada Koofur Galbeed

May 21, 2026
0

Hoggaamiyaha ku meel gaarka ah ee Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi ayaa shir guddoomiyey kulanka Golaha Wasiirrada...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In