Sunday, September 7, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Xabad joojin ka hirgashay Koonfur Suudaan

caqiil by caqiil
December 24, 2017
in Wararka
0
Xabad joojin ka hirgashay  Koonfur Suudaan
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Xabad joojin ay dhawaan kala saxiixdeen dowladda Suudaanta Koonfureed iyo falaagada hubeysan ayaa ka dhaqan gashay dalkaasi, tallaabadan ayaana ah isku-daygii ugu dambeeyay ee lagu soo afjarayo dagaal sokeeye oo halakeeyay waddankaasi afartii sano ee lasoo dhaafay.

Heshiiska xabad joojinta ayaa dowladda Suudaanta Koonfureed iyo falaagada dagaalka kula jirta waxa ay ku kala saxiixdeen maalintii Khamiistii Dalka Ethiopia.

Related posts

Guddoomiyaha hay’adda SoDMA oo daah-furay shir looga hadlayay xoojinta doorka haweenka ee howlaha gargaarka

Guddoomiyaha hay’adda SoDMA oo daah-furay shir looga hadlayay xoojinta doorka haweenka ee howlaha gargaarka

September 6, 2025
Madaxweynaha KGS oo shir guddoomiyay shirka amniga

Madaxweynaha KGS oo shir guddoomiyay shirka amniga

September 6, 2025

Heshiiskan ayaa dhigaya in hey’ddaha gargaarka loo ogolaado inay gurmad garsiyaan dadka ay waxyeeladu kasoo gaartay collaada ka jirtay waddankaasi.

Dhowr heshiis oo horay loo saxiixay ayaa burburay, waxaana dagaalka sokeeya ee dalkaasi lagu dilay tobonaan kun oo qof, halka malaayiin kalena ay ku barakaceen.

Dhammaan isku-dayadii hore ee lagu doonayay in lagu gaaro heshiis nabadeed oo dhexmara madaxweyne Salva Kiir iyo ninka sida weyn uga soo horjeedo Riek Machar ayaa guuldareystay.

In ka badan hal malyan oo qof oo u dhalatay Suudaanta Koonfureed ayaa u qaxay dalalka dariska la ah, iyada oo hay’addaha gargaarkuna ay ka digeen cuna yari ba’an.

Xabad joojintaan ayaa ka dhigan tallaabadii ugu horreysay oo lagu guuleysto, waxaana xigi doono wadahadalo kale oo haddii guul laga gaaro, ugu dambeyn la qaban doona doorashooyin.

BBC

 

Previous Post

Dhageyso: Madaxweyne Farmaajo oo ku baaqay in laga wada shaqeeyo Dhismaha Qaranka

Next Post

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

Guddoomiyaha hay’adda SoDMA oo daah-furay shir looga hadlayay xoojinta doorka haweenka ee howlaha gargaarka

Guddoomiyaha hay’adda SoDMA oo daah-furay shir looga hadlayay xoojinta doorka haweenka ee howlaha gargaarka

September 6, 2025
0

RADIO MUQDISHO: Guddoomiyaha Hay'adda Maareynta Musiibooyinka ee (SoDMA), Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa daah-furay shir muhiim ah oo looga hadlaayay xoojinta...

Madaxweynaha KGS oo shir guddoomiyay shirka amniga

Madaxweynaha KGS oo shir guddoomiyay shirka amniga

September 6, 2025
0

RADIO MUQDISHO(BAYDHABA):Madaxweynaha Koonfur-galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Guddoomiyey Shirka Golaha Amniga Koonfur-galbeed oo looga hadlay xaqiijinta amniga iyo...

Taliyaha Ciidanka Booliiska oo kormeeray laanta hoggaanka dambi baarista ee CID

Taliyaha Ciidanka Booliiska oo kormeeray laanta hoggaanka dambi baarista ee CID

September 6, 2025
0

RADI MUQDISHO: Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi ayaa kormeer shaqo ku tagey Xarunta Hogaanka Baarista Dambiyada...

Ciidamada NISA oo hawgal qorsheysan ku dilay tobaneeyo Khawaarijta ah

Ciidamada NISA oo hawgal qorsheysan ku dilay tobaneeyo Khawaarijta ah

September 6, 2025
0

RADIO MUQDISHO:- Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ee NISA oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa howlgal qorsheysan ka fuliyey...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In