Wednesday, February 11, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Gaashaandhiga XFS oo ka war bixiyay howlgalada ka dhan ah Al-Shabaab

admin by admin
8 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Gaashaandhiga XFS oo ka war bixiyay howlgalada ka dhan ah Al-Shabaab
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Gaashaandhiga Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Mursal Sheikh C/raxmaan oo wareysi siiyay Warbaahinta Qaranka ayaa ka warbixiyay howlgaladii ugu danbeeyay ee lagu qaaday Kooxda Argagaxisada Al-Shabaab,bixitaanka Ciidamada AMISOM ee Soomaaliya iyo qiimeynta Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed iyo baahiyaha dhanka ciidanka ay qabaan.

Maxamed Mursal Sheikh C/raxmaan Wasiirka Gaashaandhiga Dowladda Soomaaliya ayaa marka hore sheegay in Kooxda Argagixisada Al-Shabaab cabsi xoogan ay ku reebtay howlgalada ay qaadayaan Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee DANAB,kuwaasoo saldhigyadooda ku weerara Saraakiisha iyo dagaalyahanada Al-Shabaab.

Related posts

Wasiirka Cadaaladda XFS oo kulan mira-dhal ah la qaatay dhiggiisa Dalka Turkiga

Wasiirka Cadaaladda XFS oo kulan mira-dhal ah la qaatay dhiggiisa Dalka Turkiga

February 10, 2026
Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo booqday xarunta IMCTC

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo booqday xarunta IMCTC

February 10, 2026

Wuxuu sheegay Wasiirka in howlgaladaan Al-Shabaab ay ku qasbeen iney noqdaan baxsad iyo khilaaf dhexdooda hareeyay,wuxuuna shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay iney garab istaagaan Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya ee howdka ugu jira ciribtirka Kooxda Nabad diidka ah ee xiriirka la leh Al-Qaa’ida.

Sidoo kale,Wasiirka Gaashaandhiga Maxamed Mursal Sheikh C/raxmaan oo ka hadlayay bixitaanka Ciidamada AMISOM ee Soomaaliya ayaa sheegay in mar waliba ay qasab tahay in ciidamada AMISOM ka baxaan Soomaaliya loona baahan in aan isku tashano lana tayeeyo Ciidamada Qaranka.

” Ciidamada AMISOM marka hore waxay ahaayeen Nabad ilaaliyaal (Peace Keaping) balse hadda waxay yihiin nabad dhaliyeyaal,taasina waxaa keentay xaalada dalka ka jirta,waxayna AMISOM ku howlgalaan Mandate,” ayuu yiri Wasiirka Gaashaandhiga oo wareysi gaar ah siiyay Warbaahinta Qaranka.

Ugu danbeyntii,Wasiirka Gaashaandhiga ayaa qiray in qiimeyn lagu sameeyay Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed muujineyso iney jiraan baahiyo badan oo dhanka ciidanka ah ay qabaan Xoogga dalka Soomaaliya,islamarkaan Dowladda Soomaaliya ay xoogga saareyso sidii wax looga qaban lahaa baahiyaasi jira.

Dowladda Soomaaliya ayaa dadaal ugu jirta sidii loo tayeyn lahaa Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed si ay amaanka guud ee dalka ugala wareegaan AMISOM marka uu waqtiga joogitaankooda Soomaaliya uu idlaado.

Previous Post

Turkiga iyo Suudaan oo kala saxiixday Heshiis dhanka Ganacsiga

Next Post

Wasiirka Amniga oo xariga ka jaray xarunta agoonta Booliska Soomaaliyeed {SAWIRRO}

Next Post
Wasiirka Amniga oo xariga ka jaray xarunta agoonta Booliska Soomaaliyeed {SAWIRRO}

Wasiirka Amniga oo xariga ka jaray xarunta agoonta Booliska Soomaaliyeed {SAWIRRO}

Wasiirka Cadaaladda XFS oo kulan mira-dhal ah la qaatay dhiggiisa Dalka Turkiga

Wasiirka Cadaaladda XFS oo kulan mira-dhal ah la qaatay dhiggiisa Dalka Turkiga

February 10, 2026
0

Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Macallin Maxamuud, ayaa kulan miro-dhal ah la qaatay dhiggiisa...

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo booqday xarunta IMCTC

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo booqday xarunta IMCTC

February 10, 2026
0

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, oo booqasho ku jooga Boqortooyada Sucuudi Carabiya, ayaa maanta booqday xarunta...

Mudanayaasha Labada Aqal ee BJFS oo ka dooday Cutubka 5-aad ee Dastuurka

Mudanayaasha Labada Aqal ee BJFS oo ka dooday Cutubka 5-aad ee Dastuurka

February 10, 2026
0

Mudanayaasha labada aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulan wadajir ah ku yeeshay xarunta Golaha Shacabka, waxaana shir...

𝐌𝐢𝐧𝐢𝐬𝐭𝐞𝐫 𝐀𝐛𝐝𝐢𝐬𝐚𝐥𝐚𝐦 𝐀𝐛𝐝𝐢 𝐀𝐥𝐢 𝐀𝐫𝐫𝐢𝐯𝐞𝐬 𝐢𝐧 𝐀𝐝𝐝𝐢𝐬 𝐀𝐛𝐚𝐛𝐚 𝐟𝐨𝐫 𝐭𝐡𝐞 𝟑𝟗𝐭𝐡 𝐀𝐔 𝐒𝐮𝐦𝐦𝐢𝐭

𝐌𝐢𝐧𝐢𝐬𝐭𝐞𝐫 𝐀𝐛𝐝𝐢𝐬𝐚𝐥𝐚𝐦 𝐀𝐛𝐝𝐢 𝐀𝐥𝐢 𝐀𝐫𝐫𝐢𝐯𝐞𝐬 𝐢𝐧 𝐀𝐝𝐝𝐢𝐬 𝐀𝐛𝐚𝐛𝐚 𝐟𝐨𝐫 𝐭𝐡𝐞 𝟑𝟗𝐭𝐡 𝐀𝐔 𝐒𝐮𝐦𝐦𝐢𝐭

February 10, 2026
0

The Minister of Foreign Affairs and International Cooperation, H.E. Abdisalam Ali has arrived in Addis Ababa to participate in the...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In