Iyadoo dhawaanahaanba uu madaxweynaha Maamulka Hirshabeele Maxamed Cabdi Waare waday dadaalo ku aadan sidii Golihiisa Wasiirada ay codka kalsoonida ah uga heli lahaayeen baarlamaanka Hirshabeele ayaa waxaa jira kulan ay leeyihiin xildhibaanada oo ku saabsan arrimaha horyaala oo ay kamid yihiin kalsooni siinta Wasiiradaasi.
Sida uu ku soo waramaya wariyeheen magaaladasi Jowhar Abuukar Maxamed Bacadle,saxaafadda ayaa looga yeeray hoolka shirarka baarlamaanka Hirshabeele ee magaaladaasi,waxaana jir akulna aan caadi ahayn oo ujeedkiisu yahay sidii codka kalsoonida ah loo siin lahaa Wasiirada cusub.
Wararka ka imaanaya magaalada Jowhar ayaa sheegaya in Xildhibaanada Baarlamaanka Hirshabeelle ay maanta leeyihiin kulan aan caadi aheyn oo looga hadlayo ansixinta Golaha Wasiirada uu soo magacaabay Madaxweyne Waare.
Madaxweyne Maxamed Cabdi Waare ayaa lafilaya in maanta uu baarlamaanka Hirshabeele horgeeyo Golihiisa Wasiirada,si ay codka kalsoonida ah u siiyaan.
Maxamed Yuusuf Colow oo kamid ah xildhibaanada baarlamaanka Hirshabeele ayaa warbaahinta u sheegay in kulanka lagu ansixin doono Golaha Wasiirada,isagoo intaasi ku daray in ay soo dhamaadeen kulamo wadatashiyo ah oo muddooyinkiii ugu dambeeyey u socday madaxweyne Waare iyo Xildhibaanada baarlamaanka.
Waxaa siweyn loo adkeeyey Ammaanka magaalada Jowhar,iyadoo ciidamadu ay xireen qaar kamid ah wadooyinka,islamarkana aay wadaan baaritaan lagu sameynayo isu socodka dadka iyo gaadiidka.