Saturday, December 13, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Kulan looga hadlayo Doorashada Soomaaliya 2020-ka oo ka furmay Kismaayo

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
8 years ago
in Wararka
0
Kulan looga hadlayo Doorashada Soomaaliya 2020-ka oo ka furmay Kismaayo
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Jubbland Maxamuud Sayid Aadan ayaa maanta Magaalada Kismaayo ka furay Kulan wada tashi ah uu soo qaban qaabiyay Guddiga madaxa banaan ee Doorashooyinka Qaranka kaasoo looga hadlayo Doorashada lagu wado Soomaaliya inay ka dhacdo 2020.

Kulankan waxaa ka qeyb galaya Guddoomiyaha guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka qaranka Xaliimo Ismaaciil Ibraahim, Wasiiro iyo Xildhibaano ka tirsan Jubbaland, Saraakiisha Ciidamada, iyo Siyaasiyiin waxaana lagu gorfeynayaa qorshaha lagu wajahayo Doorashada qof iyo cod iyo sida Bulshada uga qeyb qaadan karto.

Related posts

Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Dalka Oo Maanta Qaatay Kaadhka Codbixinta Doorashooyinka

Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Dalka Oo Maanta Qaatay Kaadhka Codbixinta Doorashooyinka

December 13, 2025
Maareeyaha Guud Ee Dekadda Muqdisho Oo Kulan Muhiim Ah Dubai Kula Qaatay Madaxa Fulinta Shirkadda Abu Dabai Ports Group

Maareeyaha Guud Ee Dekadda Muqdisho Oo Kulan Muhiim Ah Dubai Kula Qaatay Madaxa Fulinta Shirkadda Abu Dabai Ports Group

December 13, 2025

Sidoo kale Mas’uuliyiinta Guddiga madaxa banaan ee Doorashooyinka Qaranka ayaa la kulmaya Bulshada qeybaheeda kala duwan iyagoona weydiinaya sida dalka ay kaga dhici karo Doorasho qof iyo cod iyo sida ugu fudud ee loo suurta galin karo.

Kulamadan ayaa ujeedadiisu tahay wacyigelin iyo in dadka la baro hanaanka loo mari doono Doorashada qof iyo cod oo markii ugu horeysay la filayo inay ka dhacdo Soomaaliya.

Dhinaca kale Magaalada Doolow waxaa ka furmay kulan wada tashi ah oo isna sidoo kale looga hadlayo sida loo wajahayo Doorashada.

Madaxda qaranka iyo kuwa dowlad gobaleedyada ayaa guddiga Doorashooyinka ka dalbaday in la soo daraaseeyo qaabka doorashada ay u dhici karto iyo bulshada la baro qaabka ugu sahlan ay uga qeyb qaadan karaan, waxaana fulinta arintaasi dadaal xoogan ugu jira Guddiga madaxa banaan ee Doorashooyinka Qaranka oo Muqdisho iyo Gobalada dalka ka wada wada tashiyo arintaasi ku saabsan.

Previous Post

Shirka baarlamanka F.S. iyo baarlamaannada dowlad goboleedyada oo ka furmay Baydhabo

Next Post

Guddoomiyaha Gobolka Benaadir oo sheegay in la qaban doono Shirweyne Nabadeenta iyo Hormarinta Gobolka+Sawirro

Next Post
Guddoomiyaha Gobolka Benaadir oo sheegay in la qaban doono Shirweyne Nabadeenta iyo Hormarinta Gobolka+Sawirro

Guddoomiyaha Gobolka Benaadir oo sheegay in la qaban doono Shirweyne Nabadeenta iyo Hormarinta Gobolka+Sawirro

Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Dalka Oo Maanta Qaatay Kaadhka Codbixinta Doorashooyinka

Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Dalka Oo Maanta Qaatay Kaadhka Codbixinta Doorashooyinka

December 13, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Xukuumadda Faderaalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa maanta qaatay Kaarka Cod-bixinta ee Guddiga Madaxa Bannaan...

Maareeyaha Guud Ee Dekadda Muqdisho Oo Kulan Muhiim Ah Dubai Kula Qaatay Madaxa Fulinta Shirkadda Abu Dabai Ports Group

Maareeyaha Guud Ee Dekadda Muqdisho Oo Kulan Muhiim Ah Dubai Kula Qaatay Madaxa Fulinta Shirkadda Abu Dabai Ports Group

December 13, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Maareeyaha Guud ee Dekadda Muqdisho Danjire Maxamed Cali Nuur (Ameeriko) iyo wafdi uu hoggaaminaayay ayaa magaalada Abu Dubai kulama...

Ciidamada Daraawiishta Jubbaland Oo Hawlgal Ka Dhan Ah Khawaarijta Ka Sameeyay Jubbadda Hoose

Ciidamada Daraawiishta Jubbaland Oo Hawlgal Ka Dhan Ah Khawaarijta Ka Sameeyay Jubbadda Hoose

December 13, 2025
0

RADIO MUQDISHO(JUBBADA HOOSE): Ciidamada Daraawiishta Jubbaland ayaa howlgal amni ka fuliyay magaalada Qooqaani ee gobolka Jubbada Hoose, kaas oo lagu...

Ra’iisul Wasaare kuxigeenka dalka oo kulan la qaatay qaar kamid ah bulshada caasimadda

Ra’iisul Wasaare kuxigeenka dalka oo kulan la qaatay qaar kamid ah bulshada caasimadda

December 13, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa xalay la kulmay qaad kamid ah bulshada magaalada...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In