Tuesday, October 7, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Kulan wadatashi ah oo looga hadlayay dib u dhiska Garoomada Diyaaradaha oo lagu qabtay Muqdisho “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
December 29, 2017
in Wararka
0
Kulan wadatashi ah oo looga hadlayay dib u dhiska Garoomada Diyaaradaha oo lagu qabtay Muqdisho “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wadatashiga iyo wadashqeynta Wasaraadda Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee dowladda Federaalka iyo Wasaaradaha Gaadiidka ee dowlad goboleedyada ayaa looga hadlay kulankaan oo saddexdii bilba mar la qabto, waxaana si gaar ah diirada loogu saaray dib u dhiska Garoomada diyaaradaha dalka.

Kulanka oo uu shir Guddoominayay Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Xukuumadda Federaalka ah Soomaaliya Mudane Maxamed Salaad Oomaar ayaa waxaa goob joog ka ahaa Wasiirka ku xigeenka Wasaarada, Agasimaha guud, Wasiirada dowlad Goboleedyada ee dhanka Gaadiidka iyo xubno kale.

Related posts

Madaxweynaha JFS oo furay Shirweynaha 2-aad ee Iskaashiga Ururka Bulshada Bariga Afrika

Madaxweynaha JFS oo furay Shirweynaha 2-aad ee Iskaashiga Ururka Bulshada Bariga Afrika

October 7, 2025
𝐃𝐫. 𝐂𝐢𝐥𝐦𝐢 𝐌𝐚𝐱𝐚𝐦𝐮𝐮𝐝 𝐍𝐮𝐮𝐫: “𝐖𝐚𝐝𝐝𝐨𝐨𝐲𝐢𝐧 𝐭𝐚𝐲𝐨 𝐥𝐞𝐡, 𝐛𝐢𝐲𝐨-𝐦𝐚𝐫𝐞𝐞𝐧𝐧𝐨 𝐰𝐚𝐚𝐫𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐮𝐪𝐝𝐢𝐬𝐡𝐨 𝐨𝐨 𝐝𝐢𝐛 𝐮 𝐡𝐞𝐬𝐡𝐚 𝐛𝐢𝐥𝐢𝐜𝐝𝐞𝐞𝐝𝐢𝐢 𝐛𝐚𝐫𝐢-𝐬𝐚𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐢𝐢”

𝐃𝐫. 𝐂𝐢𝐥𝐦𝐢 𝐌𝐚𝐱𝐚𝐦𝐮𝐮𝐝 𝐍𝐮𝐮𝐫: “𝐖𝐚𝐝𝐝𝐨𝐨𝐲𝐢𝐧 𝐭𝐚𝐲𝐨 𝐥𝐞𝐡, 𝐛𝐢𝐲𝐨-𝐦𝐚𝐫𝐞𝐞𝐧𝐧𝐨 𝐰𝐚𝐚𝐫𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐮𝐪𝐝𝐢𝐬𝐡𝐨 𝐨𝐨 𝐝𝐢𝐛 𝐮 𝐡𝐞𝐬𝐡𝐚 𝐛𝐢𝐥𝐢𝐜𝐝𝐞𝐞𝐝𝐢𝐢 𝐛𝐚𝐫𝐢-𝐬𝐚𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐢𝐢”

October 7, 2025

Agaasimaha Mashaariicda Horumarinta Garoomada diyaaradaha dalka ee Wasaaradda Gaadiidka Isxaaq Maxamed ayaa sheegay in sanadka cusub ee 2018-ka ay rajaynayaan ku guuleysiga dib u dhiska Garoomada Diyaaradaha dalka kuwooda  muhiimka ah, si loo dar dargeliyo adeegyada duulimadka ee dalka.

Mas’uuliyiinta ka socday dowlad Goboleedyada iyo Madaxada sare ee Wasaaradda Gaadiidka ayaa inta uu socday kulanka isku waydaarsaday aragtida la xiriira xoojinta wadashaqeyta dowladda Federaalka iy dowlad Goboleedyada ee dhinaca Gaadiidka iyo Duulista Hawada.

Cali Gacal Gaboow Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya ayaa tilmaamay in loo baahan wadajir iyo in laga wada shaqeeyo horumarinta dalka.

Tim Wabster oo ah Qabiir dhanka  amniga ah kana socda dowladda Mareekanka ayaa kulanka ka sheegay in Amaanka Garoomada Diyaaradaha Soomaaliya ay yihiin kuwa la isku haleyn karo.

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Soomaaliya Mudane Maxamed Salaad Oomaar ayaa sheegay in Wasaaraddu ay ka go’an tahay xoojinta wada shaqeynta dowlad goboleedyada xubnaha ka ah dowladda Federaalka, si loo gaaro himilooyinka Qaranka.

Kulanka markii uu soo idlaaday ayaa waxaa si wadajir Warbaabinta Qaranka ula hadlay Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Gadiidka iyo Duulista Hawada ee Soomaaliya Mudane Xersi Aadan Rooble iyo Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawaada ee dowlad Goboleedka Koofur Galbeed Mudane Cabdullaahi Aadan Axmed oo ku hadlay Afka dowlad goboleedyada, waxaana ay qireen in kulanku uu ku soo idlaaday Guul iyo xoojinta wadashaqeynta.

Kulankan ayaa ku soo beegmay xili Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada  Soomaaliya ay  ku guuleysatay in Soomaaliya ay dib ula soo wareegto maamulka Hawadeeda oo markii hore laga maamulayay dalka  Kenya muda dhowr iyo labaatan sano ah, isla markaana uu dhawaan xariga ka jaray Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo.

Previous Post

Danjire Michael Keating “2018-ka waxaan ka qayb qaadan doonnaa shaqa abuurka dhallinyarada Soomaaliyeed”

Next Post

Ruushka oo lagu eedeeyay maraakiib shidaal ah in uu geeyay Kuuriyada Waqooyi

Next Post
Ruushka oo lagu eedeeyay maraakiib  shidaal ah in uu geeyay Kuuriyada Waqooyi

Ruushka oo lagu eedeeyay maraakiib shidaal ah in uu geeyay Kuuriyada Waqooyi

Madaxweynaha JFS oo furay Shirweynaha 2-aad ee Iskaashiga Ururka Bulshada Bariga Afrika

Madaxweynaha JFS oo furay Shirweynaha 2-aad ee Iskaashiga Ururka Bulshada Bariga Afrika

October 7, 2025
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta furay Shirka Iskaashiga Ganacsiga Dalalka Bariga Afrika oo markii 2-aad...

𝐃𝐫. 𝐂𝐢𝐥𝐦𝐢 𝐌𝐚𝐱𝐚𝐦𝐮𝐮𝐝 𝐍𝐮𝐮𝐫: “𝐖𝐚𝐝𝐝𝐨𝐨𝐲𝐢𝐧 𝐭𝐚𝐲𝐨 𝐥𝐞𝐡, 𝐛𝐢𝐲𝐨-𝐦𝐚𝐫𝐞𝐞𝐧𝐧𝐨 𝐰𝐚𝐚𝐫𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐮𝐪𝐝𝐢𝐬𝐡𝐨 𝐨𝐨 𝐝𝐢𝐛 𝐮 𝐡𝐞𝐬𝐡𝐚 𝐛𝐢𝐥𝐢𝐜𝐝𝐞𝐞𝐝𝐢𝐢 𝐛𝐚𝐫𝐢-𝐬𝐚𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐢𝐢”

𝐃𝐫. 𝐂𝐢𝐥𝐦𝐢 𝐌𝐚𝐱𝐚𝐦𝐮𝐮𝐝 𝐍𝐮𝐮𝐫: “𝐖𝐚𝐝𝐝𝐨𝐨𝐲𝐢𝐧 𝐭𝐚𝐲𝐨 𝐥𝐞𝐡, 𝐛𝐢𝐲𝐨-𝐦𝐚𝐫𝐞𝐞𝐧𝐧𝐨 𝐰𝐚𝐚𝐫𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐮𝐪𝐝𝐢𝐬𝐡𝐨 𝐨𝐨 𝐝𝐢𝐛 𝐮 𝐡𝐞𝐬𝐡𝐚 𝐛𝐢𝐥𝐢𝐜𝐝𝐞𝐞𝐝𝐢𝐢 𝐛𝐚𝐫𝐢-𝐬𝐚𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐢𝐢”

October 7, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Howlaha Guud iyo Dib-u-dhiska Dowladda Federaalka Soomaaliya, Dr. Cilmi Maxamuud Nuur, ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay bilaabayso...

Wasiirka Qoyska XFS oo kulan doceedyo Geneva kula qaadatay Safiiro

Wasiirka Qoyska XFS oo kulan doceedyo Geneva kula qaadatay Safiiro

October 6, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Amb. Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi, ayaa magaalada Geneva kulamo gaar...

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo daahfuray Kormeerka Hirgelinta Mashruuca Isdhexgalka Dijitaalka Bariga Afrika

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo daahfuray Kormeerka Hirgelinta Mashruuca Isdhexgalka Dijitaalka Bariga Afrika

October 6, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xildhibaan Maxamed Soomaali, ayaa si rasmi ah u daahfuray Kormeerka Hirgelinta Mashruuca...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In