Friday, September 25, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Kulan wadatashi ah oo looga hadlayay dib u dhiska Garoomada Diyaaradaha oo lagu qabtay Muqdisho “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
9 years ago
in Wararka
0
Kulan wadatashi ah oo looga hadlayay dib u dhiska Garoomada Diyaaradaha oo lagu qabtay Muqdisho “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wadatashiga iyo wadashqeynta Wasaraadda Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee dowladda Federaalka iyo Wasaaradaha Gaadiidka ee dowlad goboleedyada ayaa looga hadlay kulankaan oo saddexdii bilba mar la qabto, waxaana si gaar ah diirada loogu saaray dib u dhiska Garoomada diyaaradaha dalka.

Kulanka oo uu shir Guddoominayay Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Xukuumadda Federaalka ah Soomaaliya Mudane Maxamed Salaad Oomaar ayaa waxaa goob joog ka ahaa Wasiirka ku xigeenka Wasaarada, Agasimaha guud, Wasiirada dowlad Goboleedyada ee dhanka Gaadiidka iyo xubno kale.

Related posts

SoDMA & WFP oo kala saxiixday heshiis lagu xoojinayo u diyaar garowga Musiibooyinka

SoDMA & WFP oo kala saxiixday heshiis lagu xoojinayo u diyaar garowga Musiibooyinka

September 24, 2026
π‘―π’π’ˆπ’ˆπ’‚π’‚π’π’Œπ’‚ π‘Ώπ’Šπ’”π’ƒπ’Šπ’ˆπ’‚ π‘Έπ’Šπ’Šπ’Žπ’ 𝑸𝒂𝒓𝒂𝒏 𝒐𝒐 π’Œπ’– π’…π’‰π’‚π’˜π’‚π’‚π’’π’‚π’š π‘»π’‚π’‚π’ˆπ’†π’†π’“π’‚π’…π’‚ 𝑴𝒖𝒔𝒉𝒂𝒓𝒓𝒂𝒙 π‘³π’Šπ’Šπ’ƒπ’‚π’‚π’ π‘¨π’™π’Žπ’†π’… 𝑿𝒂𝒔𝒂𝒏 π’Šπ’šπ’ 𝑱𝑺𝑷

Agaasimaha Mashaariicda Horumarinta Garoomada diyaaradaha dalka ee Wasaaradda Gaadiidka Isxaaq Maxamed ayaa sheegay in sanadka cusub ee 2018-ka ay rajaynayaan ku guuleysiga dib u dhiska Garoomada Diyaaradaha dalka kuwoodaΒ  muhiimka ah, si loo dar dargeliyo adeegyada duulimadka ee dalka.

Mas’uuliyiinta ka socday dowlad Goboleedyada iyo Madaxada sare ee Wasaaradda Gaadiidka ayaa inta uu socday kulanka isku waydaarsaday aragtida la xiriira xoojinta wadashaqeyta dowladda Federaalka iy dowlad Goboleedyada ee dhinaca Gaadiidka iyo Duulista Hawada.

Cali Gacal Gaboow Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya ayaa tilmaamay in loo baahan wadajir iyo in laga wada shaqeeyo horumarinta dalka.

Tim Wabster oo ah Qabiir dhankaΒ  amniga ah kana socda dowladda Mareekanka ayaa kulanka ka sheegay in Amaanka Garoomada Diyaaradaha Soomaaliya ay yihiin kuwa la isku haleyn karo.

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Soomaaliya Mudane Maxamed Salaad Oomaar ayaa sheegay in Wasaaraddu ay ka go’an tahay xoojinta wada shaqeynta dowlad goboleedyada xubnaha ka ah dowladda Federaalka, si loo gaaro himilooyinka Qaranka.

Kulanka markii uu soo idlaaday ayaa waxaa si wadajir Warbaabinta Qaranka ula hadlay Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Gadiidka iyo Duulista Hawada ee Soomaaliya Mudane Xersi Aadan Rooble iyo Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawaada ee dowlad Goboleedka Koofur Galbeed Mudane Cabdullaahi Aadan Axmed oo ku hadlay Afka dowlad goboleedyada, waxaana ay qireen in kulanku uu ku soo idlaaday Guul iyo xoojinta wadashaqeynta.

Kulankan ayaa ku soo beegmay xili Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista HawadaΒ  Soomaaliya ayΒ  ku guuleysatay in Soomaaliya ay dib ula soo wareegto maamulka Hawadeeda oo markii hore laga maamulayay dalkaΒ  Kenya muda dhowr iyo labaatan sano ah, isla markaana uu dhawaan xariga ka jaray Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo.

Previous Post

Danjire Michael Keating “2018-ka waxaan ka qayb qaadan doonnaa shaqa abuurka dhallinyarada Soomaaliyeed”

Next Post

Ruushka oo lagu eedeeyay maraakiib shidaal ah in uu geeyay Kuuriyada Waqooyi

Next Post
Ruushka oo lagu eedeeyay maraakiib  shidaal ah in uu geeyay Kuuriyada Waqooyi

Ruushka oo lagu eedeeyay maraakiib shidaal ah in uu geeyay Kuuriyada Waqooyi

SoDMA & WFP oo kala saxiixday heshiis lagu xoojinayo u diyaar garowga Musiibooyinka

SoDMA & WFP oo kala saxiixday heshiis lagu xoojinayo u diyaar garowga Musiibooyinka

September 24, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, iyo Madaxa Hay’adda Cunnada Adduunka ee Qaramada Midoobay (WFP) Soomaaliya,...

π‘―π’π’ˆπ’ˆπ’‚π’‚π’π’Œπ’‚ π‘Ώπ’Šπ’”π’ƒπ’Šπ’ˆπ’‚ π‘Έπ’Šπ’Šπ’Žπ’ 𝑸𝒂𝒓𝒂𝒏 𝒐𝒐 π’Œπ’– π’…π’‰π’‚π’˜π’‚π’‚π’’π’‚π’š π‘»π’‚π’‚π’ˆπ’†π’†π’“π’‚π’…π’‚ 𝑴𝒖𝒔𝒉𝒂𝒓𝒓𝒂𝒙 π‘³π’Šπ’Šπ’ƒπ’‚π’‚π’ π‘¨π’™π’Žπ’†π’… 𝑿𝒂𝒔𝒂𝒏 π’Šπ’šπ’ 𝑱𝑺𝑷

π‘―π’π’ˆπ’ˆπ’‚π’‚π’π’Œπ’‚ π‘Ώπ’Šπ’”π’ƒπ’Šπ’ˆπ’‚ π‘Έπ’Šπ’Šπ’Žπ’ 𝑸𝒂𝒓𝒂𝒏 𝒐𝒐 π’Œπ’– π’…π’‰π’‚π’˜π’‚π’‚π’’π’‚π’š π‘»π’‚π’‚π’ˆπ’†π’†π’“π’‚π’…π’‚ 𝑴𝒖𝒔𝒉𝒂𝒓𝒓𝒂𝒙 π‘³π’Šπ’Šπ’ƒπ’‚π’‚π’ π‘¨π’™π’Žπ’†π’… 𝑿𝒂𝒔𝒂𝒏 π’Šπ’šπ’ 𝑱𝑺𝑷

September 24, 2026
0

Hoggaanka sare ee Xisbiga Qiimo Qaran ayaa si rasmi ah u shaaciyey go’aankiisa ku aaddan doorashada ku-celiska ah ee Galmudug,...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN DOCEED LA QAATAY DHAXAL-SUGAHA KUWAIT

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN DOCEED LA QAATAY DHAXAL-SUGAHA KUWAIT

September 23, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa kulan doceed barbar socday meertada 81-aad ee shir madaxeedka Golaha Guud...

Madaxweynaha JFS oo kulan miro-dhal ah la qaatay Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka

Madaxweynaha JFS oo kulan miro-dhal ah la qaatay Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka

September 23, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa magaalada New York, kulan doceed miro-dhal ah kula yeeshay Kaaliyaha Xoghayaha...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

Β© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

Β© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In