Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa taliyaha ciidanka Xoogga dalka ku amray in uu baaritaan deg deg ah ku sameeyo falkii shari darrada ahaa ee lagu galay hoyga Senator Cabdi Qaybdiid.
Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sidoo kale amar ku bixiyay cid kasta oo ku lug yeelata falkan in lala tiigsado sharciga.
Qoraal kooban oo lagu daabacay barta Twitter ka ee Madaxtooyada Qaranka ayaa u qornaa sida tan:
Madaxweyne Farmaajo ayaa ku amray Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka inuu baaritaan degdeg ah ku sameeyo falkii sharci darrada ahaa ee lagu galay hoyga Senator Cabdi Qaybdiid. Cid walba oo ku lug yeelata waxaa lala tiigsan doonaa sharciga.
— Villa Somalia (@TheVillaSomalia) December 30, 2017