Wednesday, January 7, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxwaynaha Puntland oo kormeeray Garoonka diyaaradaha ee Garoowe “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
8 years ago
in Wararka
0
Madaxwaynaha Puntland oo kormeeray Garoonka diyaaradaha ee Garoowe “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxwaynaha dawlad Goboleedka Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta kormeeray  Garoonka diyaaradahaa magaalada Garoowe oo dhismihiisu soo gaba-geboobay.

Kormeerka ayaa waxaa  ku wehelinayay Wasiirka Wasaaradda duulista iyo hawada ee Dowlad Goboleedka Puntland, Wasiir ku xigeenka Wasaaradaasi, Maamulka Gobolka Nugaal, kan Degmada Garoowe, mas’uuliyiin isugu jiray Wasiiro, Xildhibaanno, saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland, iyo xubno kale.

Related posts

Taliska Booliska Oo Soo Saaray Digniin Ka Dhan Ah Been Abuur Ku Saabsan Imtixaanaadka Sanad Dugsiyeedka 2019/2020

Taliska Booliska oo war ka soo saaay fowdo ka dhacday Deyniile

January 7, 2026
Taliyaha Ciidanka xoogga dalka oo kormeeray deegaanka Gandershe

Taliyaha Ciidanka xoogga dalka oo kormeeray deegaanka Gandershe

January 6, 2026

Madaxwaynaha dawlad Goboleedka Puntland ayaa ugu horayn soo kormeeray dhammaan dhismaha garoonka, isagoona dul istaagay qaybaha uu ka koobanyahay garoonka cusub,  waxaana uu xog waraystay shaqaalaha kashaqeeya dhismahaasi, isagoo ku amaanay mas’uuliyiinta Wasaaradda Duulista iyo Hawada ee puntland sida wanaagsan ee ay uga soo baxeen shaqadii loo igmaday, isla markaana waxaa uu xaqiijiyay in garoonka loo dhisay sidii uu qorshuhu ahaa ee loogu tala galay,

Dr Cabdiweli Gaas ayaa sheegay in dhismaha cusub ee garoonka xariga laga jari doono 08 January 2018.

Dhinaca kale Madaxwaynaha Puntland ayaa xaqiijiyay in dhismaha garoonku uu marayo wejigii ugu danbeeyay, isla mar ahaantaana uu garoonku noqon doono mid u shaqeeya sida garoomada caalamka oo kale.

Ugu danbayn Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa kula dar daarmay hawl-wadeenada gacanta ku haya dhismaha garoonka diyaaradaha Garoowe ilaa inta  lagala wareegayo dhismaha cusub in ay sii wadaan shaqadooda.

 

–DHAMMAAD-

 

Previous Post

Xildhibaanno kulamo la qaatay maamulka iyo Golaha Wakiilada ee Degmada Xudur

Next Post

Ciidamada Amaanka oo Xalay Howlgalo ka sameeyay Degmada Buulo barde

Next Post
Ciidamada Amaanka oo Xalay Howlgalo ka sameeyay Degmada Buulo barde

Ciidamada Amaanka oo Xalay Howlgalo ka sameeyay Degmada Buulo barde

Taliska Booliska Oo Soo Saaray Digniin Ka Dhan Ah Been Abuur Ku Saabsan Imtixaanaadka Sanad Dugsiyeedka 2019/2020

Taliska Booliska oo war ka soo saaay fowdo ka dhacday Deyniile

January 7, 2026
0

Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed wuxuu Bulshada Soomaaliyeed u xaqiijinayaa in maanta oo ay Taariikhdu tahay 06-01-2026 Abaaro 10:55am Subaxnimo Xaafad...

Taliyaha Ciidanka xoogga dalka oo kormeeray deegaanka Gandershe

Taliyaha Ciidanka xoogga dalka oo kormeeray deegaanka Gandershe

January 6, 2026
0

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Sareeye Gaas Odawaa Yuusuf Raage ayaa booqasho shaqo ku tagay Degaanka Gandarshe oo Khawaarijta dhibaato weyn...

Guddoomiyaha Midowga Afrika iyo Wasiiru-dowlaha Arrimaha dibada Imaaraadka oo ka shiray qadiyadda Soomaaliya

Guddoomiyaha Midowga Afrika iyo Wasiiru-dowlaha Arrimaha dibada Imaaraadka oo ka shiray qadiyadda Soomaaliya

January 6, 2026
0

Guddoomiyaha Ururka Midowga Afrika, Maxamuud Cali Yuusuf, iyo Sheekh Shakhboot bin Nahyan Al Nahyan, Wasiiru-Dowlaha Arrimaha Dibadda ee Isu-tagga Imaaraadka...

Golaha Nabadda ee Midowga Afrika oo si adag u cambaareeyay xadgudubka Israiil

Golaha Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika oo saaray bayaan ka dhan ah xadgudubka Israiiil ee dalkeenna

January 6, 2026
0

Golaha Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika ayaa soo saaray bayaan ka kooban dhowr qodob. Goluhu wuxuu si adag uga...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In