Monday, August 24, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxwaynaha Puntland oo kormeeray Garoonka diyaaradaha ee Garoowe “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
9 years ago
in Wararka
0
Madaxwaynaha Puntland oo kormeeray Garoonka diyaaradaha ee Garoowe “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxwaynaha dawlad Goboleedka Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta kormeeray  Garoonka diyaaradahaa magaalada Garoowe oo dhismihiisu soo gaba-geboobay.

Kormeerka ayaa waxaa  ku wehelinayay Wasiirka Wasaaradda duulista iyo hawada ee Dowlad Goboleedka Puntland, Wasiir ku xigeenka Wasaaradaasi, Maamulka Gobolka Nugaal, kan Degmada Garoowe, mas’uuliyiin isugu jiray Wasiiro, Xildhibaanno, saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland, iyo xubno kale.

Related posts

Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo lagu soo dhaweeyay Wiilka cusub ee dalka Mayerkanka ee Soomaaliya

Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo lagu soo dhaweeyay Wiilka cusub ee dalka Mayerkanka ee Soomaaliya

August 24, 2026
Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo dhiirigeliyay ardayda kaalimaha hore ka galayImtixaanka

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo dhiirigeliyay ardayda kaalimaha hore ka galayImtixaanka

August 24, 2026

Madaxwaynaha dawlad Goboleedka Puntland ayaa ugu horayn soo kormeeray dhammaan dhismaha garoonka, isagoona dul istaagay qaybaha uu ka koobanyahay garoonka cusub,  waxaana uu xog waraystay shaqaalaha kashaqeeya dhismahaasi, isagoo ku amaanay mas’uuliyiinta Wasaaradda Duulista iyo Hawada ee puntland sida wanaagsan ee ay uga soo baxeen shaqadii loo igmaday, isla markaana waxaa uu xaqiijiyay in garoonka loo dhisay sidii uu qorshuhu ahaa ee loogu tala galay,

Dr Cabdiweli Gaas ayaa sheegay in dhismaha cusub ee garoonka xariga laga jari doono 08 January 2018.

Dhinaca kale Madaxwaynaha Puntland ayaa xaqiijiyay in dhismaha garoonku uu marayo wejigii ugu danbeeyay, isla mar ahaantaana uu garoonku noqon doono mid u shaqeeya sida garoomada caalamka oo kale.

Ugu danbayn Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa kula dar daarmay hawl-wadeenada gacanta ku haya dhismaha garoonka diyaaradaha Garoowe ilaa inta  lagala wareegayo dhismaha cusub in ay sii wadaan shaqadooda.

–DHAMMAAD-

Previous Post

Xildhibaanno kulamo la qaatay maamulka iyo Golaha Wakiilada ee Degmada Xudur

Next Post

Ciidamada Amaanka oo Xalay Howlgalo ka sameeyay Degmada Buulo barde

Next Post
Ciidamada Amaanka oo Xalay Howlgalo ka sameeyay Degmada Buulo barde

Ciidamada Amaanka oo Xalay Howlgalo ka sameeyay Degmada Buulo barde

Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo lagu soo dhaweeyay Wiilka cusub ee dalka Mayerkanka ee Soomaaliya

Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo lagu soo dhaweeyay Wiilka cusub ee dalka Mayerkanka ee Soomaaliya

August 24, 2026
0

Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Kenya, Mudane Jabriil Ibrahim Cabdulle, ayaa xarunta Safaaradda Soomaaliya ee Nairobi ku soo dhaweeyay...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo dhiirigeliyay ardayda kaalimaha hore ka galayImtixaanka

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo dhiirigeliyay ardayda kaalimaha hore ka galayImtixaanka

August 24, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa xafiiskiisa kulan dhiiragelin iyo bogaadin ah...

Wasiiru-Dowlaha Qoyska oo Muqdisho ka daahfuray mashruuc lagu taageerayo carruurta agoonta ah

Wasiiru-Dowlaha Qoyska oo Muqdisho ka daahfuray mashruuc lagu taageerayo carruurta agoonta ah

August 24, 2026
0

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha ee XFS, Maxamed Cismaan Nastaara, ayaa magaalada Muqdisho ka daahfuray mashruuc lagu taageerayo...

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo tababar u soo xiray saraakiil ka tirsan XDS

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo tababar u soo xiray saraakiil ka tirsan XDS

August 24, 2026
0

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Ibraahim Maxamed, ayaa Muqdisho tababar ugu soo xiray saraakiil ka tirsan Ciidanka Xoogga...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In