Maamulka Shirkadda Gacanta ku haysa dhismaha garoonka diyaaradaha ee magaalada Dhuusemareeb ee Gobalka Galgaduud ayaa sheegay iney meel gabo gabo ah marayso dhismaha garoonka, dhawaana lagu wado in xarigga laga jaro.
Guddoomiyaha shirkadda KULAN Xareeed Macalin Axmed oo ah maamulka dib u dhis ku sameynaya garoonka oo la hadlay Radio Muqdisho ayaa sheegay in howlaha dib loogu dhisayo garoonka ay mareyso meel gabo gabo ah, ayna ku rajo weynyihiin in marka ay howsha dhameeyaan ay ku wareejiyaan Maamulka.
“Muddo dheer ayan soo wadnay howshan, 28-kii December ayaan keenay qalabkii lagu dhisayo garoonka, waxaana ay shaqada si rasmi ah u bilaabatay 29-kii bisha December ee sanadkii tegay, howshana meel fiican ayay mareysa dib u dhiska aan ku sameyneyno garoonka diyaaradaha magaalada Dhuusamareeb”
Halkan ka dhageyso Wareysiga oo dhameystiran.