Xildhibaanno ka tirsan labada Gole ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa gaaray Degmada Luuq ee Gobolka Gedo.
Senator Axmed Macalin Cumar (Nadiir) oo u waramay Radio Muqdisho ayaa sheegay in ujeedka socdaalkooda ay la xiriirto sidii ay ugu kuurgeli lahaayeen xaalaada nololeed iyo tan amni ee ka jirta Degmada Luuq, ayna diyaar u yihiin inay dhageystaan baahiyaha ay tebanayaan bulshada Degmada.
Halkaan ka dhegeyso wareysiga