Monday, September 28, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ku-simaha Taliyaha NISA G/Sare Cabdulqadir “Dabaaldagga Sanadguurada 48 ee Aasaaska NISA Guul ayay noogu soo idlaatay” SAWIRRO

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
9 years ago
in Wararka
0
Ku-simaha Taliyaha NISA G/Sare Cabdulqadir “Dabaaldagga Sanadguurada 48 ee Aasaaska NISA Guul ayay noogu soo idlaatay” SAWIRRO
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka Soomaaliyeed ee NISA ayaa u dabaa degtay 08 01 2018 oo ku beegneyd 48 Guuradii ka soo wareegatay markii la aas aasay 8-dii Janaayo 1970-kii,

Munaasibad ballaaran oo lagu qabtay taliska Hay’adda NISA ee magaalada Muqdisho waxaa ka soo qeybgalay madaxda ugu sareeya dalka sida Guddoomiyaha Baarlamaanka Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Maxamed Sh Cismaan Jawaari, Ra;iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Fedaralaaka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre, Wasiirka Amniga Gudaha Mudane Maxamed Abuukar Islaaw Ducaale, Xubno ka tirsan sadexda Gole ee dowladda, Taliyeyaasha Ciidamada Qalabka Sida, Taliyeyaashii hore ee NISA iyo marti sharaf kale oo lagu casuumay dabaaldagga.

Related posts

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

September 27, 2026
𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄𝐥 𝐍𝐢ñ𝐨

𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄𝐥 𝐍𝐢ñ𝐨

September 27, 2026

Sidoo kale munaasibadda waxaa lagu casuumay Fanaaniin Soomaaliyeed sida Fanaanadda Qaran ee Hoballada Qaranka Waaberi Faaduma Cali Jaamac (Nakruuma) iyo Kooxda Hilaac oo halkaas ku soo bandhigay heeso iyo ruwaayad ka hadleysay Amniga iyo falalka guracan ee Al Shabaab, iyagoo soo bandhigay ruwaayad hal ku dhiggeedu ahaa SHABAAB QARAX WADA HA U QIIL DIYIN, sidoo kale kooxda Baanda Muustiko ayaa iyana si talantaali ah u garaacayay muusig Astaanta Qaranka iyo Astaamo kale oo wadani ah.

Ammaanka ayaa aad loo adkeeyay iyadoo heegan sare lagaliyay ciidamada amniga si looga hortago isku dagy walba oo ay qorsheynayeen kooxaha xagjirka Al Shabaab in ay ku carqaladeeyaan munaasibadda loogu dabaal dagayay Sanad guurada aas aaska Hay’adda NISA.

Madaxdii iyo mas’uuliyiintii kala duwanaa ee ka soo qeybgalay xafladda ayaa jeediyay Qudbado qiiro leh oo ay ku muujinayeen qiimaha qaranimada Soomaaliyeed ay uga fadhiso NISA, waxayna si weyn uga hadleen taariikhda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Soomaaliya iyagoo ku ammaanay dadaalka Sirdonka iyo Amni Sugidda ee ay har iyo habeen u taaganyihiin Ciidamada iyo Saraakiisha NISA, iyo sida ay uga go’antahay in dalka dadka iyo diinta ka difaacaan cadawga gudaha iyo kan dibadda.

Mas’uuliyiinta Qudbadaha ka jeediyay Xafladda ayaa dhammaantood xafladda uga tacsiyeeyay Shuhadadii NISA uga dhintay difaaca Qaranka, iyagoo ballanqaaday in ay taageero buuxda la garab istaagi doonaan agoontii iyo ahelladii ay ka bexeen.

Waxaa Xusid mudan in Madaxweynaha Jamhuuriyadda Fedaraalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo oo booqasho ku barayay Goballada Puntland uu halkaasi isna uga soo hambalyeeyay NISA .

Ugu Dambeyntii Kusimaha Taliyaha ahna taliye ku xigeenka HSNQ G/Sare Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa sanadguurada 48-aad ee NISA Aawadeed u hambalyeeyay Sareeyeyaasha, Saraakiisha, S/xigeenada, Alifleyda, Dableyda, howlwadeenada HSNQ Xaasaskooda iyo Caruurtooda, isagoo u rajeeyay Sanad Wacan oo Amni, Xasillooni iyo barwaaqo xambaarsan.

Sidoo kale ku simaha taliyaha ayaa Shuhadadii ka geeriyootay NISA Alle uga baryay in uu naxariistii Janno ka waraabiyo dhaawacyadana u rajeeyay caafimaad taam ah in Rabbi siiyo.

Gaashaanle Sare Cabdulqaadir Maxamed Nuur Jaamac ayaa siweyn ugu mahadceliyay Mas’uuliyiintii iyo Marti Sharfkii kala duwanaa kasoo qeyb galkooda xafladda, isagoo si gaar ah ugu ammaanay dadaalkooda iyo howl karnimadooda guddigii qaban qaabada xafladda, ciidamada kala duwan ee NISA oo Amniga adkeeyay, waxaana xafladdu ku soo dhamaatay Jiwi daggan, guul iyo reynreyn.

W/D: Ismacil Mukhtar Cumar (Orange)

 

 

Previous Post

Somalia Launches Digital Outreach Section To Prevent and Counter Violent Extremism

Next Post

Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo gaaray Degmada Luuq “Dhageyso”

Next Post
Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo gaaray Degmada Luuq “Dhageyso”

Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo gaaray Degmada Luuq "Dhageyso"

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

September 27, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), oo kaashanaysa Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka ee Jubbaland, ayaa diyaarisay 10 matoor oo...

𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄𝐥 𝐍𝐢ñ𝐨

𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄𝐥 𝐍𝐢ñ𝐨

September 27, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xarunta dhexe ee Hay’adda ku qaabilay Guddoomiyaha Hay’adda...

JSP oo Dugsiga Sare ee Mudug ka wada ololaha doorashada

JSP oo Dugsiga Sare ee Mudug ka wada ololaha doorashada

September 27, 2026
0

Xubno ka tirsan Ururka Caddaaladda iyo Wadajirka ee JSP ayaa ololaha doorashada ka sameeyay xarunta Dugsiga Sare ee Mudug, iyagoo...

Xukunka Askari dilay Muwaadin Soomaaliyeed

Xukunka Askari dilay Muwaadin Soomaaliyeed

September 27, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Dable Xoogga Cabdi Aadan Ibraahim oo lagu naaneyso “Soddon” , ayaa lagu eedeeyey Dilka Marxuum Yuusuf Axmed Cabdi oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In