Tuesday, September 8, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha JFS oo gaaray deegaanka Carmo ee Gobolka Bari

admin by admin
9 years ago
in Wararka
0
Madaxweynaha JFS oo gaaray deegaanka Carmo ee Gobolka Bari
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la qaatay Wakiillada Beesha Caalamka ee Soomaaliya “SAWIRRO”

Madaxweynaha JFS oo Tacsi Tiiraanyo leh u diray Madaxweynaha dalka Tanzania

September 7, 2026
Soomaaliya oo ka Qaybgashay Kulanka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Jaamacadda Carabta

Soomaaliya oo ka Qaybgashay Kulanka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Jaamacadda Carabta

September 7, 2026

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaalitya Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray deegaanka Carmo ee Gobolka Bari,halkaasi oo si weyn loogu soo dhoweeyay.

Safarka madaxweynaha oo ah mid dhanka lugta ah waxaa ku wehlinaya madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas,wasiiro iyo xildhibaano ka kala tirsan golayaasha kala Duywan ee Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamulka Puntland.

Dad weyn aad u fara badan oo ruxayay caleemo qoyan ayaa madaxweynaha Soomaaliya iyo wafdigiisa deegaanka Carmo ku soo dhoweeyay,kuwaasi oo ku faraxsanaa safarka madaxweynaha ugu yimid.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo wafdigiisa ayaa la kulmay qeybaha kaladuwan ee bulshada iyo waxgaradka deegaankaasi,isago uga mahadceliyay sida wanaasgan oo ay u soo dhaweeyeen.

Wafdiga madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa deegaanka uga sii amba bixi doona magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari,halkaasi oo amaankeeda si aad ah loo adkeeyay,iyadoo shacabka ku dhaqan magaalada Bosaaso diyaar garow ugu jiraan soo dhoweynta madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka iyo wafdiga uu hogaaminayo.

Magaalada Bosaaso ayaa lagu arkayaa boorar ay ku xardhan yihiin sawirka madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo calanka Jamhuuriyadda oo ka babanaya inta badan magaalada.

Previous Post

Madaxweyne Farmaajo oo lagu soo dhaweeyey deegaanka Waaciye ee Gobolka Bari

Next Post

R/wasaare ku xigeenka dalka iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Ankara+Sawirro

Next Post
R/wasaare ku xigeenka dalka iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Ankara+Sawirro

R/wasaare ku xigeenka dalka iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Ankara+Sawirro

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la qaatay Wakiillada Beesha Caalamka ee Soomaaliya “SAWIRRO”

Madaxweynaha JFS oo Tacsi Tiiraanyo leh u diray Madaxweynaha dalka Tanzania

September 7, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud waxa uu Tacsi tiiraanyo leh u dirayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Midowday ee Tanzania...

Soomaaliya oo ka Qaybgashay Kulanka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Jaamacadda Carabta

Soomaaliya oo ka Qaybgashay Kulanka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Jaamacadda Carabta

September 7, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cali, ayaa Dowladda Soomaaliyeed ku metelay Kalfadhiga...

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo xafiiskiisa ku qaabilay Abwaan Mustafa Sheekh Cilmi

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo xafiiskiisa ku qaabilay Abwaan Mustafa Sheekh Cilmi

September 7, 2026
0

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Abwaan Mustafa...

Wasiirka Warfaafinta: Dowladda waxay xoojinaysaa dib-u-habaynta Warbaahinta Dowladda iyo ka hortagga dacaayadaha argagixisada

Wasiirka Warfaafinta: Dowladda waxay xoojinaysaa dib-u-habaynta Warbaahinta Dowladda iyo ka hortagga dacaayadaha argagixisada

September 7, 2026
0

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS, Mudane Cabdulfataax Qaasim Maxamuud, ayaa sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya tan iyo sanadkii 2022...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In