Wednesday, April 29, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweyne Farmaajo oo socdaal dhanka dhulka ah ku maraya Gobollada Mudug iyo Galguduud

caqiil by caqiil
8 years ago
in Wararka
0
Madaxweyne Farmaajo oo socdaal dhanka dhulka ah ku maraya Gobollada Mudug iyo Galguduud
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ku guda jira socdaalka nabadda iyo dib u heshiisiinta ee uu ku marayo qeybo ka mid ah gobollada dalka ayaa gaaray magaalada Cadaado ee Gobolka Galguduud.

Madaxweynaha waxaa si diirran ugu soo dhaweeyey Cadaado boqolaal shacab ah oo isugu soo baxay fagaarayaasha magaalada iyaga oo ruxaya calanka Jamhuuryadda Federaalka Soomaalia.

Related posts

MARWADA MADAXWEYNAHA JFS OO DEEGAANKA JAZIIRA  QADO UGU SAMEEYSAY  CARRUUR AGOON AH OO AY GACANTA KU HAYSO

MARWADA MADAXWEYNAHA JFS OO DEEGAANKA JAZIIRA QADO UGU SAMEEYSAY CARRUUR AGOON AH OO AY GACANTA KU HAYSO

April 28, 2026
Hoggaamiyaha KGS oo Madaxtooyada ku qaabilay musharax Madaxweyne Cabdicasiis Maxamed

Hoggaamiyaha KGS oo Madaxtooyada ku qaabilay musharax Madaxweyne Cabdicasiis Maxamed

April 28, 2026

Madaxweyne Farmaajo oo loo gudbiyey Xarunta Madaxtooyada magaalada Cadaado ayaa halkaas kula hadlay shacab-weynaha isugu soo baxay soo dhaweyntiisa, isagoona ku ammaanay wadinayadda iyo rajada wanaagsan ee ay ka qabaan dalka.

“Waxaan ka shaqeynaynaa sidii aan u xoojin lahayn maamulkan, kuna hormarin lahayn deegannada Galmudug, annaga oo u hureyna dadaal kasta oo aan awoodno, idinkana waxaa la idin ka rabaa in aad sii laba laabtaan dadaalkiina.” ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo

Wafdiga uu hoggaaminayo Madaxweynaha Jamhuuriyaddu ayaa galinkii hore ee maanta waxa uu ka soo ambabaxay magaalada Gaalkacyo, iyadoona ay si weyn u soo dhaweyeen shacabka ku nool Saddex Higlo, Bandiiradley, Ceel Akhwaan, Dagaari iyo Gelinsoor kuwaas oo marin u ah jidka dheer ee isku xira Gobollada Mudug iyo Gal-guduud.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa inta uu ku suganyahay Galmudug waxa uu kulamo wadatashi la yeelan doonaa madaxda Dowlad Goboleedka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Previous Post

Taliyaha Qeybta 27aad ee CXD oo faah faahin ka bixiyay howlgallo ka dhacay Gobolka Shabeelaha Dhexe “Dhageyso”

Next Post

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

MARWADA MADAXWEYNAHA JFS OO DEEGAANKA JAZIIRA  QADO UGU SAMEEYSAY  CARRUUR AGOON AH OO AY GACANTA KU HAYSO

MARWADA MADAXWEYNAHA JFS OO DEEGAANKA JAZIIRA QADO UGU SAMEEYSAY CARRUUR AGOON AH OO AY GACANTA KU HAYSO

April 28, 2026
0

Marwada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Sahro Cumar Xasan ayaa maanta booqasho ku tagtay deegaanka Jaziira, halkaas oo ay qado ugu...

Hoggaamiyaha KGS oo Madaxtooyada ku qaabilay musharax Madaxweyne Cabdicasiis Maxamed

Hoggaamiyaha KGS oo Madaxtooyada ku qaabilay musharax Madaxweyne Cabdicasiis Maxamed

April 28, 2026
0

HOGAAMIYE JIBRIIL CABDIRASHIID Xaaji Baydhabo Abriil, 28, 2026: Hoggaamiyaha ku meel gaarka ah ee Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya Mudane Jibriil...

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Dalka oo Xafiiska ku qaabilay hay’adda UN Women

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Dalka oo Xafiiska ku qaabilay hay’adda UN Women

April 28, 2026
0

Muqdisho,Talaado, 28 Abriil 2026: — Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta xafiiskiisa ku...

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Cumaan

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Cumaan

April 28, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, ayaa booqday Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In