Sunday, August 3, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiiradda Cadaalada XFS iyo Dowlad Gobaleedyada oo Kulan Muqdisho ku yeeshay

admin by admin
January 23, 2018
in Wararka
0
Wasiiradda Cadaalada XFS iyo Dowlad Gobaleedyada oo Kulan Muqdisho ku yeeshay
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Dardar-gelinta iyo dhammeystirka habraacyada shaqo ee Xeer Ilaalinta oo laga hadlay

Dardar-gelinta iyo dhammeystirka habraacyada shaqo ee Xeer Ilaalinta oo laga hadlay

August 2, 2025
Ra’iisul Wasaare Xamsa oo Cismaan Cali Faarax u magacaabay xil Maareeye

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo Cismaan Cali Faarax u magacaabay xil Maareeye

August 2, 2025

Magaalada Muqdisho waxaa lagu qabtay Kulan looga hadlayay qaybyo qoraalka Awoodaha hay,addaha Cadaalada, waxaana ka qeyb galay Wasiirka Cadaaladda Soomaaliya Xasan Xuseen Xaaji, Xeerilaaliyaha Guud ee Qaranka Axmed Cali Daahir, Gudoomiyaha maxkamad sare ee dalka Ibraahiim Iidle Sulebaan, Wasiir ku xigeenka Dastuurka Dr Xuseen Cabdi Cilmi, Wasiirada Cadaalada Dawlad gobleedyada.

Kulankaan oo ahaa mid wadatashiga ah waxaa soo qabanqaabisay wasaaradda Cadaalada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyadoo mudadii uu socday lagu dhageystay warbixin ay soo jeediyeen gudiga farsamada oo ku sabsaneyd Awoodaha  hay,addaha Cadaalada iyo sharuucda kalahageeysa Garsoorka iyo Maxakamada dalka.

“waxaan magacaawnay guddi farsamo oo ka shaqeeyo sida ay noqoneyso qaabka cadaalada dalka, waxa ayna soo saareen qabyo qoraal kaas oo aan  kuwada shaqeyneynay waxaana ka dhashay is faham guud” sidaa waxaa yiri Wasiirka Cadaalada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Kulankaasi oo ay sidoo kale kaqeyb galeen Wasiirada Cadaalada ee Dawlad goboleedyada Jubbland, Hirshabeelle, Galmudug ,Koofur Galbeed, Puntland, iyo wakiilo ka kala socday Asluubta, Maxakamadaha iyo Cadaalada, ayaa waxaa la isku afgartay in la dardargaliyo talooyinka wax ku oolka ah ee logu hagaajinayo Cadaalada.

Wasiirka Cadaalada ayaa wada dadaalo lagu hormarinaayo cadaalada iyo garsoorka dalka Kulankaan kiisa xiga ayaa lagu qaban doonaa magaalada jowhar ee xaruunta gobolka shabelaha dhaxe.

Previous Post

Dowladda Myanmar oo burburisay Masjid 100 Sano dhisnaa

Next Post

Madaxweyne Farmaajo oo dhagax dhigay Dekedda Hobyo

Next Post
Madaxweyne Farmaajo oo dhagax dhigay Dekedda Hobyo

Madaxweyne Farmaajo oo dhagax dhigay Dekedda Hobyo

Dardar-gelinta iyo dhammeystirka habraacyada shaqo ee Xeer Ilaalinta oo laga hadlay

Dardar-gelinta iyo dhammeystirka habraacyada shaqo ee Xeer Ilaalinta oo laga hadlay

August 2, 2025
0

Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Mudane Sulaymaan Maxamed Maxamuud ayaa maanta shir la qaatay Waaxyaha Dacwad Oogista Xafiiska Xeer Ilaaliyaha...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo Cismaan Cali Faarax u magacaabay xil Maareeye

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo Cismaan Cali Faarax u magacaabay xil Maareeye

August 2, 2025
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa u magacaabay Mudane Cismaan Cali Faarax, inuu noqdo Maareeye...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay Madaxa Xafiiska Soomaaliya ee Save the Children

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay Madaxa Xafiiska Soomaaliya ee Save the Children

August 2, 2025
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maaraynta Musiibooyinka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xarunta dhexe ee hay’addu ku qaabilay Madaxa Xafiiska Soomaaliya...

Ciidanka NISA oo howlgal ay ka fuliyeen Afgooye kusoo qabtay labo xubnood oo ka tirsan Khawaarijta

Ciidanka Nabadsugidda Qaranka oo hawl ku dhabar-jebiyay dhagar-qabeyaal ka tirsan Khawaarijta

August 2, 2025
0

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka ee NISA oo kaashanaya saaxiibada caalamka ayaa howlgal qorsheysan oo ay ka fuliyeen deegaanka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In