Tuesday, June 10, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Maxaa Horyaala Guddoomiyaha  Cusub ee Gobolka  Benaadir?

admin by admin
January 25, 2018
in Wararka
0
Maxaa Horyaala Guddoomiyaha  Cusub ee Gobolka  Benaadir?
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo Daah-furay Imtixaanka Shahaadiga ee Dugsiyada Dhexe

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo Daah-furay Imtixaanka Shahaadiga ee Dugsiyada Dhexe

June 9, 2025
Soomaaliya oo Kaalinta Afaraad ka Gashay Dowladaha Sida Wanaagsan ugu Adeegay Xujeyda

Soomaaliya oo Kaalinta Afaraad ka Gashay Dowladaha Sida Wanaagsan ugu Adeegay Xujeyda

June 9, 2025

Siyaasi Cabdiraxmaan Cumar Cismaan oo ku magac dheer Yariisoow ma aha nin ku cusub saaxadda siyaasadda Soomaaliya, waxana uu muddo la soo shaqaynayey dawladihii kala danbeeyey ee soo maray Soomaaliya isagoo soo qabtay xilal kala duwan oo ay ka mid ahaayeen kuwo wasiirnimo oo dhawr ah. Sidoo kale, Mudane Yariisoow waxa uu muddo ka soo shaqaynayey arrimaha bulshada isagoo kaalin firfircoon oo hogaamineed ku lahaa dhaqdhaqaaqyadaasi oo dalka gudihiisa iyo dibaddiisa ahaa.

Guddoomiyuhu waxa uu soo noqday Wasiirka lacagta, Wasiirka Warfaafinta, Afhayeenka Madaxtooyada iyo Xukuumadda, Agaasimaha Madaxtooyada, La-taliye Madaxweyne iyo Ra’iisul Wasaare, isagoo sidoo kale 10 sano ka shaqaynayey Dawladda Hoose ee magaalada London ee dalka UK.  Marka la eego khibraddiisa shaqo waxaa kuu soo baxaysa inuu yahay qof ku habboon xilka loo magcaabay, gaar ahaan khibraddiisa dhinaca Dawladaha Hoose. Sidoo kale, waa nin aqoon durugsan u leh maaraynta iyo maamulka, waxana uu culuum kala duwan ka bartay Jaamacaddii Ummadda Soomaaliyeed iyo dhawr Jaamacadood oo Ingiriiska ku yaalla.

Siyaasi Qaan-gaar ah

Marka laga tago aqoonta Jaamacadeed iyo shaqo ee uu leeyahay Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan, waxaa u dheer inuu yahay siyaasi gaamuray oo si wanaagsan u garanaya waaqica dalku marayo iyo duruufaha caasimadda iyo dalka guud ahaan ku geedaaman. Waa siyaasi qunyar-socod ah oo waxa uu doonaya dood iyo is-qancin ku dhamaysta, mana aha qof khilaaf badan abuura oo dadkana ay iska hor yimaadaan, waana sababta aan is leeyahay waa qodobka ugu muhiimsan ee lagu dooran karo marka laga tagon aqoontiisa iyo xirfadihiisa tirade badan.

Runtii, dhammaan xilalka uu soo qabtay waa nin lagu soo ammaanay oo aysan eed iyo xurguf ka iman, waxana sidoo kale xusid mudan in lagu tilmaamo qof ceeb ka saliim  ah dhinaca musuqmaasuqa iyo lunsiga hantida dadweynaha. Mudanaha waxaa sidoo kale lagu tilmaamaa qof saaxiibbo badan oo Soomaali iyo caalami ah leh, waxana uu ku kasbaday shaqada iyo dabcan shakhsiyaddiisa qof ahaaneed ee ku dhisan mutawaadicnimo ama isla-weyni la’aan, ixtiraam, daacadnimo, xanaf la’aan, deganaan iyo bisayl, aragti dheeri iyo fahmidda bii’adda iyo cidda uu ku shaqaynayo.

Marka la eego siyaasiyiinta Soomaaliyeed, waxa inta badan iska horkeena damac iyo danaha gaarka ah ee loo baratamo ama la kala badsanayo, laakiin waxa lagu bartay Guddoomiye Cabdiraxmaan Cumar Cismaan waa in uu mar walba hor mariyo danta guud, waxana laga dheehan karaa qaab nololeedkiisa oo aysan wax weyn iska beddelin isagoo xilal kala duwan soo qabtay. Waxaa muuqata in aan la filayn inay iska hor yimaadaan madaxda sare ee dalka iyo qaybaha kale ee wax kala dhexeeyaan.

Maxaa laga fili karaa?

Guddoomiye Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisoow waxa uu ku soo beegmay xilli xasaasi ah oo ay Soomaaliya marayso meel is-bedel ah. Marxaladdan waxaa la jaanqaadi kara qof garashadeeda leh oo xaaladaha iyo duruufaha taagan si waaqici ah u darsi kara, una samaysan sidii uu ula falgeli lahaa caqabadaha tirada badan ee soo foodsaara.

Caasimadda Muqdisho waxay xarun u tahay hay’adaha dawladda dhexe, waxana ay leedahay xaaladaheeda iyo caqabadaheeda u gaarka, waana meesha ay ku nool yihiin muwaadiniinta ugu badan ee dalka oo u baahan inay  adeeg dawladeed helaan.

Guddoomiye Yariisoow caqabadaha jira ee la doonayo inuu wax ka qabto waxaa ka mid ah:

  1. Ammaanka

Magaalada Muqdisho waxay soo martay marxalado kala duwan oo dhinaca ammaanka ah, waxana  hadda jira rajo iyo ifafaalo weyn oo laga qabo in ammaanka caasimaddu soo hagaago. Guddoomiye Yariisoow waxaa laga rajaynayaa in uu la yimaado qaab iyo qorshe lagu xasilin karo caasimadda si horumarka la hiigsanayo loo gaaro.

  1. Horumarinta iyo Bilicda Caasimadda

Guddoomiye Yariisoow oo aqoon durugsan u leh dhinaca maamulka iyo horumarinta Dawladaha hoose, waxaa dad badan oo caasimadda ku nool ay ka filayaan inuu wax ka qabto dhinaca horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha ee caasimadda iyo soo celinta bilicda magaalada si ay ula tartanto caasimadaha kale ee gobolka iyo adduun kaba. Sidoo kale, waxaa laga rajaynayaa bixinta adeegyada bulshada, maaraynta dhaqaalaha iyo canshuuraha la qaado.

  1. Xal Siyaasadeed

Guddoomiye Cabdiraxmaan Cumar Cismaan oo siyaasadda muddo ku soo jiray waxaa looga fadhiyaa sida uu u waajaho arrinta ku saabsan xal-u-helidda meeqaamka caasimadda iyo sida ay matalaad u heli lahaayeen dadka ku nool caasimadda. Arrintan oo ah mid dastuuri ah oo caqabadeeda leh, kuna xiran dastuurka qabyada ah iyo shaqada baarlamanka, haddana, waxaa loo baahan yahay in loo helo caqli iyo xal maangal ah oo aarintan laga gaaro.

Gunaanad

Marka la eego xilliga uu ku soo aaday Guddoomiyaha cusub Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Yariisoow) waxa weeye mid muhiim ah oo la oran karo waxaa la fili karaa is-bedel sal ballaaran oo la taaban karo. Sidoo kale, marka la eego aqoonta iyo khibradda uu leeyahay Guddoomiyuhu waxaa rajo laga qabaa in uu si wanaagsan ula tacaalo caqabadaha jira ee soo faadsaari doono, isla markaana uu waajibaadka loo igmaday u guto.

Waxaa xusid mudan, in guddoomiye Yariisoow uu u baahan yahay taageero iyo inay gacansiiyaan shacabka Soomaaliyeed ee caasimadda ku dhaqan iyo weliba dawladda dhexe. Waxaa kale oo loo baahan yahay in mudanuhu xusho dad karti iyo aqoon leh oo kala shaqeeya arrimaha faraha badan ee culus oo hor yaalla.

W/Q Ahmed-nur Mohamed

E-mail [email protected]

Previous Post

Ra’iisal wasaaraha XFS oo magalaada Davos ee dalk Switzerland kula kulmay madax kala duwan

Next Post

Wasiirka Howlaha Guud & dib u dhiska XFS oo ka warbixiyay Waxqabadka Wasaaradiisa+Sawirro

Next Post
Wasiirka Howlaha Guud & dib u dhiska XFS oo ka warbixiyay Waxqabadka Wasaaradiisa+Sawirro

Wasiirka Howlaha Guud & dib u dhiska XFS oo ka warbixiyay Waxqabadka Wasaaradiisa+Sawirro

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo Daah-furay Imtixaanka Shahaadiga ee Dugsiyada Dhexe

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo Daah-furay Imtixaanka Shahaadiga ee Dugsiyada Dhexe

June 9, 2025
0

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Mudane Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa maanta si rasmi ah u daah-furay...

Soomaaliya oo Kaalinta Afaraad ka Gashay Dowladaha Sida Wanaagsan ugu Adeegay Xujeyda

Soomaaliya oo Kaalinta Afaraad ka Gashay Dowladaha Sida Wanaagsan ugu Adeegay Xujeyda

June 9, 2025
0

Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha islaamka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Mukhtaar Roobow Cali, ayaa ku dhawaaqay in Soomaaliya ay kaalinta...

Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha islaamka oo magaaalada Makka kula kulmey Madaxa Arrimaha Diinta dalka Turkiga

Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha islaamka oo magaaalada Makka kula kulmey Madaxa Arrimaha Diinta dalka Turkiga

June 9, 2025
0

Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha islaamka Xukuumada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Mukhtaar Roobow Cali ayaa magaaalada Makka kula kulmey Madaxa...

Safiirka Soomaaliya ee Shiinaha oo kulan dhiirrigelin iyo is-xogwareysi ah la qaatay 20-Diblumaasiyiin da’yar Soomaaliyeed

Safiirka Soomaaliya ee Shiinaha oo kulan dhiirrigelin iyo is-xogwareysi ah la qaatay 20-Diblumaasiyiin da’yar Soomaaliyeed

June 9, 2025
0

Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Shiinaha waxay si sharaf leh u martigelisay 20 diblumaasi oo da’yar ah oo dhameystay barnaamij...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In