Sunday, June 15, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Munaasabad loogu magac daay ololaha nooleynta  Afka hooyo oo  maanta lagu qabtay Muqdisho “SAWIRRO”

admin by admin
January 25, 2018
in Wararka
0
Munaasabad loogu magac daay ololaha nooleynta  Afka hooyo oo  maanta lagu qabtay Muqdisho “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Xafladaasi waxaa ka qeybgalay gudoomiyaha Akadeemiyada, Cilmiga Fanka iyo Suugaanta Soomaaliyeed, maareeyaha golaha murtida iyo madadaalada, golaha abwaannada, qoraayaal dhallinyaro ah, aqoonyahanno, bahda waxbarashada iyo martisharaf kale oo lagu casuumay.

Munaasabadaasi waxaa lagu soo bandhigay suugaan kala duwan oo ay halkaasi ka jeediyeen dhallinyaro, Soomaaliyeed, taas oo ku qotontay baahida loo qabo horumarinta  Afkeena hooyo, waxeyna ujeeddada xafladaasi aheyd sidii loo heli lahaa goobo wax akhris oo laga hirgeliyo dalka.

Related posts

Guddoomiye cusub oo loo magacaabay degmada Warta Nabadda

Guddoomiye cusub oo loo magacaabay degmada Warta Nabadda

June 14, 2025
Madaxweyne Xasan Sheekh oo xilka Agaasimaha NISA u wareejiyay Mahad Salaad

Madaxweyne Xasan Sheekh oo xilka Agaasimaha NISA u wareejiyay Mahad Salaad

June 14, 2025

Gudoomiyaha Akadeemiyada, CIlmiga, Fanka, iyo Suugaanta Soomaaliyeed, C/qaadir Nuur Xuseen “Maax” oo halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in Akadeemiyaddu ay dhiirigelineyso dadka hammiga u leh horumarinta Afkeenna hooyo, isagoo soo dhaweeyay helitaanka goobo wax akhris oo laga hirgeliyo dalka oo dhan, wuxuuna dhallinyarada naadiga Akhriska iyo qorista Banaadir ugu deeqay Boqol buugaag ah oo la dhigo xarumaha akhriska ee la qorsheynayo in laga hirgeliyo qeybo ka mid ah gobollada dalka

Maareeyaha golaha Muqrida iyo madadaalada Abwaan Cabdi Dhuux ayaa wax wanaagsan ku tilmaamay in maanta ay soo baxaan dhallinyaro Soomaaliyeed oo  u istaagtay horumarinta Afkeenna hooyo isagoo intaasi raaciyay in isaga iyo golaha abwaaniinta Soomaaliyeed ay la garab taaganyihiin taageero dhinac kasta ah.

Xoghayaha Naadiga Akhriska iyo Qorista Banaadir, Khadar Cabdi C/llaahi oo halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in naadigu qorsheynayo sidii loo furi lahaa goobo wax akhris oo laga hirgeliyo Muqdisho iyo gobollo kale oo dalka ah, isagoo ka codsaday bulshada Soomaaliyeed in ay gacan ka siiyaan arrintaasi.

SI kastaba ha ahaatee arrintani ayaa qeyb kaha qorshaha ay akadeemiyadda Cilmiga, Fanka iyo Suugaanta Soomaaliyeed ay ku dhiirrigelineyso dhallinyarada hammiga u leh horumarinta Afka iyo dhaqanka Soomaaliyeed.

 

Previous Post

Immise Mashaariic Ayuu Madaxweyne Farmaajo ka Soo Dhagax Dhigay Deegaanadii uu booqday?

Next Post

Sawirro+Wasiirada Arrimaha Dibadda Soomaaliya iyo Ethiopia oo ka wadahadlay xoojinta xiriirka iyo Iskaashiga labada dal

Next Post
Sawirro+Wasiirada Arrimaha Dibadda Soomaaliya iyo Ethiopia oo ka wadahadlay xoojinta xiriirka iyo Iskaashiga labada dal

Sawirro+Wasiirada Arrimaha Dibadda Soomaaliya iyo Ethiopia oo ka wadahadlay xoojinta xiriirka iyo Iskaashiga labada dal

Guddoomiye cusub oo loo magacaabay degmada Warta Nabadda

Guddoomiye cusub oo loo magacaabay degmada Warta Nabadda

June 14, 2025
0

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa Mudane Liibaan Cali Maxamed u magacaabay...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo xilka Agaasimaha NISA u wareejiyay Mahad Salaad

Madaxweyne Xasan Sheekh oo xilka Agaasimaha NISA u wareejiyay Mahad Salaad

June 14, 2025
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xilka ugu kala wareejiyey Agaasimaha cusub ee Hay’adda Nabad Sugidda iyo...

Boqorka dalka Sweden oo warqadihii aqoonsiga ka guddoomay safiirka Soomaaliya dalkaasi

Safiirka Soomaaliya ee dalka Sweden oo warqadihii aqoonsiga safiirnimo u gudbiyay boqorka dalkaasi

June 14, 2025
0

RADIO MUQDISHIO: Safiirka Dowladda Soomaaliya u fadhin doona dalalka Scandanevian-ka Danjire Cabdikariim Axmed Maxamed ayaa warqadihiisa aqoonsiga waxaa ka guddoomay...

Madaxweyne Xasan oo Goob Joog u noqday dhammaadka Sahminta Badda Soomaaliya (WARBIXIN)

Madaxweyne Xasan oo Goob Joog u noqday dhammaadka Sahminta Badda Soomaaliya (WARBIXIN)

June 14, 2025
0

RADIO MUQDISHO: Shirkaddii Turkida ee baarista 3-D maxay arkeen/sheegeen? Waxay arkeen dhulka badda ka hooseeya sida u dhisan yahay –...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In