Saturday, May 30, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Munaasabad loogu magac daay ololaha nooleynta  Afka hooyo oo  maanta lagu qabtay Muqdisho “SAWIRRO”

admin by admin
8 years ago
in Wararka
0
Munaasabad loogu magac daay ololaha nooleynta  Afka hooyo oo  maanta lagu qabtay Muqdisho “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Xafladaasi waxaa ka qeybgalay gudoomiyaha Akadeemiyada, Cilmiga Fanka iyo Suugaanta Soomaaliyeed, maareeyaha golaha murtida iyo madadaalada, golaha abwaannada, qoraayaal dhallinyaro ah, aqoonyahanno, bahda waxbarashada iyo martisharaf kale oo lagu casuumay.

Munaasabadaasi waxaa lagu soo bandhigay suugaan kala duwan oo ay halkaasi ka jeediyeen dhallinyaro, Soomaaliyeed, taas oo ku qotontay baahida loo qabo horumarinta  Afkeena hooyo, waxeyna ujeeddada xafladaasi aheyd sidii loo heli lahaa goobo wax akhris oo laga hirgeliyo dalka.

Related posts

Taliska Ciidanka Xoogga Dalka oo war-saxaafadeed ka soo saaray weerarkii saaka ee magaalada Baydhaba

Taliska Ciidanka Xoogga Dalka oo war-saxaafadeed ka soo saaray weerarkii saaka ee magaalada Baydhaba

May 30, 2026
Guddiga Doorashooyinka oo Shaaciyay xubno ka dhimanaa Golaha Wakiillada Koonfur Galbeed

Guddiga Doorashooyinka oo Shaaciyay xubno ka dhimanaa Golaha Wakiillada Koonfur Galbeed

May 30, 2026

Gudoomiyaha Akadeemiyada, CIlmiga, Fanka, iyo Suugaanta Soomaaliyeed, C/qaadir Nuur Xuseen “Maax” oo halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in Akadeemiyaddu ay dhiirigelineyso dadka hammiga u leh horumarinta Afkeenna hooyo, isagoo soo dhaweeyay helitaanka goobo wax akhris oo laga hirgeliyo dalka oo dhan, wuxuuna dhallinyarada naadiga Akhriska iyo qorista Banaadir ugu deeqay Boqol buugaag ah oo la dhigo xarumaha akhriska ee la qorsheynayo in laga hirgeliyo qeybo ka mid ah gobollada dalka

Maareeyaha golaha Muqrida iyo madadaalada Abwaan Cabdi Dhuux ayaa wax wanaagsan ku tilmaamay in maanta ay soo baxaan dhallinyaro Soomaaliyeed oo  u istaagtay horumarinta Afkeenna hooyo isagoo intaasi raaciyay in isaga iyo golaha abwaaniinta Soomaaliyeed ay la garab taaganyihiin taageero dhinac kasta ah.

Xoghayaha Naadiga Akhriska iyo Qorista Banaadir, Khadar Cabdi C/llaahi oo halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in naadigu qorsheynayo sidii loo furi lahaa goobo wax akhris oo laga hirgeliyo Muqdisho iyo gobollo kale oo dalka ah, isagoo ka codsaday bulshada Soomaaliyeed in ay gacan ka siiyaan arrintaasi.

SI kastaba ha ahaatee arrintani ayaa qeyb kaha qorshaha ay akadeemiyadda Cilmiga, Fanka iyo Suugaanta Soomaaliyeed ay ku dhiirrigelineyso dhallinyarada hammiga u leh horumarinta Afka iyo dhaqanka Soomaaliyeed.

Previous Post

Immise Mashaariic Ayuu Madaxweyne Farmaajo ka Soo Dhagax Dhigay Deegaanadii uu booqday?

Next Post

Sawirro+Wasiirada Arrimaha Dibadda Soomaaliya iyo Ethiopia oo ka wadahadlay xoojinta xiriirka iyo Iskaashiga labada dal

Next Post
Sawirro+Wasiirada Arrimaha Dibadda Soomaaliya iyo Ethiopia oo ka wadahadlay xoojinta xiriirka iyo Iskaashiga labada dal

Sawirro+Wasiirada Arrimaha Dibadda Soomaaliya iyo Ethiopia oo ka wadahadlay xoojinta xiriirka iyo Iskaashiga labada dal

Taliska Ciidanka Xoogga Dalka oo war-saxaafadeed ka soo saaray weerarkii saaka ee magaalada Baydhaba

Taliska Ciidanka Xoogga Dalka oo war-saxaafadeed ka soo saaray weerarkii saaka ee magaalada Baydhaba

May 30, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS) waxa uu bulshada Soomaaliyeed la wadaagayaa in Ciidanka Qaranka ay saaka aroortii fashiliyeen...

Guddiga Doorashooyinka oo Shaaciyay xubno ka dhimanaa Golaha Wakiillada Koonfur Galbeed

Guddiga Doorashooyinka oo Shaaciyay xubno ka dhimanaa Golaha Wakiillada Koonfur Galbeed

May 30, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Guddiga Doorashooyinka Qaranka ayaa shaaciyey liiska saddexda (3) xubnood ee ka haray xubnaha ku guulaystay kuraasta Golaha Wakiillada ee...

Soomaaliya iyo Ruushka oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga difaaca ee labada dal

Soomaaliya iyo Ruushka oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga difaaca ee labada dal

May 30, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cumar Cali Cabdi, oo booqasho shaqo ku jooga magaalada Moscow ee...

Dowladda Soomaaliya oo cambaareysay weerarradii ka dhacay dalka Kuwait

Dowladda Soomaaliya oo cambaareysay weerarradii ka dhacay dalka Kuwait

May 30, 2026
0

RADIO MUQDISHO:- Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay muujineysaa garab istaag buuxa oo ay la garab taagan tahay Dowladda walaalaha ah ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In