Shalay ayaa waxaa lagu soo gabagabeeyay Magaalada Nairobe ee Dalka Kenya kulan ay halkaasi ku lahaayeen xubno ka socday Wasaaradda Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Maamul-goboleedyada Dalka ka jira.
Kulankaasi oo socday muddo shan Maalmood ah ayaa waxaa looga hadlay arrimo ay ka mid ahaayeen wada tashiyo iyo wada shaqeyn sida ay u wada yeelan lahaayeen Wasaaradda Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka XFS iyo kuwa Maamul-goboleedyada Dalka ka jira.
Kulankaasi oo ku soo dhamaaaday sidii loogu talagalay ayaa waxaa soo agaasintay Hey’adda UN Women oo ay horkaceysay Faadumo Qaasim Dayib oo shirkaasi wada tashiga gacan ka geysatay, waxaana lagu kala qaatay warbixino, iyadoo kulankaasi gabagabadiisii la isku af gartay in Wasaaradda Haweenka ee Xukuumdda dhexe iyo kuwa Maamul-goboleedyada ay joogteeyaan wada shaqeyntooda