Tuesday, August 5, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Taliye ku-xigeenka Ciidanka Asluubta oo ka warbixiyay maxbuus ku dhintay Xabsiga Dhexe

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
January 27, 2018
in Wararka
0
Taliye ku-xigeenka Ciidanka Asluubta oo ka warbixiyay maxbuus ku dhintay Xabsiga Dhexe
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Taliye ku-xigeenka ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Sareeyo Guuto Cabdikariin Cali Afrax ayaa faah faahin ka bixiyay maxbuus xalay ku geeriyooday xabsiga dhexe ee Xamar.

Taliye ku-xigeenka Ciidanka Asluubta oo shir jaraa’id qabtay ayaa yiri “Maxbuus ka mid ah maxabiista ku xirneyd xabsiga dhexe ee Xamar, maxbuuskaas waxa uu ku xirnaa qodobka 221, Maxbuus kale oo ay isku qodob ku xirnaayeen ayaa wax kala gaareen, sababtu waxa ay ahayd, maxaabiista waxa ay cayaarta, cayaar kubadda cagta ah, koob ayaa u furan, waxaana ay cayaarayaan koobkaasi, waxaa isku dhacay labo maxbuus oo is feeray, sida caadiga ah, Garsooraha waxa uu kaarka casaanka ah u taagay mid ka mid ah labadii maxbuus ee is dagaashay” ayuu yiri taliye ku-xigeenka ciidanka Asluubta.

Related posts

Madaxweyne Xasan Sheekh oo warqadaha aqoonsiga ka guddoomay Danjireyaal

Madaxweyne Xasan Sheekh oo warqadaha aqoonsiga ka guddoomay Danjireyaal

August 5, 2025
Wasiir ku-xigeenka arrimaha dibadda XFS oo waddanka Turkmenistan ugu qaybgalay shir muhiim ah

Wasiir ku-xigeenka arrimaha dibadda XFS oo waddanka Turkmenistan ugu qaybgalay shir muhiim ah

August 5, 2025

Sareeyo Guuto Cabdikariin Cali Afrax ayaa xusay in labada maxbuus la xiray, waxaana uu intaa ku daray in Marxuum Xasan Maxamuud Xasan oo ka mid haa maxaabiista isku dhaca darteed loo xiray uu ku dhintay gudaha xabsiga.

Taliye ku-xigeenka Ciidanka Asluubta ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay wararka sheegaya in maxbuuska lagu duray cirbad sun ah.

 

Maxamed C/laahi Maxamed (Feereesane)

Previous Post

Danjiraha Soomaaliya ee Switzerland oo ka warbixisay shirkii Davos “Dhageyso”

Next Post

Wasiirkii hore ee Warfaafinta oo xilka wareejiyay “SAWIRRO”

Next Post
Wasiirkii hore ee Warfaafinta oo xilka wareejiyay “SAWIRRO”

Wasiirkii hore ee Warfaafinta oo xilka wareejiyay "SAWIRRO"

Somali Deputy FM Participates in UN Landlocked Nations Conference in Awaza

Somali Deputy FM Participates in UN Landlocked Nations Conference in Awaza

August 5, 2025
0

The Deputy Minister of Foreign Affairs and International Cooperation, H.E. Isaak Mohamud Mursal, participated on Tuesday in the Third United...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo warqadaha aqoonsiga ka guddoomay Danjireyaal

Madaxweyne Xasan Sheekh oo warqadaha aqoonsiga ka guddoomay Danjireyaal

August 5, 2025
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta ka guddoomay waraaqaha aqoonsiga danjiranimo safiirrada cusub ee dalalka Itoobiya,...

Wasiir ku-xigeenka arrimaha dibadda XFS oo waddanka Turkmenistan ugu qaybgalay shir muhiim ah

Wasiir ku-xigeenka arrimaha dibadda XFS oo waddanka Turkmenistan ugu qaybgalay shir muhiim ah

August 5, 2025
0

Wasiir ku-xigeenka Arrimaha Dibadda iyo Xiriirka Caalamiga ah, Mudane Isaaq Maxamuud Mursal, ayaa ka qayb galay shirkii 3aad ee Qaramada...

Bariirre oo lagu jabiyay khawaarijta

Bariirre oo lagu jabiyay khawaarijta

August 5, 2025
0

Ciidanka Xoogga Dalka iyo Ciidamada Difaaca Uganda ee qeybta ka ah howlgalka AUSSOM oo ay garab ka helayaan saaxiibada caalamka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In