Tuesday, July 1, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Soomaaliya oo markii ugu horresay ka qeyb gashay shirka Ganacsiga iyo Maalgashiga wadamada Carabta iyo Malaysia+Sawirro

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
January 27, 2018
in Wararka
0
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Shirkaani oo ahaa mid loogu hadlaayey ganacsiga iyo maalgashiga wadamada carabta iyo Malaysia ayaa waxaa kasoo qeyb galay xubno ka kala socday dowladaha wadamada carabta, dowladda Malaysia, ganacsato gaaraysa 6000 iyo maalgashadeyaal kor u dhaafaysa 300, kuwaas oo kala socday wadamada caalamka.

Dowladda Soomaaliya iyo xubno matalayay Ganacsatada Soomaaliyeed ayaa sanadkaan markii ugu horeesay ka qeyb gashay shirka iyagoo shirka ku soo bandhigay fursado muhiim ah oo ay ka qeybgalayaasha ugu muujinyeen fursadaha maalgashi ee ay ka heli karaan dalka Soomaaliya.

Related posts

Maareeyaha NIRA oo ka qeyb galay Meertada 7-aad ee Madasha Horumarinta Aqoonsiga Dhijitaalka ah

Maareeyaha NIRA oo ka qeyb galay Meertada 7-aad ee Madasha Horumarinta Aqoonsiga Dhijitaalka ah

June 30, 2025
Wasiirka Arrimaha Gudaha oo furay Kulanka Guddiga Sare ee Mashruuca Kordhinta Adkeysiga Iyo La-qabsiga Isbedelka Cimillada

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo furay Kulanka Guddiga Sare ee Mashruuca Kordhinta Adkeysiga Iyo La-qabsiga Isbedelka Cimillada

June 30, 2025

Wafdiga Dowladda Soomaaliya waxaa hogaaminaayey Uqeybsanaha ganacsiga iyo warshadaha Soomaaliya ee u fadhiya dalka Malaysia mudane Maxamed Amiin Abuukar.

Mudane Mohamed oo shirka hadal ka jeediyey ayaa sheegay in Soomaaliya ay ku faraxsanahay in markii ugu horeysay ay kasoo qayb gasho shirkaan muhimka u ah isdhexgalka ganacsiga wadamada carabta iyo Malaysia, wuxuu ugu baaqey ganacsatada iyo Maalgashatada kasoo qeyb gashay shirka in ay maalgashaan wadanka Soomaaliya oo uu sheegay inuu yahay wadan soo koraaya islamarkaana fursado badan ay ka jiraan.

Sidoo kale wuxuu u qeybsanaha sheegay in dowladda Soomaaliya ay diyaar u tahay inay soo dhoweyso cid walba oo doonaysa inay ka qeyb qaadato fursadaha ka jira dalka Soomaaliya.

Shirkaan ayaa ah mid sanadle ah oo ay kasoo qeyb galaan Dowladaha carabta, ganacsatada iyo maalgashatada caalamka.

Previous Post

Madaxweyne Farmaajo oo gaaray magaalada Addis Ababa

Next Post

Dhageyso: Taliska AMISOM ee Somaaliya oo ka hadlay guulaha ay ka gaareen Dagaalka Al shabaab

Next Post
Dhageyso: Taliska AMISOM ee Somaaliya oo ka hadlay guulaha ay ka gaareen Dagaalka Al shabaab

Dhageyso: Taliska AMISOM ee Somaaliya oo ka hadlay guulaha ay ka gaareen Dagaalka Al shabaab

Maareeyaha NIRA oo ka qeyb galay Meertada 7-aad ee Madasha Horumarinta Aqoonsiga Dhijitaalka ah

Maareeyaha NIRA oo ka qeyb galay Meertada 7-aad ee Madasha Horumarinta Aqoonsiga Dhijitaalka ah

June 30, 2025
0

Maareeyaha Guud ee Hay’adda NIRA, Mudane Cabdiweli Cali Cabdulle (Timacadde), iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa ka qeybgalay Meertada 7aad ee...

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo furay Kulanka Guddiga Sare ee Mashruuca Kordhinta Adkeysiga Iyo La-qabsiga Isbedelka Cimillada

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo furay Kulanka Guddiga Sare ee Mashruuca Kordhinta Adkeysiga Iyo La-qabsiga Isbedelka Cimillada

June 30, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Xildhibaan Cali Yuusuf Cali-Xoosh ayaa si rasmi ah u furay Kulanka Guddiga...

MADAXWEYNAHA OO MAGACAABEY MAAREEYAHA GUUD EE WAKAALADDA MADBACADDA QARANKA

MADAXWEYNAHA OO MAGACAABEY MAAREEYAHA GUUD EE WAKAALADDA MADBACADDA QARANKA

June 30, 2025
0

Madaxweynaha Jamnhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane xasan Sheekh Maxamuud ayaa xilka Maareeyaha Guud ee Wakaaladda Madbacadda Qaranka u magacaabey Mudane Wali...

Duqa Muqdisho oo Dhagax dhigay dhismaha waddada laamiga ah ee isku xirta Isgoyska Banaadir iyo Wadajir

Duqa Muqdisho oo Dhagax dhigay dhismaha waddada laamiga ah ee isku xirta Isgoyska Banaadir iyo Wadajir

June 30, 2025
0

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa dhagax-dhigay dhismaha waddada laamiga ah ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In