Gudoomiye ku xigeenka guddiga madaxa banan ee doorashooyinka Md.Sayid Cali Shiikh Maxamad ayaa ka warbixiyay kulammo magalada boosaaso ay kula qateen qaybaha kala duwan ee bulshada sida waxgaradka, Culumaa’udiinka, odayaasha Haweenka iyo dhalinyarada ku dhaqan magaladaasi taasi oo lagaga hadlayay nuuca doorasho ee ka dhici karta dalka Soomaaliya iyo qaabka ay u qabsoomi karto sanadka 2020ka.
Guddoomiye ku xigeenka oo lahadlayay warbaahinta qaranka ayaa sheegay in mudadii sadaxda maalin ay ku sugnaayeen magalada Boosaao ay la kulmeen qaybaha bulshada isla markaana ay wax ka weydiiyen nuuca dooorasho ee dalka ka dhaceysa 2020ka, islamarkana ay dhageysteen talooyinka ay soo bandhigeen bulshada unagudbin donaan madaxda dalka.
waxaan soo gabab gabeynay kulamadii rayi ururinta ee an layeelanaynay bulashada qaybaheeda kala duwan ee ku dhaqan Bosaaso, waxayna noo soo gudbiyeen aragtidooda la xiriirta qaabka ay u arkaan inay dhaqan gal ku noqon karto doorashada hal qof iyo hal cod sanadka 2020ka, sidaana waxaa yiri guddomiye ku xigeenka guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka Sayid Cali Shiikh Max,ed.
Guddiga doorashoyinka madaxa bannaan ayaa mudooyinki danbe waday safarro ay ku tagayeen deeganno badan oo dalka ah si ay u soo ururiyaan aarada bulshada ku nool gobolada ee ku aadan qaaabka ay noqon karto doorshada la qorshaynayo in ay dalka ka dhacdo 2020ka.