Friday, July 31, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo kulan la qaatay Guddoomiyeyaasha degmooyinka

admin by admin
9 years ago
in Wararka
0
Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo kulan la qaatay Guddoomiyeyaasha degmooyinka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Mudane C/raxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yarisow) iyo ku-xigeenadiisa ayaa kulan isbarasho iyo xog-wareysi ah la yeeshay guddoomiyeyaasha 17-ka degmo ee gobolka Benaadir, Waxuna ku dhiirageliyey inay sii xoojiyaan u adeegidda dadweynaha Soomaaliyeed ee ku dhaqan Caasimadda.

Mudane Yarisow ayaa sheegay ujeedka kulankani inuu yahay isbarasho iyo kala warqaadasho, isagoona ugu baaqay guddoomiyaasha degmooyinka in la dar-dargeliyo shaqada, Isla markaana wax isbadal deg-deg ah uusan jiri doonin.

Related posts

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo ka qeybgalay shirka ka jawaabista saameynta la filayo ee Super El Niño 2026

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo ka qeybgalay shirka ka jawaabista saameynta la filayo ee Super El Niño 2026

July 30, 2026
MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN MIRO DHAL AH LA QAATAY DHIGGIISA DALKA YUGAANDHA

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN MIRO DHAL AH LA QAATAY DHIGGIISA DALKA YUGAANDHA

July 30, 2026

“Waxaan idin kaga mahadcelinayaa shaqada aad u haysaan dalkiina iyo dadkiina, anaguna diyaar baan idiinla nahay wixii aad u baahan tihiin, qof walba waa inuu qaataa masuuliyaddiisa xilna iska saaraa horumarinta caasimadda. Waxaan idiin xaqiijinayaa inuu-san jiri doonin wax isbeddal deg deg ah, qof walbana laga rabo inuu sii xoojiyaa shaqada uu hayo”.Ayuu yiri Guddoomiye Eng. Yariisow.

Qaar kamid ah guddoomiyeyaasha degmooyinka oo kulanka ka hadlay ayaa ku dheeraaday wax-qabadka degmooyinka mudadii ay joogeen iyo sida ay uga go’an tahay in la sameeyo adeeg shaqo oo baahi tira dadka degan degmooyinka gobolka Banaadir.

Previous Post

Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo goordhaw dalka dib ugu soo laabta.

Next Post

Wasiirka Wasaaradda Dastuurka XFS iyo Wafdi uu hoggaaminayo oo Magaaladda Jowhar gaaray

Next Post
Wasiirka Wasaaradda Dastuurka XFS iyo Wafdi uu hoggaaminayo oo Magaaladda Jowhar gaaray

Wasiirka Wasaaradda Dastuurka XFS iyo Wafdi uu hoggaaminayo oo Magaaladda Jowhar gaaray

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo ka qeybgalay shirka ka jawaabista saameynta la filayo ee Super El Niño 2026

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo ka qeybgalay shirka ka jawaabista saameynta la filayo ee Super El Niño 2026

July 30, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa Dowladda Federaalka Soomaaliya ku matalay shir dhanka Zoomka ah...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN MIRO DHAL AH LA QAATAY DHIGGIISA DALKA YUGAANDHA

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN MIRO DHAL AH LA QAATAY DHIGGIISA DALKA YUGAANDHA

July 30, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa galinkii dambe ee maanta safar shaqo ku gaaray magaalada Kambaala ee...

Golaha Wasiirrada XFS, oo ansixiyay ergeyga Soomaaliya ee (OIC) iyo dalacsiinta Danjirayaal cusub

Golaha Wasiirrada XFS, oo ansixiyay ergeyga Soomaaliya ee (OIC) iyo dalacsiinta Danjirayaal cusub

July 30, 2026
0

Golaha Wasiirrada XFS, ayaa kulankoodii maanta ku ansixiyay soo-jeedinta Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ee magacaabista ergeyga Soomaaliya ee...

Wasiiru-dowlaha Gaashaandhigga XFS oo shir muhiiim ah uga qaybgalay dalka Uganda

Wasiiru-dowlaha Gaashaandhigga XFS oo shir muhiiim ah uga qaybgalay dalka Uganda

July 30, 2026
0

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga JFS, Mudane Cumar Cali Cabdi, ayaa maanta magaalada Kampala ee Jamhuuriyadda Uganda kaga qayb galay Shirka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In