Dhammaan 955 shaqaale oo ah kuwa ka shaqeeya godadka laga qodo macdanta dahabka ayaa iyagoo bad-qab ah loo soo saaray dibadda,kadib markii habeenimadii Arbacada aheyd ay ka baqtiyeen nalalkii ama leyrarkii awoodda korontada.
Aroornimadii saaka ayaa la sheegay in ay suurtagashay in dib loo helo quwadda korontada,waxaana halkaasi ku soo xoomay dad badan oo ehel la ah shaqaalahaasi laga soo badbaadiyay godka laga qodo macdanta.
Afhayeen lagu magacaabo James Wellsted oo u hadlay shirkadda Sibanye-Stillwater,ayaa sheegay in ay jiraan xanuunno xagga dhiig karka ah iyo fuuq-bax lagu arkay qaar ka mid ah dadkaasi la badbaadiyay,balse waxa uu tilmaamay in cuduradaasi aysan aheyn kuwo daran.
Godkaasi laga qodo macdanta oo lagu magacaabo Beatrix mine,waxaa uu 290 km koonfur galbeed kaga beegan yahay magaalada Johannesburg.
Wax ka badan 80 dhimasho ah ayaa la diiwaangaliyay in dalka K/Afrika ay ku dhinteen godadka laga qodo macdanta,gaar ahaan sanadkii tagay.
K/Afrika waa dalka ugu badan ee laga soo saaro macdanta dahabka balse wxaa su’aal ka taagan tahay badqabka warshadaha ka xoogsada macdanta.
SONNA