Wednesday, February 11, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddoomiye Basma Caamir “Ma aqbali doonno in dekadda Muqdisho laga soo dajiyo Badeeco iyo Daawooyin dhacay”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
8 years ago
in Wararka
0
Guddoomiye Basma Caamir “Ma aqbali doonno in dekadda Muqdisho laga soo dajiyo Badeeco iyo Daawooyin dhacay”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Waaxda Faya-dhowrka ee gobolka Benaadir u qaabilsan ka hor tagga waxyaabaha dhacay iyo qiimaynta tayada Badeecadaha kana ka hawl-gasha Dekedda weyn ee Xamar ,ayaa maanta soo bandhigtay raashin iyo waadooyin uu waqtigeedu dhamaaday,taasoo ay ku wareejiyeen laamaha ammaanka si loo gubo.

Guddoomiye ku-xigeenka Arrimaha Bulshada iyo Wacyigelinta gobolka Benaadir, Marwo Basmo Caamir Shakeeti oo kormeer ku tagtay goobaha laga helay agabka dhacay ayaa sheegtay in dawladda hoose oo kaashanaysa hay’adaha ku shaqada leh iyo laamaha amniga ay tallaabo ka qaadi doonaan cid walba oo magaalada soo gelinaysa alaabooyin dhacay.

Related posts

Wasiiru-Dowlaha Gaashaandhigga oo Booqday Markabka Dagaalka ee Turkiga ee Muqdisho

Wasiiru-Dowlaha Gaashaandhigga oo Booqday Markabka Dagaalka ee Turkiga ee Muqdisho

February 11, 2026
Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo ka qaybgalay kal-fadhiga 48aad ee Golaha fulinta Midowga Afrika

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo ka qaybgalay kal-fadhiga 48aad ee Golaha fulinta Midowga Afrika

February 11, 2026

“Waxaan kormeer ku tagnay Dekedda magaalada Muqdisho, si aan u baarno cabashooyin maalmahan halkaas naga soo gaarayay, baaritaan kadib, waxaan halkaas ka helnay hal kontaynar oo daawo dhacday ah kuna taariikhaysan, 2014-2016-2017. Sidoo kale, waxaan bakhaarka no.3 ku soo aragnay jawaano bur dhacay ku jiro kaas oo biyo ay soo gaareen, cid walba oo arrimahaas ku lug leh oo doonaysa in magaalada la galiyo badeeco dhacdayna tallaabo ayaan ka qaadaynaa”. Ayay tiri Marwo Basmo Caaimir.

Guddoomiye Basmo Caamir ayaa ganacsatada Soomaaliyeed fartay in eysan dib dambe u keenin dalka wax ayan naftooda u quurin, iyadoo xustay in laga baxay waqtigii fawdada uu dalku ku jiray, lana joogo xiligii isla xisaabtanka iyo dabagalka wax yaabaha dalka soo galaya .

Previous Post

Maamulka Degmada Hodan oo markale bilaabay olole Nadaafadeed “SAWIRRO”

Next Post

Maamulka Gobolka Benaadir oo yeeshay kulan looga hadlayay Dakhliyada Gobolka.

Next Post
Maamulka Gobolka Benaadir oo yeeshay kulan looga hadlayay Dakhliyada Gobolka.

Maamulka Gobolka Benaadir oo yeeshay kulan looga hadlayay Dakhliyada Gobolka.

Wasiiru-Dowlaha Gaashaandhigga oo Booqday Markabka Dagaalka ee Turkiga ee Muqdisho

Wasiiru-Dowlaha Gaashaandhigga oo Booqday Markabka Dagaalka ee Turkiga ee Muqdisho

February 11, 2026
0

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga, Xildhibaan Cumar Cali Cabdi, oo uu wehliyo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud,...

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo ka qaybgalay kal-fadhiga 48aad ee Golaha fulinta Midowga Afrika

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo ka qaybgalay kal-fadhiga 48aad ee Golaha fulinta Midowga Afrika

February 11, 2026
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa ka qaybgalay furitaanka Kal-fadhiga...

Wasiirka Batroolka XFS oo Cape Town kulan la qaatay maalgashadayaal caalami ah

Wasiirka Batroolka XFS oo Cape Town kulan la qaatay maalgashadayaal caalami ah

February 11, 2026
0

Cape Town – Koonfur Afrika: Wasiirka Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Daahir Shire Maxamed, ayaa kulan...

February 11, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Daahir Shire Maxamed, ayaa magaalada Cape Town kulan kula yeeshay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In