Wasiirka Gaadiidka iyo duulista Hawada ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa kormeer ku tagay xarunta Sahal oo Rakaabka ka dhoofa garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho u fududaysa adeegyadooda iyada oo isticmaalaysa basas.
Intii uu ku jiray Kormeerka Wasiirku waxa uu la kulmay Shaqaalaha shirkadda oo ay ku jiraan dad naafa ah isagoo ku dhiira galiyay shaqadooda.
Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Mudane Maxamed Cabdulaahi Salaad (Oomaar) iyo Maamulaha Shirkadda Jabril Maxamuud Geedi ayaa kala sixiixday heshiis is afgarad ah oo dib loogu eego howlaha shirkadda
Wasiirka Gaadiidka iyo Duuliista Hawada Soomaaliya Mudane Oomaar ayaa sheegay in dib u eegista heshiiskii hore ay isku afgarteen shirkadda.
‘’ Dadweynaha Soomaaliyeed mudda badan ayay na waydiinayeen adeegyadda shirkadani anagoo ka ambaqaadayna hab maamulka wanaagsan waxaan shirkadani ku heshiinay, heshiiskii ay horay ula gashay dowladda inaan dib u eegis ku sameyno iyada oo laga fiirinayo in dowladda, shirkadda iyo shacabkaba ay ka faa’iidaan, marka heshiiskaan isafgaradkaa waxa uu ahaa mid aan isla ognahay hey’adaha nala shaqeeya sida IMF iyo World bank oo ah inaan heshiiskii shirkada Sahal aan dib u eegis ku sameynay iyagana si wanaagsan ayay noola shaqeeyeen’’ Ayuu yiri Wasiir Oomaar
Wasiir Oomaar waxa uu dhiira galiyay in fursado shaqo loo abuuro dadka Naafada ah.
‘’ waxaan ku faraxsanahay in shirkada Sahal ay fursado shaqo siisay dad naafa ah, dagaaladii sukeeye dad badan ayaa ku beelay lixdooda lixaad iyagana xaq ayay leeyihiin inay shaqa helaan, waxaana ku baaqaya in fursado shaqo loo abuuro lana dhiira galiyo dadka naafadaa, sidookale shirkadda Sahal hal abuurkooda waan uga mahad celinaya’’ ayuu yiri Wasiir Oomaar
Guddoomiyaha Shirkada Sahal Cabdicasiis Maxamed Guuleed ayaa Wasiirka ugu Mahad celiyay booqashada iyo dhira galinta Howlwadeenada gaar ahaan kuwa qaba baahiyaha gaarka ah.
‘’ waan uga mahad celinaynaa Wasiirka aqbalaada uu naga aqbalay inuu dhiira galiyo dadka naafadaa iyo heshiiska is afgaradka ah ee aan wada saxiixanay oo ah in shirkadda Sahal iyo Wasaaradda ay wada shaqeeyaan’’ Ayuu yiri Gudoomiyaha Sahal Hospitality