Tuesday, April 14, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddiga Taakuleynta Ciidanka Xoogga dalka oo wacyi gelin u sameeyay Ciidanka Booliska+Sawirro

admin by admin
8 years ago
in Wararka
0
Guddiga Taakuleynta Ciidanka Xoogga dalka oo wacyi gelin u sameeyay Ciidanka Booliska+Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo ka qeybgalay kulanka Nabad dhisidda

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo ka qeybgalay kulanka Nabad dhisidda

April 13, 2026
Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda XFS oo qaabilay Ergayga Gaarka ah ee Shiinaha u qaabilsan Geeska Afrika

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda XFS oo qaabilay Ergayga Gaarka ah ee Shiinaha u qaabilsan Geeska Afrika

April 13, 2026

Munaasabad lagu wacyi-gelinayay Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya oo ku aadan isticmaalka muqaadaraadka iyo sidii ay hab dhaqanka bulshada u wanaajin lahaayeen ayaa maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho.

Munaasabada ayaa waxaa soo qaban qaabiyay Guddiga Qaran ee taakuleynta Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya,waxaana inta badan diirada lagu saaray munaasabadda sidii Ciidamada Qalabka sida looga wacyigelin lahaa Muqaadaraadka iyo iney si wanaagsan ula dhaqmaan bulshada Soomaaliyeed ee ay u shaqeynayaan.

Ugu horeyn ayaa munaasabadda waxaa ka hadlay General C/rashiid Aadan Xirse Taliyaha akadeemiyada dugsiga tababarka Ciidan Booliska ee General kaahiye  oo munaasabada ka hadlay ayaa sheegay in ciidanka booliska ay u diyaarsanyihiin nidaamka hab dhaqanka bulshada iyo ciidanka booliska.

Sidoo kale,Abuukar Cawaale Qaadiid oo u ololeeya joojinta Qaadka ayaa sheegay in dhibaatooyin aan la soo koobi Karin uu leeyahay qaadka iyo waxyaabaha kale ee maanka dooriya,islamarkaana uu hoos u dhigo hanka qofka bini-adamka.

Sheekh nuur Baaruud Gurxan oo xubin ka ah Gudiga taakuleynta Ciidanka qalabka sida  iyo Jeneral Axmed Jaamac  Gudoomiyaha Gudiga taakuleynta iyo wacyigalinta oo munaasabada so xiray ayaa ayaa Ciidamada Qalabka sida ku ku dhiira geliyay iney ka fogaadaan waxyaabaha dhibaatada ku ah maankooda,islamarkaana si feejigan ula socdaan bulshada.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ahna Taliyaha Guud ee Ciidamada Xoogga dalka Mudane Maxamed C/llaahi Maxamed Farmaajo ayaa sanadkii tagay ee 2017dii magacaabay Guddiga taakuleynta iyo wacyi gelinta Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya,kuwaasi oo ka shaqeynaya sidii loo taageeri lahaa Ciidamada Qalabka sida ee har iyo habeen u taagan difaaca dalkeena Soomaaliyeed.

Previous Post

Wasaaradda Gaadiidka iyo Shirkadda Sahal oo Heshiis kala saxiixday ’’Sawirro’’

Next Post

Guddoomiyaha G/Banaadir oo Muqdisho kula kulmay Wafdi ka socda Shiinaha+Sawirro

Next Post
Guddoomiyaha G/Banaadir oo Muqdisho kula kulmay Wafdi ka socda Shiinaha+Sawirro

Guddoomiyaha G/Banaadir oo Muqdisho kula kulmay Wafdi ka socda Shiinaha+Sawirro

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo ka qeybgalay kulanka Nabad dhisidda

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo ka qeybgalay kulanka Nabad dhisidda

April 13, 2026
0

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta, Mudane Cabdulqaadir Cilmi, ayaa maanta ka qaybgalay kulan ku saabsan doorka...

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda XFS oo qaabilay Ergayga Gaarka ah ee Shiinaha u qaabilsan Geeska Afrika

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda XFS oo qaabilay Ergayga Gaarka ah ee Shiinaha u qaabilsan Geeska Afrika

April 13, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdisalaan Cali ayaa kulan kula yeeshay xarunta...

Shirka Golaha Wasiirrada oo lagu meel mariyay Xeer-nidaamiyaha Cafiska Guud

Shirka Golaha Wasiirrada oo lagu meel mariyay Xeer-nidaamiyaha Cafiska Guud

April 13, 2026
0

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay kulan aan caadi ahayn, ayaa lagu ansixiyey Agaasimaha Guud ee Hey’adda Socdaalka...

Xuseen Iidow oo loo magacaabay Agaasimaha Guud ew Hay’adda Socdaalka

Xuseen Iidow oo loo magacaabay Agaasimaha Guud ew Hay’adda Socdaalka

April 13, 2026
0

Golaha Wasiiradda XJFS ayaa cod aqlabiyad ah ku ansixiyay magacaabista Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya, xilkaas oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In