Monday, December 15, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Tababar ay ka qayb galayaan 50-Saxafi oo maanta ka furmay xarunta Wasaaradda Warfaafinta

admin by admin
8 years ago
in Wararka
0
Tababar ay ka qayb galayaan 50-Saxafi oo maanta ka furmay xarunta Wasaaradda Warfaafinta
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Tababarkaan la xiriira Warka iyo Arrimaha taagan oo ay ka faa’idaysanayaan ilaa iyo 50 Wariye oo ka kala socda Warbaahinta Qaranka iyo Warbaahinada madaxa banaan, ayaa waxaa soo qaban qaabiyay Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska.

Ugu horeyn Agaasimaha Shaqaalaha iyo Tababarada Mudane Cabdirixiin Ciise Cadow ayaa kula dardaarmay wariyaasha ka qeyb qaadanaya Tababarkaan in ay ka faa’ideystaan mudada uu socdo islamarkaana ay ilaaliyaan waqtiga.

Related posts

Duqa Muqdisho Oo Maanta Qaatay Kaadhka Codbixinta Golaha Deegaanka

Duqa Muqdisho Oo Maanta Qaatay Kaadhka Codbixinta Golaha Deegaanka

December 14, 2025
Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Ka Tacsiyadeeyay Geerida Madaxweynihii Hore Ee Puntland

Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Ka Tacsiyadeeyay Geerida Madaxweynihii Hore Ee Puntland

December 14, 2025

Agaasimaha guud ee Wasaaradda warfaafinta  Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Dowladda Soomaaliya Mudane C/raxmaan Yuusuf Sheekh Al-Cadaala ayaa sheegay in wasaaradda warfaafinta ay joogteyneyso tababarada noocaan ah si  sare loogu qaado xirfada saxfiyiinta Soomaaliyeed.

Faarax Cumar Nuur ah oo madaxa tababarada ee Ururka Saxfiyiinta Qaranka Soomaaliyeed ayaa uga mahad celiyay madaxda Wasaaradda Warfaafinta dadaalka ay ugu jiraan kor u qaadida tayada warbaahinta Dalka.

Guddoomiyaha Gudiga Qaran ee shaqaalaha Rayidka Xasan Abshirow ayaa uu mahad celiyay Wasaaradda Warfaafinta iyo ururka suxfiyiinta Qaranka ,wuxuuna ugu baaqay hay’adaha kale ee dowladda in ay sameeyaan tababaro kor loogu qaadaayo shaqaalaha.

Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Warfaafinta dhaqanka iyo Dalxiiska ee Dowladda Soomaaliya ahna sii hayaha wasiirka Warfaafinta Mudane C/raxamaan Iidaan Yoonis ayaa kula dardaarmay ka qeyb galayaasha tababarka in ay ka faa’ideystaan tababarkaan.

Tababarkan oo socon doona mudo Seddax maalin ah waxaa furitaankiisa ka qeyb galay Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Warfaafinta dhaqanka iyo Dalxiiska ee Dowladda Soomaaliya ahna sii hayaha wasiirka Warfaafinta,Agaasimaha guud ee Wasaaradda warfaafinta ,guddiga qaran ee shaqaalaha Rayidka iyo sidoo waaxyaha shaqaalaha iyo tababarada iyo sidoo kale xiriirka gobolada.

Previous Post

Madaxweynaha Jabuuti oo la kulmay Xoghayaha guud ee Jaamacadda Carabta,

Next Post

Wasaaradda Boostada & Isgaarsiinta oo qabanqaabineysa shirweynaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Jabuuti “SAWIRRO”

Next Post
Wasaaradda Boostada & Isgaarsiinta oo qabanqaabineysa shirweynaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Jabuuti “SAWIRRO”

Wasaaradda Boostada & Isgaarsiinta oo qabanqaabineysa shirweynaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Jabuuti "SAWIRRO"

Duqa Muqdisho Oo Maanta Qaatay Kaadhka Codbixinta Golaha Deegaanka

Duqa Muqdisho Oo Maanta Qaatay Kaadhka Codbixinta Golaha Deegaanka

December 14, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa maanta kaarka codbixinta doorashada Dowladaha Hoose...

Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Ka Tacsiyadeeyay Geerida Madaxweynihii Hore Ee Puntland

Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Ka Tacsiyadeeyay Geerida Madaxweynihii Hore Ee Puntland

December 14, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, bulshada Puntland iyo guud...

Ra’iisul Wasaare Xamse Oo Xarig Jaray Masraxa Cusub Ee Lagu Soo Kordhiyay Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed

Ra’iisul Wasaare Xamse Oo Xarig Jaray Masraxa Cusub Ee Lagu Soo Kordhiyay Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed

December 14, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xalay ka qeyb galay munaasabad xarigga looga jarayey...

Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Qaatay Kaadhka Codbixinta Golaha Deegaanka

Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Qaatay Kaadhka Codbixinta Golaha Deegaanka

December 14, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuridda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta si rasmi ah u qaatay Kaarka codbixinta ee Dooraahada...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In