Wednesday, June 3, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Tababar ay ka qayb galayaan 50-Saxafi oo maanta ka furmay xarunta Wasaaradda Warfaafinta

admin by admin
8 years ago
in Wararka
0
Tababar ay ka qayb galayaan 50-Saxafi oo maanta ka furmay xarunta Wasaaradda Warfaafinta
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Tababarkaan la xiriira Warka iyo Arrimaha taagan oo ay ka faa’idaysanayaan ilaa iyo 50 Wariye oo ka kala socda Warbaahinta Qaranka iyo Warbaahinada madaxa banaan, ayaa waxaa soo qaban qaabiyay Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska.

Ugu horeyn Agaasimaha Shaqaalaha iyo Tababarada Mudane Cabdirixiin Ciise Cadow ayaa kula dardaarmay wariyaasha ka qeyb qaadanaya Tababarkaan in ay ka faa’ideystaan mudada uu socdo islamarkaana ay ilaaliyaan waqtiga.

Related posts

Agaasimaha Guud ee Tubsan oo ka qayb galay shirka GCERF oo ka dhacay Geneva

Agaasimaha Guud ee Tubsan oo ka qayb galay shirka GCERF oo ka dhacay Geneva

June 2, 2026
Wasiirka Amniga Gudaha iyo EUCAP oo ka Wada Hadlay Xoojinta Iskaashiga Amniga 

Wasiirka Amniga Gudaha iyo EUCAP oo ka Wada Hadlay Xoojinta Iskaashiga Amniga 

June 2, 2026

Agaasimaha guud ee Wasaaradda warfaafinta  Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Dowladda Soomaaliya Mudane C/raxmaan Yuusuf Sheekh Al-Cadaala ayaa sheegay in wasaaradda warfaafinta ay joogteyneyso tababarada noocaan ah si  sare loogu qaado xirfada saxfiyiinta Soomaaliyeed.

Faarax Cumar Nuur ah oo madaxa tababarada ee Ururka Saxfiyiinta Qaranka Soomaaliyeed ayaa uga mahad celiyay madaxda Wasaaradda Warfaafinta dadaalka ay ugu jiraan kor u qaadida tayada warbaahinta Dalka.

Guddoomiyaha Gudiga Qaran ee shaqaalaha Rayidka Xasan Abshirow ayaa uu mahad celiyay Wasaaradda Warfaafinta iyo ururka suxfiyiinta Qaranka ,wuxuuna ugu baaqay hay’adaha kale ee dowladda in ay sameeyaan tababaro kor loogu qaadaayo shaqaalaha.

Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Warfaafinta dhaqanka iyo Dalxiiska ee Dowladda Soomaaliya ahna sii hayaha wasiirka Warfaafinta Mudane C/raxamaan Iidaan Yoonis ayaa kula dardaarmay ka qeyb galayaasha tababarka in ay ka faa’ideystaan tababarkaan.

Tababarkan oo socon doona mudo Seddax maalin ah waxaa furitaankiisa ka qeyb galay Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Warfaafinta dhaqanka iyo Dalxiiska ee Dowladda Soomaaliya ahna sii hayaha wasiirka Warfaafinta,Agaasimaha guud ee Wasaaradda warfaafinta ,guddiga qaran ee shaqaalaha Rayidka iyo sidoo waaxyaha shaqaalaha iyo tababarada iyo sidoo kale xiriirka gobolada.

Previous Post

Madaxweynaha Jabuuti oo la kulmay Xoghayaha guud ee Jaamacadda Carabta,

Next Post

Wasaaradda Boostada & Isgaarsiinta oo qabanqaabineysa shirweynaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Jabuuti “SAWIRRO”

Next Post
Wasaaradda Boostada & Isgaarsiinta oo qabanqaabineysa shirweynaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Jabuuti “SAWIRRO”

Wasaaradda Boostada & Isgaarsiinta oo qabanqaabineysa shirweynaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Jabuuti "SAWIRRO"

Agaasimaha Guud ee Tubsan oo ka qayb galay shirka GCERF oo ka dhacay Geneva

Agaasimaha Guud ee Tubsan oo ka qayb galay shirka GCERF oo ka dhacay Geneva

June 2, 2026
0

Agaasimaha Guud ee Xarunta Qaran ee Tubsan, Md. Cali Yaasin Gurbe, ayaa maanta ka qeyb galay shir heer sare ah...

Wasiirka Amniga Gudaha iyo EUCAP oo ka Wada Hadlay Xoojinta Iskaashiga Amniga 

Wasiirka Amniga Gudaha iyo EUCAP oo ka Wada Hadlay Xoojinta Iskaashiga Amniga 

June 2, 2026
0

Muqdisho, Soomaaliya – 2 Juun 2026: Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Gen. Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa...

Xildhibaannada cusub ee KGS oo loo furay tababar la xariira Doorashooyinka

Xildhibaannada cusub ee KGS oo loo furay tababar la xariira Doorashooyinka

June 2, 2026
0

Xildhibaanada cusub ee Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa maanta magaalada Baydhabo loogu furay tababar lagu xoojinayo fahamkooda ku aaddan...

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo ka qayb galay Kulanka Wasiirrada Afrika la yeesheen Madaxweyne Lee Jae-myung

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo ka qayb galay Kulanka Wasiirrada Afrika la yeesheen Madaxweyne Lee Jae-myung

June 2, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Abdisalaam Cabdi Cali, ayaa ka qeyb galay kulan...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In