Wednesday, July 22, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida oo soo gaba-gabeysay dhageysiga dacwad ka dhan ah G/sare Cabdi Naasir Xoosh

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
8 years ago
in Wararka
0
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Xafiiska Xeer ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida ayaa  maanta soo gudbiyay eedeen loo jeediyay eedeysane Col, Cabdi Naasir Xoosh Maxmmed oo ahaa Taliayaha  raxanta Doomaha Ciidamada Badda Soomaaliyeed, waxaana eedda loo jeediyay ku xusnaa in uu dil barer ah u geystay AUN S/guuto Saciid Aadan Yuusuf (Mariino) oo ahaa EX Abaanduulihii Ciidamada Badda Soomaaliyeed.

G/sare  Cabdi Naasir Xoosh Maxmmed oo ka jawaabayay eedda loo jeediyay ayaa waxa uu sheegay in uusan si ku tala gal ah u dilin Marxuumka  balse ay kaga fakatay sida uu sheegay.

Related posts

Wasiirka Amniga Gudaha XFS oo kulan la yeeshay Safiirka Koonfurta Kuuriya ee Soomaaliya.

Wasiirka Amniga Gudaha XFS oo kulan la yeeshay Safiirka Koonfurta Kuuriya ee Soomaaliya.

July 22, 2026
Baarlamaanka Turkiga oo meel marinaya in howlgalka Milatari ee Soomaaliya lagu kordhiyo labo sano

Baarlamaanka Turkiga oo meel marinaya in howlgalka Milatari ee Soomaaliya lagu kordhiyo labo sano

July 22, 2026

Dhinacyada dacwadda ee kala ah xeer ilaalinta iyo qareenada ayaa kadib dooda guda galay, waxa eyna xafiiska xeer ilaalinta ugu horreynba garsoorka weydiisteen in loo ogolaado in la dhageysto markaatiyeel goob-joog u ahaa wixii dhacay, waxa eyna dhammaan  sheegeen in uu jiray muran ka hor inta uusan falka dilka ah dhicin, sidoo kale waxa ey xafiiska xeer ilaalinta soo bandhigeen sawirro iyo documents muujinayo dhacdadan..

Qareenka U doodayay eedeeysanaha ayaa isna dhankiisa sheegay in eeysan diidaneen dilka balse badalkeed uu sheegay in uu jeclaan lahaa in eedeysanaha loo naxariisto oo  uu bixiyo  Diyo dhameystiran ..

Xafiiska xeer ilaalinta ayaa iyana sheegay in ey tahay taariikhda markiii ugu horreysay oo dil bareer ah loo geysto Gen, waxa eyna garsoorka ka dalbadeen in dil toogasho ah lagu fuliyo eedeysane Col, Cabdi Naasir Xoosh Maxammed oo ah eedeysanaha loo heysto dilka Gen, Saciid Aadan Yuusuf (Mariino)..

Ugu dambey, dhageysiga kiiskan oo sacada badan qaatay ayaa waxaa soo xiray Gudoomiyaha Maxkamadda D.1-aad Ciidamada Qalabka Sida G/sare Xasan Cali Nuur Shuute, waxa uuna u sheegay dhammaan dhinacyadii ka qeyb-galayay dhageysiga dacwaddan in go’aanka Maxkamadda eey dib ka soo saari doonaan…

18-01-2018, ayaa lagu dilay gudaha Dekadda Muqdisho Gen Saciid Aadan Yuusuf  (Mariino).

Previous Post

Guddoomiye Yarisow oo magacaabay Guddi baaritaan ku sameeya sababta barakacayaasha xoogga looga saaray deegaanka KM 13

Next Post

Ololaha Doorashooyinka Baarlamaanka Jabuuti oo furmay “SAWIRRO”

Next Post
Ololaha Doorashooyinka Baarlamaanka Jabuuti oo furmay “SAWIRRO”

Ololaha Doorashooyinka Baarlamaanka Jabuuti oo furmay "SAWIRRO"

Wasiirka Amniga Gudaha XFS oo kulan la yeeshay Safiirka Koonfurta Kuuriya ee Soomaaliya.

Wasiirka Amniga Gudaha XFS oo kulan la yeeshay Safiirka Koonfurta Kuuriya ee Soomaaliya.

July 22, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha XFS, Jeneraal Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa maanta xarunta Wasaaradda kulan kula yeeshay Safiirka Koonfurta Kuuriya...

Baarlamaanka Turkiga oo meel marinaya in howlgalka Milatari ee Soomaaliya lagu kordhiyo labo sano

Baarlamaanka Turkiga oo meel marinaya in howlgalka Milatari ee Soomaaliya lagu kordhiyo labo sano

July 22, 2026
0

Go’aanka Madaxweynaha dalka Turkiye mudane Recep Tayyip Erdogan ayaa ah si loo kordhiyo howlgalkii Ciidamada Difaaca Turkiga ee Soomaaliya muddo...

Urur Siyaasadeedka Cadaaladda iyo Wadajirka JSP oo olole doorasho ka,sameeyay Guriceel

Urur Siyaasadeedka Cadaaladda iyo Wadajirka JSP oo olole doorasho ka,sameeyay Guriceel

July 21, 2026
0

Xubno ka tirsan Urur Siyaasadeedka Caddaaladda iyo Wadajirka (JSP) ayaa maanta olole ballaaran oo ku aadan doorashooyinka qof iyo codka...

Taliyaha Ciidanka Badda oo  Dalka Marocco kaga qayb galay Shirka 4-aad ee Ciidamada Badda Afrika

Taliyaha Ciidanka Badda oo Dalka Marocco kaga qayb galay Shirka 4-aad ee Ciidamada Badda Afrika

July 21, 2026
0

Taliyaha Ciidanka Badda iyo Difaaca Xeebaha Soomaaliya Jeneraal Cabdiwahaab Cabdullaahi Cumar ayaa magaalada Rabat ee Dalka Marocco kaga qayb galay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In