Thursday, July 3, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida oo soo gaba-gabeysay dhageysiga dacwad ka dhan ah G/sare Cabdi Naasir Xoosh

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
February 10, 2018
in Wararka
0
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Xafiiska Xeer ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida ayaa  maanta soo gudbiyay eedeen loo jeediyay eedeysane Col, Cabdi Naasir Xoosh Maxmmed oo ahaa Taliayaha  raxanta Doomaha Ciidamada Badda Soomaaliyeed, waxaana eedda loo jeediyay ku xusnaa in uu dil barer ah u geystay AUN S/guuto Saciid Aadan Yuusuf (Mariino) oo ahaa EX Abaanduulihii Ciidamada Badda Soomaaliyeed.

G/sare  Cabdi Naasir Xoosh Maxmmed oo ka jawaabayay eedda loo jeediyay ayaa waxa uu sheegay in uusan si ku tala gal ah u dilin Marxuumka  balse ay kaga fakatay sida uu sheegay.

Related posts

Mareykanka oo bogaadiyay in Soomaaliya ay qalab casri ah dhigtay Xuduudaha dalka.

Mareykanka oo bogaadiyay in Soomaaliya ay qalab casri ah dhigtay Xuduudaha dalka.

July 2, 2025
Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka oo kulan doceed kula yeeshay Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee QM

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka oo kulan doceed kula yeeshay Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee QM

July 2, 2025

Dhinacyada dacwadda ee kala ah xeer ilaalinta iyo qareenada ayaa kadib dooda guda galay, waxa eyna xafiiska xeer ilaalinta ugu horreynba garsoorka weydiisteen in loo ogolaado in la dhageysto markaatiyeel goob-joog u ahaa wixii dhacay, waxa eyna dhammaan  sheegeen in uu jiray muran ka hor inta uusan falka dilka ah dhicin, sidoo kale waxa ey xafiiska xeer ilaalinta soo bandhigeen sawirro iyo documents muujinayo dhacdadan..

Qareenka U doodayay eedeeysanaha ayaa isna dhankiisa sheegay in eeysan diidaneen dilka balse badalkeed uu sheegay in uu jeclaan lahaa in eedeysanaha loo naxariisto oo  uu bixiyo  Diyo dhameystiran ..

Xafiiska xeer ilaalinta ayaa iyana sheegay in ey tahay taariikhda markiii ugu horreysay oo dil bareer ah loo geysto Gen, waxa eyna garsoorka ka dalbadeen in dil toogasho ah lagu fuliyo eedeysane Col, Cabdi Naasir Xoosh Maxammed oo ah eedeysanaha loo heysto dilka Gen, Saciid Aadan Yuusuf (Mariino)..

Ugu dambey, dhageysiga kiiskan oo sacada badan qaatay ayaa waxaa soo xiray Gudoomiyaha Maxkamadda D.1-aad Ciidamada Qalabka Sida G/sare Xasan Cali Nuur Shuute, waxa uuna u sheegay dhammaan dhinacyadii ka qeyb-galayay dhageysiga dacwaddan in go’aanka Maxkamadda eey dib ka soo saari doonaan…

18-01-2018, ayaa lagu dilay gudaha Dekadda Muqdisho Gen Saciid Aadan Yuusuf  (Mariino).

Previous Post

Guddoomiye Yarisow oo magacaabay Guddi baaritaan ku sameeya sababta barakacayaasha xoogga looga saaray deegaanka KM 13

Next Post

Ololaha Doorashooyinka Baarlamaanka Jabuuti oo furmay “SAWIRRO”

Next Post
Ololaha Doorashooyinka Baarlamaanka Jabuuti oo furmay “SAWIRRO”

Ololaha Doorashooyinka Baarlamaanka Jabuuti oo furmay "SAWIRRO"

Mareykanka oo bogaadiyay in Soomaaliya ay qalab casri ah dhigtay Xuduudaha dalka.

Mareykanka oo bogaadiyay in Soomaaliya ay qalab casri ah dhigtay Xuduudaha dalka.

July 2, 2025
0

Bayaan ka soo baxay Safaaradda Mareykanka ee xafiiska Muqdisho ayaa lagu sheegay in Dowladda Soomaaliya ay si rasmi ah u...

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka oo kulan doceed kula yeeshay Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee QM

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka oo kulan doceed kula yeeshay Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee QM

July 2, 2025
0

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa kulan doceed kula yeeshay magaalada Sevilla ee uu ka...

NISA oo kaashanaysa Ciidamada deegaanka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno hoostaga Moqokori

NISA oo kaashanaysa Ciidamada deegaanka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno hoostaga Moqokori

July 2, 2025
0

 Ciidanka Nabad-sugidda Soomaaliyeed iyo kuwa deegaanka ayaa howlgal qorsheysan ka fuliyay deegaanno hoostaga degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan, halkaas oo...

Wasiirka Maaliyadda XFS oo kulan la qaatay Xoghaya Guddiga Dhaqaalaha QM ee u qaabilsan Afrika

Wasiirka Maaliyadda XFS oo kulan la qaatay Xoghaya Guddiga Dhaqaalaha QM ee u qaabilsan Afrika

July 2, 2025
0

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige oo ka qeyb galaya Shirweynaha 4-aad ee Horumarinta Maalgashiga Qaramada Midoobay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In