Wednesday, October 15, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Olole Nadaafadeed iyo cilad bixin Nalalka cadceedda ku shaqeeya oo ka socoto Degmada Heliwaa “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
8 years ago
in Wararka
0
Olole Nadaafadeed iyo cilad bixin Nalalka cadceedda ku shaqeeya oo ka socoto Degmada Heliwaa “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddoomiyaha Degmada Heliwaa ee gobolka Benaadir Mudane Cabdixakiin Cumar Cabdulle ayaa maanta kormeeray sida ay u socdaan Ololaha Nadaafadda ee Degmada, waxaana uu howlwadeenada degmada u qaabilsan dhanka Nadaafadda ku bogaadiyay sida hagar la’aanta ah ee ay ugu howlanyihiin dib u soo celinta bilicdii ay Degmadu lahayd, isagoo ku soo wareegay xaafadaha ay ka socdeen Ololaha Nadaafadda

“Waxaan halkan u imid inaan u kuurgalo, isla markaana aan idinkala qeyb qaato ololaha Nadaafadeed ee ka socda Waaxda Bendar-wanaag ee degamda Heliwaa,  runtii waxaa naga go’an in aan dib u soo celino bilicdii ay lahayd Degmada, Nadaafaddu waa Imaanka barkiis. qofkasta waxaa mas’uuliyad ka saaran in uu ka shaqeeyo Nadaafadda, Nabadgelyada iyo Naleynta Degmada” ayuu yiri Guddoomiye Cabdixakiin oo hadalkiisa ku daray “Waaxdii ku guuleysata ololaha nadaafadda, waxa ay heli doonaan abaal marin gaar ah oo ay ku faraxdo”.

Related posts

Soomaaliya iyo Azerbaijan oo heshiis Diblumaasi ah kala saxiixday

Soomaaliya iyo Azerbaijan oo heshiis Diblumaasi ah kala saxiixday

October 15, 2025
Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya oo ka qeyb galay shirka 72-aad ee WHO 

Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya oo ka qeyb galay shirka 72-aad ee WHO 

October 15, 2025

Mudane Cabdixakiin Cumar ayaa dhankiisa waxa uu ka qeyb qaatay ololaha nadaafadda, taasi oo uu ku sheegay inay tahay mid uu ku dhiiri gelinayo bulshada, isla markaana looga hortagayo in Geed yahuudka uu ku soo bato xaafaddaha Degamda, kaasi oo ka dhalan karta qatar amni iyo mid Nadaafadeed intuba.

Dhinaca kale waxaa degmada ka socotay howlo lagu dayactirayay Nalalka cadceedda ku shaqeeya, kuwaasi oo qeyb ka qaata bilicda iyo amniga degmada, waxaana uu ugu baaqay bulshada degmada inay xoojiyaan ka shaqeynta amniga iyo bilic soo celinta Degmada.

Previous Post

The February 8, 2017 Story: Achievements and Milestones

Next Post

Akhriso+Warsaxaafadeed laga soo saaray shirkii amniga Qaranka

Next Post
Akhriso+Warsaxaafadeed laga soo saaray shirkii amniga Qaranka

Akhriso+Warsaxaafadeed laga soo saaray shirkii amniga Qaranka

Soomaaliya iyo Azerbaijan oo heshiis Diblumaasi ah kala saxiixday

Soomaaliya iyo Azerbaijan oo heshiis Diblumaasi ah kala saxiixday

October 15, 2025
0

Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Azerbaijan ayaa ku heshiiyay in baasaboorada diblumaasiga ee labada dal laga dhaafo shuruudda dal-ku-galka, kaddib...

Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya oo ka qeyb galay shirka 72-aad ee WHO 

Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya oo ka qeyb galay shirka 72-aad ee WHO 

October 15, 2025
0

Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Cali Xaaji Aadan, ayaa maanta ka qeyb galay Shirka 72-aad...

Soomaaliya oo ka qeybgal Shirweynaha Wasiirrada Qorshaynta iyo Dhaqaalaha Afrika

Soomaaliya oo ka qeybgal Shirweynaha Wasiirrada Qorshaynta iyo Dhaqaalaha Afrika

October 15, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamuud Sheekh Faarax (Beenebeene), ayaa ka qeybgalay Shirka...

Duqa Muqdisho oo vasho sharaf u sameeyay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Waqooyi Bari.

Duqa Muqdisho oo vasho sharaf u sameeyay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Waqooyi Bari.

October 15, 2025
0

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa xalay casho sharaf ku maamuusay Guddoomiyaha Golaha...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In