Saturday, September 12, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Olole Nadaafadeed iyo cilad bixin Nalalka cadceedda ku shaqeeya oo ka socoto Degmada Heliwaa “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
9 years ago
in Wararka
0
Olole Nadaafadeed iyo cilad bixin Nalalka cadceedda ku shaqeeya oo ka socoto Degmada Heliwaa “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddoomiyaha Degmada Heliwaa ee gobolka Benaadir Mudane Cabdixakiin Cumar Cabdulle ayaa maanta kormeeray sida ay u socdaan Ololaha Nadaafadda ee Degmada, waxaana uu howlwadeenada degmada u qaabilsan dhanka Nadaafadda ku bogaadiyay sida hagar la’aanta ah ee ay ugu howlanyihiin dib u soo celinta bilicdii ay Degmadu lahayd, isagoo ku soo wareegay xaafadaha ay ka socdeen Ololaha Nadaafadda

“Waxaan halkan u imid inaan u kuurgalo, isla markaana aan idinkala qeyb qaato ololaha Nadaafadeed ee ka socda Waaxda Bendar-wanaag ee degamda Heliwaa,  runtii waxaa naga go’an in aan dib u soo celino bilicdii ay lahayd Degmada, Nadaafaddu waa Imaanka barkiis. qofkasta waxaa mas’uuliyad ka saaran in uu ka shaqeeyo Nadaafadda, Nabadgelyada iyo Naleynta Degmada” ayuu yiri Guddoomiye Cabdixakiin oo hadalkiisa ku daray “Waaxdii ku guuleysata ololaha nadaafadda, waxa ay heli doonaan abaal marin gaar ah oo ay ku faraxdo”.

Related posts

Xukunka Askari Jante Dartiis u dilay Muwaadin

Xukunka Askari Jante Dartiis u dilay Muwaadin

September 12, 2026
Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS oo gaaray magaalada Baydhabo

Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS oo gaaray magaalada Baydhabo

September 12, 2026

Mudane Cabdixakiin Cumar ayaa dhankiisa waxa uu ka qeyb qaatay ololaha nadaafadda, taasi oo uu ku sheegay inay tahay mid uu ku dhiiri gelinayo bulshada, isla markaana looga hortagayo in Geed yahuudka uu ku soo bato xaafaddaha Degamda, kaasi oo ka dhalan karta qatar amni iyo mid Nadaafadeed intuba.

Dhinaca kale waxaa degmada ka socotay howlo lagu dayactirayay Nalalka cadceedda ku shaqeeya, kuwaasi oo qeyb ka qaata bilicda iyo amniga degmada, waxaana uu ugu baaqay bulshada degmada inay xoojiyaan ka shaqeynta amniga iyo bilic soo celinta Degmada.

Previous Post

The February 8, 2017 Story: Achievements and Milestones

Next Post

Akhriso+Warsaxaafadeed laga soo saaray shirkii amniga Qaranka

Next Post
Akhriso+Warsaxaafadeed laga soo saaray shirkii amniga Qaranka

Akhriso+Warsaxaafadeed laga soo saaray shirkii amniga Qaranka

Xukunka Askari Jante Dartiis u dilay Muwaadin

Xukunka Askari Jante Dartiis u dilay Muwaadin

September 12, 2026
0

Dable Xoogga Maxamuud Axmed Faarax Kabtan Dhashiike, ayaa Lagu Eedeeyay in uu si kas ah u dilay Marxuum Cabdicasiis Sheekh...

Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS oo gaaray magaalada Baydhabo

Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS oo gaaray magaalada Baydhabo

September 12, 2026
0

Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed XDS General Sahal Cabdullaahi Cumar oo ay wehliyaan saraakiil ka tirsan Ciidanka XDS ayaa...

Wasaaradda Amniga Galmudug oo daahfurtay tababar lagu kobcinayo aqoonta iyo wada-shaqaynta guddiyada

Wasaaradda Amniga Galmudug oo daahfurtay tababar lagu kobcinayo aqoonta iyo wada-shaqaynta guddiyada

September 12, 2026
0

Wasaaradda Amniga Galmudug ayaa maanta magaalada Gaalkacyo ka daahfurtay tababar lagu kobcinayo aqoonta, xirfadaha iyo wada-shaqaynta guddiyada iskaashiga Booliiska iyo...

Soomaaliya iyo Shiinaha oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga lada dal

Soomaaliya iyo Shiinaha oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga lada dal

September 12, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee JFS, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, ayaa qaabilay Safiirka Jamhuuriyadda Shacbiga Shiinaha...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In