Saturday, December 13, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ergayga Hey’ada UNHCR u qaabilsan Soomaaliya oo K/Afrika kala hadlay qaxootiga Soomaalida ee dalkaasi ku nool “SAWIRRO”

caqiil by caqiil
8 years ago
in Wararka
0
Ergayga Hey’ada UNHCR u qaabilsan Soomaaliya oo K/Afrika kala hadlay qaxootiga Soomaalida ee dalkaasi ku nool “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ergayga gaarka ah ee hey’ada qaxootiga aduunka u qaabilsan qaxootiga Soomaalida Maxamed Cabdi Afey oo socdaal ku joogay dalka South Africa ayaa sheegay in shirar kala duwan oo uu la yeeshay dowlada dalka Koonfur Afrika uu kala hadlay arimaha qaxootiga Soomaalida ee ku nool dalkeeda iyo dhibaatooyinka ka heysta dhinac yada sharciyada iyo ammaanka.

Ambassador Maxamed Cabdi Afey waxaa uu sheegay in magaalada Cape Town uu kula kulmay Wasiirka arimaha gudaha dowlada Koonfur Afrika ugu horeyn uu kaga mahad celiyay Soo dhaweynta ay u sameeyeen qaxootiga Soomaalida ee kusoo cararay dalkooda xiliyadii adkaa, waxaana uu kala hadlay sidii wax looga qaban lahaa  sharciyada la siiyo qaxootiga iyo dhibaatooyinka ay la kulmayaan dhinac yada ammniga taas oo wasiirada ay sheegtay in ay ku howlan tahay wax ka qabashada arimahaasi.

Related posts

Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Dalka Oo Maanta Qaatay Kaadhka Codbixinta Doorashooyinka

Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Dalka Oo Maanta Qaatay Kaadhka Codbixinta Doorashooyinka

December 13, 2025
Maareeyaha Guud Ee Dekadda Muqdisho Oo Kulan Muhiim Ah Dubai Kula Qaatay Madaxa Fulinta Shirkadda Abu Dabai Ports Group

Maareeyaha Guud Ee Dekadda Muqdisho Oo Kulan Muhiim Ah Dubai Kula Qaatay Madaxa Fulinta Shirkadda Abu Dabai Ports Group

December 13, 2025

Waxaa sido kale uu la kulmay laamaha hey’ada qaxootiga UNHCR uga wakiilka ah wadamada Koonfureed ee qaarada Afrika uuna kala hadlay arimo dhowr ah  u quseeya qaxootiga Soomaalida ee ku nool wadamada Dhaca Koonfurta qaarada Afrika,waxaana kulmadaasi sido kale ka qeybgalay safiirka dowlada Soomaaliya u fadhiya dalka Koonfur Afrika ambasaddor Jamaal Maxamed Barrow.

In ka badan 60,000 oo qaxooti Soomaali ah ayaa la sheegay in ay ku nool yihiin wadamada Koonfurta Afrika ,30,000 oo ka mid ah qaxootigaasi oo diiwaan gashan iyo tiro kale oo aan diiwaan gashaneen waxaa marti galisay Dowlada Koonfur Afrika kuwaa oo maanta lagu ammaano in ay yihiin qaxooti la yimid hal abuuro ganacsi oo ay ka faa’iideysteen dadka saboolka ah ee ku nool deegaanada tuulooyinka ah iyo magaalooyinka dalkaan, iyo fursado shaqo oo ay u sameeyeen dadka soogalootiga ah iyo kuwa Koonfur Afrikaanka ah.

Abdullahi Maxamuud Amiin.
C/laahi Qorshe.
Johannesburg-Koonfur Afrika.
Previous Post

10 Sharci oo ku saabsan qaabka loo weriyo wararka argagixisada la xiriira

Next Post

Wasiirka Cadaalada XFS oo kulan la yeeshay Danjiraha Dowlada Talyaaniga u fadhiga Soomaaliya

Next Post
Wasiirka Cadaalada XFS oo kulan la yeeshay Danjiraha Dowlada Talyaaniga u fadhiga Soomaaliya

Wasiirka Cadaalada XFS oo kulan la yeeshay Danjiraha Dowlada Talyaaniga u fadhiga Soomaaliya

Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Dalka Oo Maanta Qaatay Kaadhka Codbixinta Doorashooyinka

Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Dalka Oo Maanta Qaatay Kaadhka Codbixinta Doorashooyinka

December 13, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Xukuumadda Faderaalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa maanta qaatay Kaarka Cod-bixinta ee Guddiga Madaxa Bannaan...

Maareeyaha Guud Ee Dekadda Muqdisho Oo Kulan Muhiim Ah Dubai Kula Qaatay Madaxa Fulinta Shirkadda Abu Dabai Ports Group

Maareeyaha Guud Ee Dekadda Muqdisho Oo Kulan Muhiim Ah Dubai Kula Qaatay Madaxa Fulinta Shirkadda Abu Dabai Ports Group

December 13, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Maareeyaha Guud ee Dekadda Muqdisho Danjire Maxamed Cali Nuur (Ameeriko) iyo wafdi uu hoggaaminaayay ayaa magaalada Abu Dubai kulama...

Ciidamada Daraawiishta Jubbaland Oo Hawlgal Ka Dhan Ah Khawaarijta Ka Sameeyay Jubbadda Hoose

Ciidamada Daraawiishta Jubbaland Oo Hawlgal Ka Dhan Ah Khawaarijta Ka Sameeyay Jubbadda Hoose

December 13, 2025
0

RADIO MUQDISHO(JUBBADA HOOSE): Ciidamada Daraawiishta Jubbaland ayaa howlgal amni ka fuliyay magaalada Qooqaani ee gobolka Jubbada Hoose, kaas oo lagu...

Ra’iisul Wasaare kuxigeenka dalka oo kulan la qaatay qaar kamid ah bulshada caasimadda

Ra’iisul Wasaare kuxigeenka dalka oo kulan la qaatay qaar kamid ah bulshada caasimadda

December 13, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa xalay la kulmay qaad kamid ah bulshada magaalada...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In