Wasiirka Cadaaladda Xukumadda Soomaaliya ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Talyaaniga u fadhiga Soomaaliya waxayna kawada hadleen arrimaha Cadaaladda, intii uu kulankan socday ayaa wasiirka iyo safiirka waxay ay kormeereen qeybaha kala duwan iyo Xafiisyada Wasaaradda
Wasiirka Caadaladda Soomaaliya Xasan Xuseen Xaaji oo la hadlay warbaahinta qaranka ayaa sheegay in ay soo dhaweynayaan cid kasta oo ka gacansineysa Tayeeynta iyo hormarinta Wasaaradda.
Dhanka kale Wasaaradda ayaa maantaTababar lagu barandoono habraaca iyo sharci dejinta ee cadaalada dalka u furtay Shaqaalaha Wasaarada Cadaaladda iyo Wasaaradaha Caaladda Maamul Gobleedyada Xubnaha ka ah dowladda dhexe si loo helo shaqaale qibrad u leh qorista iyo shaci dejinta.
Wasiir Xasan Xuseen ayaa sheegay in tabababar dheeraad ah ay u baahanyihiin shaqalaaha Wasaaradaha si loo xoojiyo xirfadooda aqoneed.
Wasaaradda Cadaaladda Xukumadda Soomaaliya ayaa mudooyinkii ugu dambeyay waday qorshooyin lagu hormarinyo dhisida sharci dejinta iyo hormarinta cadaaladda dalka.