Monday, September 7, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiiru Dowlaha arrimaha Dibadda ee XFS oo la kulmay wasiirka arrimaha dibadda ee Turkiga

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
9 years ago
in Wararka
0
Wasiiru Dowlaha arrimaha Dibadda ee XFS oo la kulmay wasiirka arrimaha dibadda ee Turkiga
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Shirweynaha Madasha Qaran ee Istiraatiijiyadda Xiriirka Warbaahinta oo ka furmay Muqdisho

Shirweynaha Madasha Qaran ee Istiraatiijiyadda Xiriirka Warbaahinta oo ka furmay Muqdisho

September 7, 2026
Guddoomiyaha SoDMA oo kormeeray Webiga Shabeelle iyo Goobaha fatahaaduhu halis geli karaan

Guddoomiyaha SoDMA oo kormeeray Webiga Shabeelle iyo Goobaha fatahaaduhu halis geli karaan

September 7, 2026

Kulan gaar ah oo mas’uuliyiinta Wasaaradaha arrimaha dibadad ee Soomaaliya iyo Turkiga ay ku yeesheen magaalada Istambuul ee Dalkaasi ayaa kaga hadlay xoojin ilaa qaadka dhinaca diblomaasiyadda ee u dhexeeya labada Dal.

Wasiiru Dowlaha arrimaha dibadda ee Soomaaliya Mudane C/qaadir Axmed Khayr Cabdi oo dalka Turkiga kaga qeybgalay shir u dhexeeya Dowladaha Afrika iyo Turkiga ayaa waxaa uu la kulmay Wasiirka arrimaha dibadda ee Dalkaasi.

Mevlüt Çavuşoğlu Wasiirk arrimaha dibadda ee Turkiga iyo Wasiiru Dowlaha arrimaha Dibadda ee Soomaaliya Mudane C/qaadir Axmed Khayr ayaa isla gorfeeyey sidii loo sii adkeyn lahaa iskaashiga iyo wada shaqeynta ka dhexeysa labada Dowladood.

Waxyaabaha ay sid agaarka ah ugu hadleen waxaa kamid ah arrimaha siyaasadda,dhaqaalaha,maalgashiga iyo dhamaan in la horumariyo howlaha danwadaagaha ah ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga.

Kulanka labada mas’uul ayaa daba socday shir ay lahayeen Wasiirada arrimaha Dibadd aee wadamada Afrika iyo Turkiga,kaasi oo looga hadlayay sidii iskaashi buuxa uu u dhexmari lahaa dhinacyadaasi.
Siyaasadda arrimaha dibadda ee Turkiga ayaa sanadihii ugu dambeeyey waxaa ku soo kordhay dardargelinta xiriirka iyo iskaashiga uu Turkigu la wadaago wadamada Afrika oo uu u arko in ay muhiim u yihiin straatiijiyada ahaan wadankiisa,isagoo sameeya mashaariic horumarineed iyo maalgelin sida Soomaaliya.

Previous Post

National Security forum concluded in Mogadishu

Next Post

Guddoomiyaha gobolka Benaadir oo Casho sharaf u sameeyey Madaxda Dawlad Gobolleedyada dalka

Next Post
Guddoomiyaha gobolka Benaadir oo Casho sharaf u sameeyey Madaxda Dawlad Gobolleedyada dalka

Guddoomiyaha gobolka Benaadir oo Casho sharaf u sameeyey Madaxda Dawlad Gobolleedyada dalka

Shirweynaha Madasha Qaran ee Istiraatiijiyadda Xiriirka Warbaahinta oo ka furmay Muqdisho

Shirweynaha Madasha Qaran ee Istiraatiijiyadda Xiriirka Warbaahinta oo ka furmay Muqdisho

September 7, 2026
0

Shirweynaha Madasha Qaran ee Istiraatiijiyadda Xiriirka Warbaahinta 2026 (Strategic Communication Forum) ayaa maanta ka furmay magaalada Muqdisho, waxaana ka qeyb...

Guddoomiyaha SoDMA oo kormeeray Webiga Shabeelle iyo Goobaha fatahaaduhu halis geli karaan

Guddoomiyaha SoDMA oo kormeeray Webiga Shabeelle iyo Goobaha fatahaaduhu halis geli karaan

September 7, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA) Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa kormeer ku sameeyay Webiga Shabeelle iyo goobaha nugul...

Taliyaha Ciidanka Lugta oo kormeer ku tegay buundada magaalada Baardheere ee Gobolka Gedo 

Taliyaha Ciidanka Lugta oo kormeer ku tegay buundada magaalada Baardheere ee Gobolka Gedo 

September 7, 2026
0

Taliyaha Ciidanka Lugta Xoogga Dalka Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar oo howlo shaqo u jooga magaalada Baardheere ee Gobolka...

Ciidanka Kumaandooska Danab oo howlgal qorshaysan ka fuliyay Duleedka Deegaanka Harboole ee dagmada Afmadow

Ciidanka Kumaandooska Danab oo howlgal qorshaysan ka fuliyay Duleedka Deegaanka Harboole ee dagmada Afmadow

September 7, 2026
0

Ciidanka Kumaandooska Danab oo kaashanaya saaxiibada caalamiga ah ayaa howlgal qorshaysan ka fuliyay duleedka deegaanka Harboole ee degmada Afmadow ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In