Monday, December 15, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ciidamada X.D.S oo howlgal ka dhan ah Shabaab ka wada G/Sh/Hoose

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
8 years ago
in Wararka
0
Ciidamada X.D.S oo howlgal ka dhan ah Shabaab ka wada G/Sh/Hoose
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa waxay howlgal lagu sifeynayo Kooxda Nabadiidka ee Al-Shabaab  ka wadaan deegaano iyo degmooyin ka tirsan Gobolka Shabeellaha hoose.

Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Hoose Ibraahim Aadan Najax oo la hadlay Radiyo Muqdisho ayaa sheegay in Ciidamada Xoogga dalka howlgal ka dhan ah Al-Shabaab ka wadaan degmooyinka Sablaale iyo Kurtunwarey oo ka wada tirsan Gobolka Shabeellaha hoose,isagoona sheegay in Ciidamada Dowladda inta howlgalka ay socdeen ku gubeen gaadiid dagaalka oo maleeshiyaadka Al-Shabaab lahaayeen.

Related posts

Golaha Shacabka oo Akhrinta koowaad marsiiyay Hindise-sharciyeedka dhisidda Hay’adaha Adeegga Saadaasha Hawada

Golaha Shacabka oo Akhrinta koowaad marsiiyay Hindise-sharciyeedka dhisidda Hay’adaha Adeegga Saadaasha Hawada

December 15, 2025
Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo Wada-tashi ka Furay Nidaamka Xeer-dajinta Dowladda

Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo Wada-tashi ka Furay Nidaamka Xeer-dajinta Dowladda

December 15, 2025

“ Degmooyin badan ayay hadduu Alle yiraahdo ka howlgalayaan, degmada Sablaale iyo deegaanada hoos yimaada sida Sablaale yare iyo weyn oo xarunta degmada Ku taalo iyo degmada Kurtunwarey oo ay ciidamada ku gadaaman yihiin,howlgalka hadduu soo dhameystirmo inshallah warbixinta oo dhameystiran idin sheegi doonaa,” ayuu yiri Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha hoose Ibraahim Aadan Najax.

Ibraahim Aadan Janax,Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha hoose oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in dhamaan degmooyinka howlgalka ka socdaan sida Sablaale iyo Kurtunwarey laga faramaroojiyay Al-Shabaab,islamarkaana Ciidamada Geesiyaasha Soomaaliya ay Maleeshiyada Al-Shabaab ka gubeen ilaa iyo saddex gaari oo nuuca dagaalka ah.

Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya oo kaashanaya Ciidamada AMISOM,ayaa howlgal lagu ciribtirayo maleeshiyada Al-Shabaab waxay ka bilaabeen Gobolka Shabeellaha Hoose,waxayna ciidamada howlgalkaasi ka gaareen guul la taaban karo.

Previous Post

Madaxweynihii Koonfur Africa Jacob Zuma oo is casilay

Next Post

Doorashada Kursi ka bannaan Golaha Shacabka oo maanta ka dhacaysa Kismaayo

Next Post
Doorashada Kursi ka bannaan Golaha Shacabka oo maanta ka dhacaysa Kismaayo

Doorashada Kursi ka bannaan Golaha Shacabka oo maanta ka dhacaysa Kismaayo

Golaha Shacabka oo Akhrinta koowaad marsiiyay Hindise-sharciyeedka dhisidda Hay’adaha Adeegga Saadaasha Hawada

Golaha Shacabka oo Akhrinta koowaad marsiiyay Hindise-sharciyeedka dhisidda Hay’adaha Adeegga Saadaasha Hawada

December 15, 2025
0

Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa xarunta Golaha Shacabka ku yeeshay kalfadhiga 7-aad, kulankiisa 22-aad. Kulanka waxaa...

Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo Wada-tashi ka Furay Nidaamka Xeer-dajinta Dowladda

Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo Wada-tashi ka Furay Nidaamka Xeer-dajinta Dowladda

December 15, 2025
0

Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Mudane Kamaal Daahir Guutaale, ayaa daahfuray kulan aqoon-is-weydaarsi ah oo ku saabsan hagaajinta...

Duqa Muqdisho oo Dhagax-dhigay Mashaariic Muhiim u ah Dadweynaha Caasimadda

Duqa Muqdisho oo Dhagax-dhigay Mashaariic Muhiim u ah Dadweynaha Caasimadda

December 15, 2025
0

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa maanta hoggaamiyay munaasabadda dhagax-dhigga xarumo muhiim u...

Hay’adda Tirakoobka oo daah furtay warbixintii ugu horreysay ee Soomaaliya ee Tilmaamayaasha Deegaanka

Hay’adda Tirakoobka oo daah furtay warbixintii ugu horreysay ee Soomaaliya ee Tilmaamayaasha Deegaanka

December 15, 2025
0

Hay’adda Qaranka ee Tirakoobka Soomaaliyeed (SNBS), iyada oo kaashanaysa wasaaradaha ay wada-shaqeeyaan iyo bah-wadaagta horumarinta, ayaa si rasmi ah u...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In