Thursday, July 9, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Dhibane xaaladiisa caafimaad dalka wax looga qaban waayay oo codsaday in la caawiyo “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
8 years ago
in Wararka
0
Dhibane xaaladiisa caafimaad dalka wax looga qaban waayay oo codsaday in la caawiyo “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Dhibane Saciid Jeylani Isaaq waa muwaadin Soomaaliyeed oo  ku xanuunsanayay muddo sagaal bilood ah duleedka magaalada Muqdisho, kaasi oo qaba xanuun kaga yimid rasaas kaga dhacday laf dhabarta dambe, waana bareelis oo aan laheyn wax    dhaq dhaqaaq ah da’diisu wiilkan waa labaatan iyo todobo sano jir,  wuxuuna ka soo jeedaa  qoys sabool ah.

Saciid Jeylani Isaaq waxa uu hadda ku xanuunsanaya deegaanka Garasbaaleey ee duleedka magaalada Muqdisho, waana ruux sariir fuul ah oo aan wax dhaq dhaqaaq ah laheyn, kaasi oo sida ay sheegeen eheladiisa dalka gudahiisa aan waxba looga qaban karin xaaladiisa caafimaad.

Related posts

Wasiirka  Dekadaha Oo Uga Mahadceliyay Golaha Wasiirrada Ansixinta Heshiiska Is-afgarad ee Soomaaliya iyo Masar

Wasiirka Dekadaha Oo Uga Mahadceliyay Golaha Wasiirrada Ansixinta Heshiiska Is-afgarad ee Soomaaliya iyo Masar

July 9, 2026
Shaqsiyaadkii kaalinta muuqata ka qaatay xuska Toddobaadka Xorriyadda oo xaflad loo qabta

Shaqsiyaadkii kaalinta muuqata ka qaatay xuska Toddobaadka Xorriyadda oo xaflad loo qabta

July 8, 2026

Jamiilo Shariif Cabdiqaadir oo ah Hooyada dhashay wiilkan ayaa ka codsatay dowladda Soomaaliya iyo bulshada Soomaaliyeed in ay ka caawiyaan sidii ay ugu heli lahaayeen wiilkan adeeg caafimaad oo dibadda ah, maadaama dalka gudahiisa waxba looga qaban karin sida ay sheeegeen qaar ka mid ah dhaqaatiirta, iyagana aysan awoodin in ay u qaadaan wiilkooda caafimaad dibadda ah

“Waxaan ka codsaneynaa dhamaan Umadda Soomaaliyeed in ay naga caawiyaan sidii wiilkan aan ugu heli laheyn adeeg caafimaad oo dibadda ah, runtii waxaan nahay qoys sabool ah ee xaaladeena ilaah unbaa loo sheegaa, marka qof kasta oo nacaawin karo waxaan  ka codsanayaa in uu na caawiyo” ayay tiri Hooyo Jamiilo

Saciid Jeylani Isaaq ayaa ka codsaday bulshada Soomaaliyeed iyo ganacsatada Soomaaliyeed in ay ka caawiyaan sidii uu u heli lahaa  adeeg caafimaad oo dibadda ah

“Waxaan ugu dambeyntii ka codsanayaa Ummadda Soomaaliyeed in ay arrinteyda wax igaga caawiyaan sidii aan u heli lahaa caafimaad dibadda  ah”. ayuu yiri

Previous Post

Cabinet endorses director of Somalia’s Communications Authority

Next Post

Sarkaal kasoo goostay Maleeshiyada Al-Shabaab oo lagu soo bandhigay Baardheere “SAWIRRO”

Next Post
Sarkaal kasoo goostay Maleeshiyada Al-Shabaab oo lagu soo bandhigay Baardheere “SAWIRRO”

Sarkaal kasoo goostay Maleeshiyada Al-Shabaab oo lagu soo bandhigay Baardheere "SAWIRRO"

Wasiirka  Dekadaha Oo Uga Mahadceliyay Golaha Wasiirrada Ansixinta Heshiiska Is-afgarad ee Soomaaliya iyo Masar

Wasiirka Dekadaha Oo Uga Mahadceliyay Golaha Wasiirrada Ansixinta Heshiiska Is-afgarad ee Soomaaliya iyo Masar

July 9, 2026
0

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa ansixiyey Heshiiska Is-afgarad ee Iskaashiga u dhexeeya Wasaaradda Gaadiidka ee Jamhuuriyadda Carabta ee...

Shaqsiyaadkii kaalinta muuqata ka qaatay xuska Toddobaadka Xorriyadda oo xaflad loo qabta

Shaqsiyaadkii kaalinta muuqata ka qaatay xuska Toddobaadka Xorriyadda oo xaflad loo qabta

July 8, 2026
0

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee XFS, Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud, ayaa xaflad abaalmarin iyo maamuus ah u qabtay haldooradii...

IGAD oo Dardargelinaysa Taageerada Ansixinta iyo Dhaqan-gelinta Heshiiska Xorriyadda Isu-socodka Dadka ee Soomaaliya

IGAD oo Dardargelinaysa Taageerada Ansixinta iyo Dhaqan-gelinta Heshiiska Xorriyadda Isu-socodka Dadka ee Soomaaliya

July 8, 2026
0

Urur-goboleedka Iskaashiga Horumarinta Bariga Afrika (IGAD) ayaa Arbacadii sii xoojiyey dadaallada uu ku taageerayo Soomaaliya sidii loo dardargelin lahaa ansixinta...

DAAWO SAWIRRADA: Howlgalkii Ciidanka Ay Kula Wareegeen Kuntuwaareey Iyo Carruur Ay Soo Furteen

Ciidanka Kumaandooska Danab oo howlgal qorsheysan ku dilay horjoogayaal ka tirsan Khawaariijta

July 8, 2026
0

Ciidanka Kumaandooska Danab ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo kaashanaya Ciidamada Ammaanka Jubbaland, ayaa waaberigii maanta howlgal ka dhan ah maleeshiyaadka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In