Waxaa magaalada Khartuum ee Caasimadda Dalka Suudaan lagu soo gabagabeeyay Shirka ay ka qeybgaleen Wasiirada Beeraha Qaarada Afrika iyo madaxda Heyโadda Qaramada Midooway u qaabilsan Cuntada iyo Beeraha ee (FAO).
Shirkaasi oo ahaa kii 30-aad waxaa kaloo xirutaankii ka soo qeyb galay Safiirada Caalamka u fadhiya Suudaan iyo waliba Siihayaha Safaaradda Soomaaliya Axmed Ibraahim Burfuule.,iyadoo mudada shanta cisho ah ee uu socday ย looga hadlayay sida ay beeraha Qaaradda Afrika u gaari lahaayeen horumarka iyo waliba sida loola dagaalami lahaa alami gaajada iyo macluusha.
Shirkaan oo Dowladda Soomaalilya uu u matalaayey Wasiirka Beeraha iyo waraabka ee Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Saciid Xuseen ciid ayaa mar uu la hadlaayey Warbaahinta Qaranka waxa uu sheegay in shirkaasi ย xoogga lagu saaray waxqabadka heyโadda FAO ee dhinaca Soomaaliya iyo dadaalada ku aadan horumarka mustaqbalka dhow oo ah sidii loo dardargelin lahaa ย adeegyada beeraha .
Yuusuf Maxamed Macalin (Yusuf Kashmiir) ,waxaa kale oo uu soo sheegay in ย Wasiirka Beeraha iyo waraabka ย Dowladda Soomaalilya Saciid Xuseen Ciid uu kulamo gaar ah uu la qaatay Gudoomiyaha Heyโadda FAO iyo Wasiirada Beeraha Qaaradda Afrika ee ka soo qeyb galay shirkaasi

















