Saturday, August 16, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiir ku xigeenka Maaliyadda oo Garbahaareey ka furay mashaariic horumarineed+Sawirro

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
February 25, 2018
in Wararka
0
Wasiir ku xigeenka Maaliyadda oo Garbahaareey ka furay mashaariic horumarineed+Sawirro

?

0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiir ku xigeenka wasaaradda Maaliyadda X. f. Soomaaliya C/laahi Sheekh Cali “Qaloocoow”  oo maanta booqasho ku tagay magaalada Garbahaareey ee xarunta gobolka Gedo ayaa halkaasi ka furay mashaariic horumarineed oo kala ahaa dhismaha xarunta maamulka iyo nalalka ku shaqeeya ileyska Cadceedda, oo ay hirgelineyso wasaaradda Maaliyadda.

Munaasabaddi furitaanka mashaariicdaasi waxaa goob joog ka ahaa xildhibaan Sagal C/risaaq Isaaq Biixi, gudoomiyaha gobolka Gedo Maxamed Maxamuud Maxamed, gudoomiyaha degmada Garbahaareey iyo xubo ka socday qeybaha bulshada ku nool halkaasi.

Related posts

Ciidanka NISA oo howlgal ay ka fuliyeen Afgooye kusoo qabtay labo xubnood oo ka tirsan Khawaarijta

Ciidanka NISA oo hawgallo ku dilay horjoogeyaal ka tirsan Khawaarijta

August 16, 2025
Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlagallo amni xaqiijin ah ka sameeyay gobolka Shabeellaha Hoose

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlagallo amni xaqiijin ah ka sameeyay gobolka Shabeellaha Hoose

August 16, 2025

Gudoomiyaha degmada Garbahaareey iyo kan gobolka Gedo ayaa ka warbixiyay baahiyaha ka jira magaaladaasi, iyagoo codsaday in la sii kordhiyo mashaariicda noocan oo kale ah.

Xildhibaan Sagal C/risaaq Isaaq Biixi oo ka mid ah mudanayaasha laga soo doorto Garbahaareey ayaa soo dhaweysay mashaariicda wasaaradda Maaliyaddu ka hirgelineyso magaaladaasi, iyadoo xustay in bulshada ku nool Garbahaareey ay qabaan baahiyo dhinac walba ah.

Wasiir ku xigeenka wasaaradda Maaliyadda C/laahi Sh. Cali “Qaloocoow” ayaa ku ammaanay bulshada ku nool magaaladaasi sida ay ugu weyntahay qiimaha dowladnimada, wuxuuna tilmaamay in mashaariicdan ay hirgelineyso wasaaradda Maaliyadda.

Arrintan ayaa qeyb ka ah qorshaha dowladda F. Soomaaliya ay ku horumarineyso gobolada dalka.

Previous Post

Taliyaha cusub ee Ciidanka Asluubta oo maanta si rasmi ah xilka ula wareegay+Sawirro

Next Post

Kullan lagu mataaneynayay Kooxo ka kala dhisan Soomaaliya iyo Turkiga oo Muqdisho ka dhacay

Next Post
Kullan lagu mataaneynayay Kooxo ka kala dhisan Soomaaliya iyo Turkiga oo Muqdisho ka dhacay

Kullan lagu mataaneynayay Kooxo ka kala dhisan Soomaaliya iyo Turkiga oo Muqdisho ka dhacay

Ciidanka NISA oo howlgal ay ka fuliyeen Afgooye kusoo qabtay labo xubnood oo ka tirsan Khawaarijta

Ciidanka NISA oo hawgallo ku dilay horjoogeyaal ka tirsan Khawaarijta

August 16, 2025
0

Radio Muqdisho: Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) oo kaashanaya saaxiibada caalamka ayaa saddexdii maalmood ee lasoo dhaafay howlgallo...

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlagallo amni xaqiijin ah ka sameeyay gobolka Shabeellaha Hoose

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlagallo amni xaqiijin ah ka sameeyay gobolka Shabeellaha Hoose

August 16, 2025
0

RADIO MUQDISHO: Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed gaar ahaan Guutada 19-aad ee Kumaandoosta Gorgor, ayaa howlgallo qorshaysan oo lagu xaqiijinayo amniga,...

DFS oo dhaqangelisay Nidaamka Casiriga ee Dad-dhigista iyo Tirakoobka Xaaladaha Madaniga ah ee (CRVS)

Warbixinta Toddobaadlaha Ee Dowladda Federaalka Soomaaliya

August 16, 2025
0

RADIO MUQDISHO: 1-Madaxweyne Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa iska diiwaan geliyay mid ka mid ah goobaha codbixiyeyaasha doorashada ee Degmada...

Madasha Somali Leadership Awards oo abaalmarinta sanadka guddoonsiisay Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA

Madasha Somali Leadership Awards oo abaalmarinta sanadka guddoonsiisay Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA

August 15, 2025
0

Madasha Somali Leadership Awards ayaa sanadkan 2025 abaalmarinta hoggaamiyaha ugu wanaagsan ee adeegga bulshada guddoonsiisay Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In