Friday, September 4, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Beeraha iyo wafdi uu hogaaminayo oo booqday beeraha Afgooye “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
9 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Beeraha iyo wafdi uu hogaaminayo oo booqday beeraha Afgooye “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Beeraha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Siciid Xuseen Ciid iyo wafdi uu hogaaminayo oo ka soday Wasaaradda Beeraha ee Dalka Masar ayaa booqday dhul beereed ku yaala Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeelada Hoose.

Ujeeddada kormeerka ay wafdigan uu ku tagay Xarunta ugu wayn ee dalka ee tijaabada dalagyada  Beeraha oo ay leedahay Dowladda Soomaaliya ayaa qeyb ka ah qiimeynta qorshayaal lagu hirgelinayo heshiis iskaashi oo dhanka Beeraha ah oo u dhexeeya Soomaaliya iyo Masar.

Related posts

Hay’adda SoDMA oo deeq raashin ah u qeybisay qoysas ku dhaqan Gobolka Bari

Hay’adda SoDMA oo deeq raashin ah u qeybisay qoysas ku dhaqan Gobolka Bari

September 3, 2026
Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka oo kulan wada-tashi ah la yeeshay Ururrada Siyaasadda

Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka oo kulan wada-tashi ah la yeeshay Ururrada Siyaasadda

September 3, 2026

Qunsulka Guud ee Safaaradda Masar ee Soomaaliya  Tamer Safwat El_Mahdy oo qeyb ka ahaa mas’uuliyiinta maanta booqatay Degmada Afgooye  ayaa sheegay in  Dowladaha Soomaaliya iyo Masar ay ka wada shaqeyn doonaan hirgelinta heshiiskii horumarinta Beeraha Soomaaliya iyo Masar ay kol hore wada gaareen, wuxuuna bogaadiyay dadaalada  wax soo saarka ee dhinac Beeraha  Dalka.

Wasiirka Beeraha iyo Waraabka ee  Xukuumadda Federaalka ah Soomaaliya Mudane Saciid Xuseen Ciid ayaa sheegay in Wasaaradda ay ka go’an tahay horumarinta beeraha iyo yareenta cunta yarida, iyadoo ay la kaashanayso saaxbiibadeeda caalamka ah, waxaana uu xusay Wasiirku in tan ay waxbadan ka tari doonto dhibaatooyinka cunto yerida Dalka soo wajahda.

Beertan tijaabada dalagyada Beeraha oo ay gacanta ku heyso Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Soomaaliya ayaa hada waxaa ku beeran dalagyo ay ka mid yahiin Mooska, Qaraha, Liintaa iyo kuwa kale.

Previous Post

Dowladaha Soomaaliya iyo Suudaan oo kala saxiixday heshiis iskaashi “SAWIRRO”

Next Post

Maleeshiyaad Shabaab ah oo lagu dilay dagaalkii ka dhacay Balcad

Next Post
Guddoomiyaha Degmada Balcad oo la kulmay Odayaasha Beelo Dagaallamay

Maleeshiyaad Shabaab ah oo lagu dilay dagaalkii ka dhacay Balcad

Hay’adda SoDMA oo deeq raashin ah u qeybisay qoysas ku dhaqan Gobolka Bari

Hay’adda SoDMA oo deeq raashin ah u qeybisay qoysas ku dhaqan Gobolka Bari

September 3, 2026
0

Hey’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA) ayaa gaarsiisay deeq gargaar raashin ah kumannaan qoys oo nugul oo ku nool deegaanno...

Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka oo kulan wada-tashi ah la yeeshay Ururrada Siyaasadda

Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka oo kulan wada-tashi ah la yeeshay Ururrada Siyaasadda

September 3, 2026
0

Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha (GMDQS) ayaa maanta kulan wada-tashi ah la yeeshay Ururrada Siyaasadda, kaas oo diiradda...

Soomaaliya iyo Qadar oo kala Saxiixday heshiis Iskaashi

Soomaaliya iyo Qadar oo kala Saxiixday heshiis Iskaashi

September 2, 2026
0

Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Soomaaliya iyo Jaamacadda Doha ee Sayniska iyo Tiknoolajiyada (UDST) ayaa magaalada Doxa ku...

Shaqaalaha Duulista Kenya oo soo afjaray shaqo-joojin laba maalmood socotay

Shaqaalaha Duulista Kenya oo soo afjaray shaqo-joojin laba maalmood socotay

September 2, 2026
0

Shaqaalaha duulista Kenya ayaa Talaadadii soo afjaray shaqo-joojintii laba maalmood socotay, kaddib markii ay heshiis la gaareen dowladda iyo hay’adaha...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In