Wasiirka Beeraha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Siciid Xuseen Ciid iyo wafdi uu hogaaminayo oo ka soday Wasaaradda Beeraha ee Dalka Masar ayaa booqday dhul beereed ku yaala Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeelada Hoose.
Ujeeddada kormeerka ay wafdigan uu ku tagay Xarunta ugu wayn ee dalka ee tijaabada dalagyadaย Beeraha oo ay leedahay Dowladda Soomaaliya ayaa qeyb ka ah qiimeynta qorshayaal lagu hirgelinayo heshiis iskaashi oo dhanka Beeraha ah oo u dhexeeya Soomaaliya iyo Masar.
Qunsulka Guud ee Safaaradda Masar ee Soomaaliyaย Tamer Safwat El_Mahdy oo qeyb ka ahaa masโuuliyiinta maanta booqatay Degmada Afgooyeย ayaa sheegay inย Dowladaha Soomaaliya iyo Masar ay ka wada shaqeyn doonaan hirgelinta heshiiskii horumarinta Beeraha Soomaaliya iyo Masar ay kol hore wada gaareen, wuxuuna bogaadiyay dadaaladaย wax soo saarka ee dhinac Beerahaย Dalka.
Wasiirka Beeraha iyo Waraabka eeย Xukuumadda Federaalka ah Soomaaliya Mudane Saciid Xuseen Ciid ayaa sheegay in Wasaaradda ay ka go’an tahay horumarinta beeraha iyo yareenta cunta yarida, iyadoo ay la kaashanayso saaxbiibadeeda caalamka ah, waxaana uu xusay Wasiirku in tan ay waxbadan ka tari doonto dhibaatooyinka cunto yerida Dalka soo wajahda.
Beertan tijaabada dalagyada Beeraha oo ay gacanta ku heyso Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Soomaaliya ayaa hada waxaa ku beeran dalagyo ay ka mid yahiin Mooska, Qaraha, Liintaa iyo kuwa kale.





















