Monday, June 1, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Gaadiidka oo soo saaray amaro ku saabsan hanaanka duulimaadyada “Akhriso+sawirro”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
8 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Gaadiidka oo soo saaray amaro ku saabsan hanaanka duulimaadyada “Akhriso+sawirro”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Kulan uu xarunta Hey’adda Duulista iyo Saadaasha Hawada ee Soomaaliya kula qaatay Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Soomaaliya, Madaxda Shirkadaha Diyaaradaha ayuu ugu gudbiyay amaro oo ay ay Wasaaradu uga jawaabayso cabashooyinka dadweynaha Soomaaliyeed ee raaca diyaaradaha dalka ka howlgala.

Mudane Maxamed Cabdulaahi Salaad (Oomaar) Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Soomaaliya oo qodobayeey Go’aanada ka soo baxay Wasaaradda ayaa sheegay inaanay aqbaleyn in lagu tunto xaquuqda Rakaabka.

Related posts

Shirweynaha barnaamijka maalgashiga Biyaha Soomaaliya ee 2026–2030 oo lagu qabtay Muqdisho

Shirweynaha barnaamijka maalgashiga Biyaha Soomaaliya ee 2026–2030 oo lagu qabtay Muqdisho

June 1, 2026
Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo ka qayb galay furitaanka Shirka Wasiirrada Kuuriya iyo Afrika

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo ka qayb galay furitaanka Shirka Wasiirrada Kuuriya iyo Afrika

June 1, 2026

“Si aan uga jawaabno cabashooyinka ka imaanaya dadweynaha Soomaaliyeed ee isticmaala diyaaradaha duulimaadka ka sameeya gudaha dalka iyo dibadiisa una ilaalino xaquuqdooda waxaan soo saarnay amaradan” ayuu yiri Wasiirka.

1 Rakaabka Diyaaradaha waddanka gudihiisa ama dibadiisa aadayo Garoonka waa inay soo galaan saddax saac ka hor inta aanay diyaarada kicin.

2 Rakaabka lama soo galin karo garoonka mudda ka badan saddex saacadood inta aanay diyaarada kicin .

3 Diyaarad rakaabkii sugayay oo garoonka joogo lagama kireyn karo qolo kale, iyada oo laga tagayo rakaabkii diyaarada oo ku sugan gudaha garoonka.

4 Dhammaan diyaaradaha waxaa la faraya inay soo gudbiyaan jadwalkooda duulimaadyada ee billa ah.

Wasiir Oomaar ayaa intaa ku daray in la ganaaxi doono shirkadii ka xadgudubto Go’aanada Wasaarada ee lagu ilaalinay xaquuqda dadweynaha.

“Cidii jabisaa amarada aan soo saarnay marka koowaad waxa ay mutaysan doontaa ganaax laba kun oo doolar ah, marka labaad shirkadii jabisaa waxay mutaysan doontaa Ganaax 2 kun oo doolar iyo 7 maalin oo shaqa ka joojin ah, marka sadaxaad cidii jabisaa amarkaana waxaan ku ganaaxi doonaa laba kun oo doolar iyo inaan kala noqono ruqsada shaqo oo ay duulimaad uga sameyn karaan dalka’’ ayuu yiri Wasiirka Gaadiidka.

Ku-xigeenka Mareeyaha Hey’adda Duulista iyo Saadaasha Hawada ee Soomaaliya Axmed Macalin xasan ayaa tilmaamay inay dowladdu ka go’an tahay ilaalinta xaquuqda Rakaabka.

Guddoomiyaha Ururka ay ku midaysan yihiin shirkadaha diyaaradaha Xasan Xaashi Muxamad ayaa ka hadlay kulanka iyo go’aanka Wasaaradda.

“Kulankaan oo isku keen yeeray Wasiirka waxbadan ayaan isla meel dhignay oo aan ka doodnay oo ay ka mid aheyd caqabadaha ku yimaada duulimaadyada iyo in si sax ah aan uga wada hadalno’’ ayuu Yiri Xasan Xaashi

Amaradaan ayaa la rumeysan yahay inay xal u yihiin caqadihii Rakaabka diyaaradaha ka haystay waqtiga uga lumo sugista duulimaadyada diyaaradaha ee Garoomada oo marar ka qaar saacada badan ka qaata.

Halkan ka akhriso

[pdf-embedder url=”http://www.radiomuqdisho.so/wp-content/uploads/2018/03/Wasaaradda-Gaadiidka.pdf” title=”Wasaaradda Gaadiidka”]
 

Previous Post

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo Daah Furay Mashruuc Dib loogu dhisayo magaalada Muqdisho “SAWIRRO”

Next Post

Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulada Koonfurgalbeed iyo Hirshabeelle oo qarax ku dhintay

Next Post
Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulada Koonfurgalbeed iyo Hirshabeelle oo qarax ku dhintay

Mas'uuliyiin ka tirsan Maamulada Koonfurgalbeed iyo Hirshabeelle oo qarax ku dhintay

Shirweynaha barnaamijka maalgashiga Biyaha Soomaaliya ee 2026–2030 oo lagu qabtay Muqdisho

Shirweynaha barnaamijka maalgashiga Biyaha Soomaaliya ee 2026–2030 oo lagu qabtay Muqdisho

June 1, 2026
0

Sanduuqa Qaranka ee Maalgelinta Cimilada (National Climate Fund – NCF) oo kaashanaya Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha (MoEWR), isla markaana...

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo ka qayb galay furitaanka Shirka Wasiirrada Kuuriya iyo Afrika

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo ka qayb galay furitaanka Shirka Wasiirrada Kuuriya iyo Afrika

June 1, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdisalam Cabdi Cali, ayaa maanta ka qayb...

Kala guurka Togan: Waa Faallo uu qoray Wasiir Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala

Kala guurka Togan: Waa Faallo uu qoray Wasiir Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala

May 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Dhaarinta Xildhibaanada Koofur-Galbeed: Riyadii hadda waa run. Shalay, Magaalada Baydhabo waxaa lagu dhaariyay Xildhibaanada cusub ee Baarlamaanka Dawlad-goboleedka Koofur...

Jadwalka imtixaanka shahaadiga ah ee fasalka 8aad ee sanad dugsiyeedka 2025/2026 oo la shaaciyay

Jadwalka imtixaanka shahaadiga ah ee fasalka 8aad ee sanad dugsiyeedka 2025/2026 oo la shaaciyay

May 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO:- Agaasinka Waxbarashada Gobolka Banaadir ayaa si rasmi ah u shaaciyay jadwalka Imtixaanka Shahaadiga ah ee Fasalka 8-aad ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In