Tuesday, December 16, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Gaadiidka oo soo saaray amaro ku saabsan hanaanka duulimaadyada “Akhriso+sawirro”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
8 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Gaadiidka oo soo saaray amaro ku saabsan hanaanka duulimaadyada “Akhriso+sawirro”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Kulan uu xarunta Heyโ€™adda Duulista iyo Saadaasha Hawada ee Soomaaliya kula qaatay Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Soomaaliya, Madaxda Shirkadaha Diyaaradaha ayuu ugu gudbiyay amaro oo ay ay Wasaaradu uga jawaabayso cabashooyinka dadweynaha Soomaaliyeed ee raaca diyaaradaha dalka ka howlgala.

Mudane Maxamed Cabdulaahi Salaad (Oomaar) Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Soomaaliya oo qodobayeey Goโ€™aanada ka soo baxay Wasaaradda ayaa sheegay inaanay aqbaleyn in lagu tunto xaquuqda Rakaabka.

Related posts

Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo Tababar u furay Saxafiyiinta Ka Shaqeyn Doona Habdhaqanka Warbaahinta Xiliga Doorashada

Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo Tababar u furay Saxafiyiinta Ka Shaqeyn Doona Habdhaqanka Warbaahinta Xiliga Doorashada

December 16, 2025
๐‘๐šโ€™๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐—๐š๐ฆ๐ฌ๐š ๐‚๐š๐›๐๐ข ๐๐š๐ซ๐ซ๐ž ๐จ๐จ ๐ค๐š ๐ช๐ž๐ฒ๐› ๐ ๐š๐ฅ๐š๐ฒ ๐—๐ฎ๐ฌ๐ค๐š ๐Ÿ”๐Ÿ“-๐†๐ฎ๐ฎ๐ซ๐š๐๐š ๐—๐ข๐ซ๐ข๐ข๐ซ๐ค๐š ๐ƒ๐ข๐›๐ฅ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฌ๐ข๐ฒ๐š๐๐ž๐ž๐ ๐ž๐ž ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐’๐ก๐ข๐ข๐ง๐š๐ก๐š

“Si aan uga jawaabno cabashooyinka ka imaanaya dadweynaha Soomaaliyeed ee isticmaala diyaaradaha duulimaadka ka sameeya gudaha dalka iyo dibadiisa una ilaalino xaquuqdooda waxaan soo saarnay amaradan” ayuu yiri Wasiirka.

1 Rakaabka Diyaaradaha waddanka gudihiisa ama dibadiisa aadayo Garoonka waa inay soo galaan saddax saac ka hor inta aanay diyaarada kicin.

2 Rakaabka lama soo galin karo garoonka mudda ka badan saddex saacadood inta aanay diyaarada kicin .

3 Diyaarad rakaabkii sugayay oo garoonka joogo lagama kireyn karo qolo kale, iyada oo laga tagayo rakaabkii diyaarada oo ku sugan gudaha garoonka.

4 Dhammaan diyaaradaha waxaa la faraya inay soo gudbiyaan jadwalkooda duulimaadyada ee billa ah.

Wasiir Oomaar ayaa intaa ku daray in la ganaaxi doono shirkadii ka xadgudubto Goโ€™aanada Wasaarada ee lagu ilaalinay xaquuqda dadweynaha.

“Cidii jabisaa amarada aan soo saarnay marka koowaad waxa ay mutaysan doontaa ganaax laba kun oo doolar ah, marka labaad shirkadii jabisaa waxay mutaysan doontaa Ganaax 2 kun oo doolar iyo 7 maalin oo shaqa ka joojin ah, marka sadaxaad cidii jabisaa amarkaana waxaan ku ganaaxi doonaa laba kun oo doolar iyo inaan kala noqono ruqsada shaqo oo ay duulimaad uga sameyn karaan dalkaโ€™โ€™ ayuu yiri Wasiirka Gaadiidka.

Ku-xigeenka Mareeyaha Heyโ€™adda Duulista iyo Saadaasha Hawada ee Soomaaliya Axmed Macalin xasan ayaa tilmaamay inay dowladdu ka goโ€™an tahay ilaalinta xaquuqda Rakaabka.

Guddoomiyaha Ururka ay ku midaysan yihiin shirkadaha diyaaradaha Xasan Xaashi Muxamad ayaa ka hadlay kulanka iyo goโ€™aanka Wasaaradda.

“Kulankaan oo isku keen yeeray Wasiirka waxbadan ayaan isla meel dhignay oo aan ka doodnay oo ay ka mid aheyd caqabadaha ku yimaada duulimaadyada iyo in si sax ah aan uga wada hadalnoโ€™โ€™ ayuu Yiri Xasan Xaashi

Amaradaan ayaa la rumeysan yahay inay xal u yihiin caqadihii Rakaabka diyaaradaha ka haystay waqtiga uga lumo sugista duulimaadyada diyaaradaha ee Garoomada oo marar ka qaar saacada badan ka qaata.

Halkan ka akhriso

[pdf-embedder url=”http://www.radiomuqdisho.so/wp-content/uploads/2018/03/Wasaaradda-Gaadiidka.pdf” title=”Wasaaradda Gaadiidka”]
 
Previous Post

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo Daah Furay Mashruuc Dib loogu dhisayo magaalada Muqdisho “SAWIRRO”

Next Post

Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulada Koonfurgalbeed iyo Hirshabeelle oo qarax ku dhintay

Next Post
Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulada Koonfurgalbeed iyo Hirshabeelle oo qarax ku dhintay

Mas'uuliyiin ka tirsan Maamulada Koonfurgalbeed iyo Hirshabeelle oo qarax ku dhintay

Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo Tababar u furay Saxafiyiinta Ka Shaqeyn Doona Habdhaqanka Warbaahinta Xiliga Doorashada

Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo Tababar u furay Saxafiyiinta Ka Shaqeyn Doona Habdhaqanka Warbaahinta Xiliga Doorashada

December 16, 2025
0

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka iyo Soohdimaha Qaranka, Mudane Cabdikariin Axmed Xasan, ayaa magaalada Muqdisho maanta tababar uga furay ku dhowaad 90...

๐‘๐šโ€™๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐—๐š๐ฆ๐ฌ๐š ๐‚๐š๐›๐๐ข ๐๐š๐ซ๐ซ๐ž ๐จ๐จ ๐ค๐š ๐ช๐ž๐ฒ๐› ๐ ๐š๐ฅ๐š๐ฒ ๐—๐ฎ๐ฌ๐ค๐š ๐Ÿ”๐Ÿ“-๐†๐ฎ๐ฎ๐ซ๐š๐๐š ๐—๐ข๐ซ๐ข๐ข๐ซ๐ค๐š ๐ƒ๐ข๐›๐ฅ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฌ๐ข๐ฒ๐š๐๐ž๐ž๐ ๐ž๐ž ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐’๐ก๐ข๐ข๐ง๐š๐ก๐š

๐‘๐šโ€™๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐—๐š๐ฆ๐ฌ๐š ๐‚๐š๐›๐๐ข ๐๐š๐ซ๐ซ๐ž ๐จ๐จ ๐ค๐š ๐ช๐ž๐ฒ๐› ๐ ๐š๐ฅ๐š๐ฒ ๐—๐ฎ๐ฌ๐ค๐š ๐Ÿ”๐Ÿ“-๐†๐ฎ๐ฎ๐ซ๐š๐๐š ๐—๐ข๐ซ๐ข๐ข๐ซ๐ค๐š ๐ƒ๐ข๐›๐ฅ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฌ๐ข๐ฒ๐š๐๐ž๐ž๐ ๐ž๐ž ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐’๐ก๐ข๐ข๐ง๐š๐ก๐š

December 16, 2025
0

Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta ka qeyb galay munaasabadda xuska 65-guurada xiriirka diblomaasiyadeed...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo qaabilay Wasiirka Ganacsiga Dibadda ee Sweden

Madaxweyne Xasan Sheekh oo qaabilay Wasiirka Ganacsiga Dibadda ee Sweden

December 16, 2025
0

Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay Wasiirka Horumarinta Iskaashiga Caalamiga iyo Ganacsiga...

Guddiga Dib-u-eegista Dastuurka oo Kulan Latashi la yeeshay Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFSโ€

Guddiga Dib-u-eegista Dastuurka oo Kulan Latashi la yeeshay Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFSโ€

December 16, 2025
0

Guddiga Madaxa banaan ee Dib- u- eegista Dastuurka ayaa Kulan Latashi hordhac ah oo ku saabsan Cutubka Maaliyadda oo la...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In