Shir ay maanta ku yeesheen magaalada Muqdisho Wasiirada Maaliyadda Dowladda Soomaaliya iyo kuwa Dowlad Goboleedyada ayaa ย kaga hadlay dar-dargelinta arrimaha hanaanka qaadista canshuuraha Dalka iyo sidii loo midayn lahaa,iyagoo maanta si gaar ah uga wada hadlay kana heshiiyay mideynta casnhuuraha Gadista.
Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane C/raxmaan Ducaale Beyle oo warbaahinta la hadlay kulanka kadib ayaa faah faahiyay goโaanadii ka soo baxay shirkooda.
โAjandaha maanta waxaa uu ahaa in aan isla garanno wixii inooga hirgalay heshiisyadii hore,gaar ahaan waxaan aad uga wada hadalnay canshuuraha iyo Maliyadda Dalka oo masโuuliyadeyna ah, hanoqoto Gobolka Banaadir ama Gobolada kale ee xubinta ka ah Federaalka,waxaa kale oo maanta aan isla garannay sidii loo midayn lahaa canshuuraha ย qaarkood gaar ahaan canshuuraha gadista,waxaa kaloo aan isla-garanay in khayraadka iyo qeybtooda iyo sidii loogu talagalay aan ku heshiinay ย anaguna raacsanahay,,Dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir sidii la isugu keeni lahaa mustaqbalka ayaan ka wada hadalnay iyo in Baarlamaanka aan hor geyno sharciga canshuuraha dalka oo midaysanโ.Ayuu yiri Wasiir Beyle.
Shirkani ayaa daba socda shirar ka horeeyey oo ku saabsan mideynta hanaanka qaadista canshuuraha noocyadoodi kala duwan ee Dalka,kaasi oo ay hormuud ka tahay Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya.