Wasaaradda Caafimaadka Maamulka koonfur galbeed Soomaaliya ayaa Maanta tababar Caafimaad u furtay qaar ka mid ah Haweenka ka shaqeeya xaruumaha hooyada iyo dhalaanka ee ku yaala degmada Xudur ee xaruunta Gobolka Bakool iyo tuulooyinka hoos yimaada.
Munaasabadaan tababarka ku saabsan faayo dhawrka Caafimaadka iyo aqoon korarsiga ee Maanta loo furay Haweenka ka howlgala xaruumaha Caafimaadka ee degmada Xudur ayaa waxaa ka qeyb galay mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda Caafimaadka Maamulka koonfur galbeed Soomaaliya,Maamulka degmada Xudur iyo aqoonyahano kale.
Iskuduwaha Wasaaradda Caafimaadka Maamulka koonfur galbeed Soomaaliya gaar ahaan Gobolka Bakool Mustaf maxamed Axmed oo la hadlay Radio Muqdisho Codka Jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa faah faahin ka bixiyay aqoon korarsiyaan ku saabsan faayo dhawrka Caafimaadka iyo ka war qabida hooyada iyo dhalaanka.
Gobolka Bakool ayaa ka mid ah deegaanada ay ka jirto baahiyada dhanka Caafimaadka ah inkastoo Dowladda Fderaalka Soomaaliya iyo Maamulada qeybta ka ay wadaan qorshayaal lagu hirgalinaayo xaruumaha Caafimaad ee loogu adeego bulshada Soomaaliya.
Halkaan hoose ka dhageyso Codka: