Friday, January 30, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ciidamada Kenya oo fashiliyay weerar ay maleegayeen Al-Shabaab

caqiil by caqiil
8 years ago
in Wararka
0
Ciidamada Kenya oo fashiliyay weerar ay maleegayeen Al-Shabaab
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ciidanka Boliiska Dalka Kenya ayaa Gacanta ku dhigay Hub ,walxaha qarxa iyo qaar ka mid ah Raggii watay oo la sheegay inay ka tirsan yihiin Ururka Al-Shabaab.

Taliyaha ciidanka Booliska kenya Joseph Boinne ayaa sheegay inay qalabkani kusoo qabteen howl-gallo ballaaran oo ka dhacay Hoteel ku yaalla Magaalada Nairobi iyo degaanka Merti oo ka tirsan Gobolka Isiolo, isagoo sheegay in Gaadhiga waday uu ahaa mid diiwaan gashan.

Related posts

Soomaaliya oo ka Qeyb Galeysa Shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka Carabta iyo Hindiya

Soomaaliya oo ka Qeyb Galeysa Shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka Carabta iyo Hindiya

January 30, 2026
wafdi ka socda Dowladda Soomaaliya oo shir kaga qayb galay dalka Talyaaniga

wafdi ka socda Dowladda Soomaaliya oo shir kaga qayb galay dalka Talyaaniga

January 30, 2026

Ciidanka Booliska Kenya ayaa sidoo kale gacanta ku dhigay Aaladaha laga sameeya walxaha qarxa,Shan Qoryaha AK 47 ah, 1,099 Rasaas ah ,36 Qasnadood oo buuxa iyo qalab kale.

Joseph Boinne ayaa xusay in Hubka ay soo qabteen ay ku jiraan 80-Kg oo ah maadada qaraxda ee TNT loo yaqaano taasoo uu tilmaamay haddii qarax loo adeegsan lahaa ay galaafan lahayd nolosha Boqolaal shacab ah, sidoo kalena ay bur burin laheyd dhismayaal badan.

Ciidamada Boliiska ayaa xabsiga dhigay ,Cabdi majiid Aadan, oo 24 jir ah, iyo Maxamed Nane , markii lala xiriiriyay inay ka dambeeyeen weerarkan fashilmay, waxanay howl wadeennada Hoteelka ay jiifeen oo kasoo horjeeda Saldhigga Booliska Nairobi u sheegeen laamaha ammaanka inay raggani dhawaan u safreen degaanka uu howl-galku ka dhacay ee Merti oo ka tirsan Isiolo.

Isha/ Daily Nation

Previous Post

Dhageyso: Wasaaradda Caafimaadka KGS oo tababar u furtay Haweenka ka shaqeeya xaruumaha Hooyada iyo dhalaanka Xudur

Next Post

Gabar Soomaaliyeed oo loo magacaabay la taliyaha xoghayaha guud ee QM

Next Post
Gabar Soomaaliyeed oo loo magacaabay la taliyaha xoghayaha guud ee QM

Gabar Soomaaliyeed oo loo magacaabay la taliyaha xoghayaha guud ee QM

Soomaaliya oo ka Qeyb Galeysa Shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka Carabta iyo Hindiya

Soomaaliya oo ka Qeyb Galeysa Shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka Carabta iyo Hindiya

January 30, 2026
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, ayaa maanta gaaray New Delhi,...

wafdi ka socda Dowladda Soomaaliya oo shir kaga qayb galay dalka Talyaaniga

wafdi ka socda Dowladda Soomaaliya oo shir kaga qayb galay dalka Talyaaniga

January 30, 2026
0

Wafdi heer sare ah oo ka socda Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ka qeyb galay shir caalami ah oo lagu...

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada oo kulan la yeeshay Ururrada Siyaasadda

Guddiga Xukuumadda iyo Ururrada Siyaasadda oo War-saxaafadeed soo saaray

January 29, 2026
0

Guddiga Xukuumadda iyo Ururrada Siyaasadda ee ka qeyb qaatay doorashada goleyaasha deegaanka ee Qof iyo Cod ayaa kulankooda maanta ka...

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada oo kulan la yeeshay Ururrada Siyaasadda

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada oo kulan la yeeshay Ururrada Siyaasadda

January 29, 2026
0

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada ayaa maanta oo taariikhdu tahay Jannaayo 29, 2026 wadatashi layeeshay ururrada siyaasadda. Kulankan...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In