Tuesday, September 29, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Shir looga hadlayay ka hortagga abaaraha soo noq noqday oo lagu soo gabo gabeeyay Garoowe “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
9 years ago
in Wararka
0
Shir looga hadlayay ka hortagga abaaraha soo noq noqday oo lagu soo gabo gabeeyay Garoowe “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Shirkii wada tashi qorshaha loogu sameenayay soo kabashada u adkeysiga  Abaaraha  Soomaaliya ayaa maanta  lagu soo gaba gabeebayay magaalada Garowe ee Xarunta Gobolka Nugaal, isla markaana xarun u ah dowlad goboleedka Puntland, waxaana mudada shirka uu socday diiradda la saaray qodabo  badan oo ay ka mid  yahiin soo nooleynta  ilaha dhaqaalaha, wax soo saarka iyo qodabo kale.

Munaasabada xirtaanka shirka waxaa goobjoog ka ahaa qaar ka mid Wasiirada Puntland, Agaasimaha Guud ee  Wasaaradda qorsheynta iyo Agaasimiyaasha  guud  ee dowladdaha xubnaha ka ah dowladda Federaalka iyo madax kale.

Related posts

Munaasabad lagu abaal marinayey dad bulshadooda si hufan ugu adeegay oo lagu qabtay Canada

Munaasabad lagu abaal marinayey dad bulshadooda si hufan ugu adeegay oo lagu qabtay Canada

September 28, 2026
𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐭𝐚𝐛𝐚𝐛𝐚𝐫 𝐮𝐬𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐫𝐞𝐲 𝐃𝐮𝐟𝐜𝐚𝐝𝐝𝐢𝐢 𝟏𝟐-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐂𝐢𝐢𝐝𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐊𝐮𝐦𝐚𝐚𝐧𝐝𝐨𝐨𝐬𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐚𝐛 

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐭𝐚𝐛𝐚𝐛𝐚𝐫 𝐮𝐬𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐫𝐞𝐲 𝐃𝐮𝐟𝐜𝐚𝐝𝐝𝐢𝐢 𝟏𝟐-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐂𝐢𝐢𝐝𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐊𝐮𝐦𝐚𝐚𝐧𝐝𝐨𝐨𝐬𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐚𝐛 

September 28, 2026

Agaaasimaaha guud ee Wasaradda qorsheynta Jubbaland Cabdiwaaxid Maxamed Dhaqane ayaa sheegay in maamulada ay soo dhaweenayaan wax ka qabashada abaaraha soo noq noqday ee dalka.

‘Hadii aan  nahay dowladdaha xubnaha ka ah dowladda dhaxe waxaan bogaadinayaa horumarka dowlad Gobaleedka Puntland, arinta hadii aan gudo galo waxaa  inoo muuuqda in la soo qaaday talaabooyin waa wayn ee wax looga qabanayo abaarahan” ayuu yiri Cabdiwaaxid.

Cabdulqaadir Maxamed Aadan Agaasimaha Guud ee Qorsheynta Dowladda Federaalka ayaa waxuu xusay in maanta  ay muhiiim tahay in intaan Soomaali ah ay qorsheeyaan sidii  soo kabasho  u adkeysi abaaraha  Soomaaliya ugu sameyn  lahaayeen.

“Muhiimadda shirkan la isku raacay waxaa ay yahiin qodabo dhowr ah oo ay ka mid yahiin  soo nooleynta ilaha dhaqaalaha wax soo saarka, dadka halkan jooga wax ay sameyn karaan  qorshaha Qaranka Soomaaliyeed waa muraayada Qaranka  heer Federaal iyo mid  dowladd Gobaleed marka waxaan sameynay afarta cisho ee aan halka joognay shaqooyin  badan oo wax looga qabanayo abaarahan soo noq noqday, iyadoo la iska qaadanayo warbixintii ka soo baxday qiimeyntii ku saabsaneeyd isla qaadayashada  abaaraha soo noqday ee DINA.130 taalabo oo waa wayn ah ayaa wax looga qabanayaa soo kabahsada abaaraha, waxaana la eegayaa mudnaanta maamul walbo uu leeyahay” ayuu yiri Agaasime Maxamed Aadan.

Wasiirka Qorsheynta dowlad Gobaleedka Puntland Shire Xaaji Faarax ayaa sheegay in maanta meel wanaagsan Qaranka Soomaaliyeed uu jooga oo ka hadlayo wax keenay abaaraha soo noq noqday.

“Waxaa muhiiim ah in aan ogaano waxa soo cel celiyay abaaraha aan dursano haddii si wadajir ah howshan u qabaneyno waa muhiim si uu Qarankeena u gaaro horumar iyo barwaaqo” ayuu yri Shire.

Wasaaradda Qorsheynta iyo kuwa dowladd gobaleedyada waxaa ay wadaan dadaalo ku aadan sidii dalka loogu sameyn lahaa qorshe wax looga qabanayo abaaraha soo laab laabtay.

Head Office Media Minister of Plan

Abdirahsiid Nuur Ibraahiim

Previous Post

Wasiirka Kalluumaysiga oo Ankara kula kulmay Wasiirka dhaqaalaha ee Dalka Turkiga “SAWIRRO”

Next Post

The mayor of Mogadishu opened the self-reliance program for helping the IDP’s

Next Post
The mayor of Mogadishu opened the self-reliance program for helping the IDP’s

The mayor of Mogadishu opened the self-reliance program for helping the IDP’s

Munaasabad lagu abaal marinayey dad bulshadooda si hufan ugu adeegay oo lagu qabtay Canada

Munaasabad lagu abaal marinayey dad bulshadooda si hufan ugu adeegay oo lagu qabtay Canada

September 28, 2026
0

Magaalada Edmonton gobolka Alberta ee dalka Canada ayaa waxaa lagu qabtay munaasabad aad u ballaaran oo ay kasoo qeybgaleen Aqoonyahanno...

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐭𝐚𝐛𝐚𝐛𝐚𝐫 𝐮𝐬𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐫𝐞𝐲 𝐃𝐮𝐟𝐜𝐚𝐝𝐝𝐢𝐢 𝟏𝟐-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐂𝐢𝐢𝐝𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐊𝐮𝐦𝐚𝐚𝐧𝐝𝐨𝐨𝐬𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐚𝐛 

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐭𝐚𝐛𝐚𝐛𝐚𝐫 𝐮𝐬𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐫𝐞𝐲 𝐃𝐮𝐟𝐜𝐚𝐝𝐝𝐢𝐢 𝟏𝟐-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐂𝐢𝐢𝐝𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐊𝐮𝐦𝐚𝐚𝐧𝐝𝐨𝐨𝐬𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐚𝐛 

September 28, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa Dugsiga Tababarka Shahiid G/le Xasan Tuure tababar ugu soo...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay Taliyaha Ciidanka Badda

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay Taliyaha Ciidanka Badda

September 28, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa maanta Xarunta Hay’adda kulan kula qaatay Taliyaha Ciidanka...

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Siyaasadeedka Talo Qaran oo lagu qabtay Degmada Guriceel

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Siyaasadeedka Talo Qaran oo lagu qabtay Degmada Guriceel

September 28, 2026
0

Waxaa Degmada Guriceel ka qabsoomay kulan iyo olole ballaaran oo lagu taageerayey musharraxiinta Ururka Siyaasadeedka Talo Qaran ee u taagan...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In