Saturday, September 5, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Maamulka Gobolka Gedo oo ku baaqay in laga hortago dhismaha Darbiga Dowladda Kenya ay ka waddo Xadka labada dal “Dhageyso”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
8 years ago
in Wararka, Wareysiyada
0
Maamulka Gobolka Gedo oo ku baaqay in laga hortago dhismaha Darbiga Dowladda Kenya ay ka waddo Xadka labada dal “Dhageyso”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddoomiyaha Gobolka Gedo Mudane Maxamed Muxumed Maxamed ayaa sheegay in wada hadalkiisa u socday labada Maamul ee Belad-Xaawo iyo Mandheere  uu dhicisoobay, sababa la xiriira dhismaha darbiga labada magaalo oo Kenya ay dib u bilowday.

Guddoomiyaha oo Wareysi gaar ah siiyay Radio Muqdisho ayaa sheegay in wada hadalka ay la galeen Maamulka Mandera uu ujeedka uu ahaa in la xoojiyo wada shaqeynta labada maamul iyo labada magaalo ee dariska ah oo ay iska kaashadaan dhanka amniga oo uu xusay inay isku afgarteen.

Related posts

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo la kulmay Wakiilka cusub ee hay’adda WHO ee Soomaaliya

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo la kulmay Wakiilka cusub ee hay’adda WHO ee Soomaaliya

September 5, 2026
Ciidanka Kumaandooska Danab oo howlgal qorsheysan ku dilay xubno ka tirsan Khawaarijta

Ciidanka Kumaandooska Danab oo howlgal qorsheysan ku dilay xubno ka tirsan Khawaarijta

September 5, 2026

“Shirka labada Maamul waxaan uga wada hadalnay isu socodka iyo iskaashiga dhanka amniga, balse waxaa kale oo jirtay ajande kale oo shirka ka baxsanaa oo la xiriirtay dhismaha darbiga ay Kenya ka dhisayso xadka, oo ay go’aansadeen inay sii wadaan, iyagoo sheegay in Madaxweynaha Kenya uu arrintasi amray” ayuu yiri Guddoomiyaha.

Mudane Maxamed Muxumed Maxamed ayaa sheegay inaysan maslaxad ku jirin dhismaha darbiga, waxaana uu ku baaqay in la joojiyo dhaq dhaqaaqa ku saabsan dhismaha sharci darrada ah ee ay Kenya ka dhiseyso xadka labada dal Soomaaliya iyo Kenya.

Guddoomiyaha Gobolka Gedo ayaa ka codsaday Madaxda dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya inay qaataan mas’uuliyadda ah sidii looga hortagi lahaa dhismaha darbiga ay Kenya ka dhisaneyso xadka labada dal.

Halkan ka dhageyso Wareysiga oo dhameystiran.

http://www.radiomuqdisho.so/wp-content/uploads/2018/03/Guddoomiyaha-Gobolka-Gedo-Maxamed-Muxumed-Maxamed.mp3

Previous Post

Agaasime Guud ee Hay’adda Socdaalka oo booqday xarunta Qunsuliyadda guud ee magaalada Jeddah “SAWIRRO”

Next Post

Dhageyso Barnaamijka Imaqashii ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso Barnaamijka Imaqashii ee Radio Muqdisho

Dhageyso Barnaamijka Imaqashii ee Radio Muqdisho

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo la kulmay Wakiilka cusub ee hay’adda WHO ee Soomaaliya

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo la kulmay Wakiilka cusub ee hay’adda WHO ee Soomaaliya

September 5, 2026
0

 RADIO MUQDISHO:- Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee JFS, Mudane Xasan Maxamed Cali (Nadaara), ayaa maanta...

Ciidanka Kumaandooska Danab oo howlgal qorsheysan ku dilay xubno ka tirsan Khawaarijta

Ciidanka Kumaandooska Danab oo howlgal qorsheysan ku dilay xubno ka tirsan Khawaarijta

September 5, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee Kumaandooska Danab ayaa hawlgal qorsheysan oo ay ka fuliyeen deegaanka Buula Fulaay...

Guddoomiyaha hay’adda SoDMA oo gaaray magaalada Beledweyne

Guddoomiyaha hay’adda SoDMA oo gaaray magaalada Beledweyne

September 5, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA) Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, oo wehliyo Wasiir-dowlaha Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka Hirshabeelle...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Beladweyne

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Beladweyne

September 5, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, oo wehliyo Wasiir-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka Hirshabeelle...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In