Tuesday, December 2, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Soomaalida kunool Mareykanka oo olole ugu jira wax ka bedelka sharciga socdaalka Dalkaasi

admin by admin
8 years ago
in Wararka
0
Soomaalida kunool Mareykanka oo olole ugu jira wax ka bedelka sharciga socdaalka Dalkaasi
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Shirka arrimaha isbadalka cimilada iyo nidaamka maalgelinta oo Muqdisho lagu soo xiray

Shirka arrimaha isbadalka cimilada iyo nidaamka maalgelinta oo Muqdisho lagu soo xiray

November 30, 2025
Maxkamadda Racfaanka Galgaduud Oo Xukuntay Rag Ku Eedaysan Dil Hore

Maxkamadda Racfaanka Galgaduud Oo Xukuntay Rag Ku Eedaysan Dil Hore

November 30, 2025

 Dadka soo galootiga ah oo ay Soomaalida ku jirto kuwaasi oo kunool Dalka Mareykanka ayaa wada olole iyo dadaalo ku aadan sidii wax badan looga bedeli lahaa sharciga soo galootiga Dalkaasi,kaasi oo saameyn ballaaran uu ku yeeshey bulshooyin badan oo Soomaalidu ay kamid tahay.

Wakiilo ka kala socda bulshada Soomaalida ee dagan gobalka Minnesota iyo gobolada kale ee Mareykanka iyo Qareenno ka socda hay’adaha xuuqul insaanka ayaa maalmahan ku sugaanaa magaalada Washington ee dalka Mareykanka si ay ula kulmaan sharci dejiyaasha waddankaasi Marakanka.

Dadkani ayaa dadaal ugu jira in hidise-sharciyeedka laanta socdaalka ee dalkaasi Mareykanka oo hadda horyaalla xildhibaanada Kongareeska in ay kala hadlaan sidii wax looga badali lahaa,islamarkaana loogu soo dari lahaa qodobbo dhaxal gal u ah bulshada Soomaalida.

Maxamuud Xasan oo u ololeeya arrimaha Soomaalida Maraykanka ayaa sharaxaad ka bixiyay ujeeddada qorshohooda,isagoo la hadlayay laanta afka Soomaaliga ee BBC.DA.

“Runtii saad ogtahay hay’adda Socdaalka waxaa soo socda in la bedelo sharciga Socdaalka, ee dadka soo galootiga ah,waxaan u tagnay Congreska iyo Senatorska oo laga soo doorto Gobolka Soomaalidu ay degto,dhamaan dadka soo galootiga ah ee Mareykanka waxay isugu yimaadeen Washington,sidookale waxaa nala socda hay’adaha xuquuqul insaanka oo doonaya isbedel lagu sameeyo sharciga”. Ayuu yiri Maxamuud Xasan.

Maxamuud Xasan ayaa intaasi ku daray in ay doonayaan in dib loo furo xafiiskii qaabilsanaa arrimaha Visaha Dal ku galka ee Yugandha,kaasi oo dhawaan ay xirtay dowladda Mareykanka.

“Waxaa sidoo kale aan kala hadalnay dad badan oo Soomaali ah oo degan Yugandha oo qaraabadooda ugu diraan halkaasi Visaha,dhawaan ayaa la xiray xafiiskaasi, marka waxaan rabnaa in xafiiskaasi dib loo furo,ahmiyad weyn ayayna inoo leedahay arrintaasi iyo in Soomaalida laga saaro liiska dadka dib loo celinayo”. Ayuu yiri Maxamuud Xasan.

Dowladda Mareykanka ayaa dhawaanahanba waxaa ay adkeysay arrimaha socdaalka dalkaasi,taasi oo saameyn ballaaran ay ku yeelatay bulshooyin badan oo u socdaalayay dalkaasi.

Previous Post

Horjoogihii Al-shabaab u qaabilsanaa Uruurinta lacagaha Baadda ah ee Gobolka Hiiraan oo howlgal lagu dilay

Next Post

Dhagar Qabayaal ka tirsan Al-Shabaab oo Xukun lagu riday+(Sawirro)

Next Post
Dhagar Qabayaal ka tirsan Al-Shabaab oo Xukun lagu riday+(Sawirro)

Dhagar Qabayaal ka tirsan Al-Shabaab oo Xukun lagu riday+(Sawirro)

Shirka arrimaha isbadalka cimilada iyo nidaamka maalgelinta oo Muqdisho lagu soo xiray

Shirka arrimaha isbadalka cimilada iyo nidaamka maalgelinta oo Muqdisho lagu soo xiray

November 30, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Waxaa magaalada Muqdisho lagu soo gaba-gabeeyay shir 5 maalmood socday oo looga hadlayay arrimaha isbeddelka cimilada iyo nidaamka helida...

Maxkamadda Racfaanka Galgaduud Oo Xukuntay Rag Ku Eedaysan Dil Hore

Maxkamadda Racfaanka Galgaduud Oo Xukuntay Rag Ku Eedaysan Dil Hore

November 30, 2025
0

RADIO MUQDISHO(GALGADUUD):-Maxkamadda Racfaanka Gobolka Galgaduud ayaa xukun dil toogasho ah ku riday Cabdi Cusmaan Cabdullaahi iyo Gallad Axmed Xuseen, sidoo...

Ra’iisul Wasaare Xamse Oo Khudbad Ka Jeediyay Madasha MEDays

Ra’iisul Wasaare Xamse Oo Khudbad Ka Jeediyay Madasha MEDays

November 30, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo khudbad ka jeediyay kulanka xiritaanka ee Madasha Caalamiga...

Wasiirka Kalluumeysiga XFS Oo Daahfuray Nidaamka Maareynta Macluumaadka Kalluumaysiga(FIMS)

Wasiirka Kalluumeysiga XFS Oo Daahfuray Nidaamka Maareynta Macluumaadka Kalluumaysiga(FIMS)

November 30, 2025
0

RADIO MUQDISHO:- Wasiirka Kalluumaysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Xasan Aadan, ayaa si rasmi ah...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In